“Xukuumadda Loogama Fadhiyo Inay Heshiisyo Gasho’

54
3282

Xildhibaan Qabile

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay heshiiska ay Xukuumaddu la saxeexatay Shirkada DP World, ee ku saabsan dhulka soonka ganacsiga berbera (Free Zone), waxaanu sheegay in madaama muddo xileedkii Xukuumaddu dhammaaday, oo maalmo ka hadhsan yihiin, in aan looga fadhiyin inay heshiisyo gasho, ee looga fadhiyo inay nabadgalyada ilaaliso, oo ay fududayso sidii ay ku dhici lahayd Doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanu tilmaamay in laga feejignaado wax kasta oo caqabad ku ah Doorashada.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “In loo dareero Doorashada Madaxtooyada Somaliland, ayuun baa inoo hadhay, marka halkaas la soo gaadho Xukuumadda fulinteeda iyo wixii ay awood ah ee hayso inay iskugu geyso sidii ay ugu dhici lahayd Doorasho xor iyo xalaal ah ayuu waajibkeedu ahaa, laakiin Xukuumadu heshiisyo cusub oo ay galayso iyo heshiisyo ay dib ugu noqoto midna uma yaalo, shaki siyaasadeed oo aad u weyn oo waxyaabaha maanta Somaliland hadheeyey waa ka mid arintaasi”.

Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey dhulka free zonka berbera ayaa yidhi “Barigii hore ee Dawladdii Daahir Rayaale, waanu eegnay, intii dambena waa la qiyaasay, tanina waxay keenaysa barakicin iyo buuq cusub, oo aan wakhtigan loo baahnayn, wakhtigan Doorashadana arin kasta oo xasaasiya in laga taxadiro weeye, markaas anigu talabadaas waxaan u arkaa Xildhibaan ahaan inay Doorashada carqalad ku tahay, in la dhawro, oo waxyaabaha noocaas oo kale ah la isku taaban  inta ay Doorashadu ka dhacayso weeye, Xukuumaddana waxa laga raba hanaankii nabadgalyo iyo dhammaan waxyaabihii fududayn lahaa inay dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ahi, balse loogama fadhiyo inay heshiisyo gasho iyadoo xilkii ka dhammaaday”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here