“Xukuumadaada Dib Ugu Noqo Oo Cabashada Ay Dadku Ka Cabanayaan Xagga Beelaha Miisaankeeda Dib U Eeg Madaxweyne”

0
1161

Boorama (Geeska)-Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale  oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa madaxweyne Biixi u soo jeediyay inuu ku noqdo saami qaybsiga xukuumada ee beelaha Somaliland.

waxa uu madaxweynaha u soo jeediyay hadii uu cabashada saamiga  inuu hali doono jacaylka shacabiga, waxaanu sidan ka sheegay xidhitaanka shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ku qabsoomay Boorama.

waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Waa dardaan waayeel xisbigiisa jecel, waxaana is leeyahay waa taynu ku dhismayno, oo aynu meel ku gaadhayno,haddii inagu gudaheena waxa inaga khaldan iyo waxa inaga murkucday sheegin, oo aynaan isa sixin, oo aynaan wada taaban wuxuunbaa inaga sii xumaan, Madaxweyne taasina waa iga talo, Xukuumadaada dib ugu noqono oo cabashada ay dadku ka cabanayaan xagga beelaha miisaankeeda dib u eeg Madaxweyne, ceebna maaha, iyada oo madaxweyne aynu xisbi nahay, oo Xisbiga Kulmiye Beelaha Somaliland oo dhami ku jiraan, haddana Madaxweyne halkaas dib u eego xaqsoorida iyo cadalaadaasi waa mid ay dadku kugu jeclaan doonaan, taariikhduna qori doonto”.

Mar uu ka hadlaayey wasiiradii hore ee soo maray Xukuumadda ayaa yidhi “Horta Madaxweyne anigu waxaan leeyahay dadkii wasiiradda hore soo maray, yey ku qordinin xilka wasiirnimo taladda dalka mar kale, qof Wasiir soo maray yuu hunguri ka galin inuu mar kale wasiir noqdo, xilku waa meerto ragga walaaladeena ah iyo ragga kale ee la magacaabay ee aan wali dalka xil ka qaban waa inaad kuwaas sii saa muhiimada, iyo ahmiyada kowaad, xilalka dawladeenuna wey balaadhan yihiin, madaxweyne haweenkuna lambar kow weeye”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here