Xukuumadda kulmiye ma waxey dib innogu celineysa waqtigi Xisbiga Hantiwadaaga kacaanka Somaaliyeed (XHKS) W.Q Baashe Cabdi Gaboobe

0
623

images (8)Xukuumadda kulmiye waxay beryahan ba wiqeysey ama isku dayesey iney meeshaba gebi ahaan ba ka saarto tiirarki nidaamka dimuqraadiga ee Somaliland kuso caano maashayj muddadi 24 sannadood ee ay jirtey si keligeed saaxadda siyaasadda ugu jirto.Haddaan tusaalooyin soo qaato waxey ka bilaabantey doorashooyinki ururada siyaasadda ee qabsoontey 2012 taaso aynu ka wada dharagsanahey maamul xumada  iyo isdaba marinta ka dhacdey iney sababtay  cabashooyin iyo mudaharaado lagu diidan yahey natiijada ka dhalatey doorashooyinkaas oo geyeeysisay  S/L  iney marki ugu horeysey ka dhacdo doorasho dhiig ku daato, nabadgelyaduna khatar gasho.Waxa ku xigtey weerarki ay xukuumadda kulmiye ku qaadey  saxaafadda iyo saxafiinta madax bannaan si aanu shacabka S/L uu ogaan cadaalad darrada iyo boobka hantida ummadda lagu hayo iyo shirqooladda siyaasiga ah ee S/L loo maleegayo sida wada hadalada S/L iyo Somalia ee Turkigu qab qable ka yahey .Waxaaney xidhey saxafiin badan,( Somaalidu waxey tidhaahda ‘’maxa meyd uu danbeyeey iyo kaa iminka la sii sido’’waxa si sharci darro ah shalay la soo xidhey labada wariye oo kala ah Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdillaahi) iyo warbaahin badan oo ilaa maanta qaarkood  albaabadu uu laaban yihin sida Somaliland Times iyo Haatuf.Waxey gaashaanka ku dhufatey sharcigi ay golaha wakiiladu soo saareen ee ay ku xaaraantimeyeen in cid gaar ah oo madaxtooyadu wadato lagu wareejiyo haamaha shidaalka berbera.Waxa hubaal ah, si loo helo dimuqraadiyad caafimaad qabta waxa laga marmaan ah in dimuqraadiyadu ka hana qaado axsaabta dhexdooda haddey tahey go’an qaadasho,doorasho ama wim.Waxeynu ogsoonahey doorshadi guddoomiyaha xisbiga kulmiye in la diidey in Muse Bixi cidi la tartanto .waxa kalo jirtey in musharaxnimada madaxweyne ee xisbiga kulmiye in muse Bixi kaligi tartamay marki musharaxiinti kale loo joojin waayey cabashooyinkoodi ay ka mujiyeen qaabka loo wado shirka golaha dhexe kuna tilmaameen afduub dhagareysan .Haddaba waxeynu iminkana maqleyna in xukuumadda kulmiye uu gudubtey axsaabti mucaaridka oo kharash badan ku bixineyso si ay uu reebto musharaxinta madaxweyne ee ay isku haybta yihin Muse Bixi. .