Xukuumada Oo Ciyaartoyda Gobollada Dejisay Qaar Ka Mid Ah Dugsiyada Hargeysa

0
856

Hargeysa (Geeska)-Xukuumada Somaliland ayaa ku fashilantay inay u diyaariso goobo wanaagsan oo ay seexdaan ciyaartoyda kala duwan ee 13-ka Goboll ee ka qayb gali doona Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland oo maalinta berri ah si rasmi ah uga furmi doona garoonka weyn ee Hargeysa Stadium.

Haddaba iyadoo dhamaan ay soo xaroodeen Gobollada ka qayb galaya Ciyaaraha Gobollada marka laga reebo labada Goboll ee Gebiley iyo Salal oo la filayo inay maanta galinka hore ay soo gaadhaan Caasimada, waxaa Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu ay Gobollada kale ee ku sugan caasimada u qorshaysay oo ay dejisay qaar ka mid ah Dugsiyada waaweyn ee Magaalada Hargeysa.

Fashilaadan ay Wasaarada Ciyaaruhu ay ciyaartoydan ku dejisay Dugsiyada ayaan la odhan karayn waxay awoodi karin wayday inay dejiso Hotelada Hurdada taas oo ay ciyaartoydu ka heli karaan guud ahaanba waxyaabaha daruuriga ah ee ay u baahan yihiin.

Haddaba Wargeyska Geeska Afrika waxaa uu halkan idinku soo bandhigayaa 13-ka Goboll iyo Goboll kasta goobaha loo qorsheeyay inay degaan. Gobollada Saraar iyo Togdheer waxaa lawada dejiyay Dugsiga sare ee 26-June Secondry School oo ku yaala Degmada 26-ka June, Xaafada Goljano. Gobollka Cayn waxaa iyagana la dejiyay xarunta SOSCA oo ku taala Degmada 26-ka June, Xaafada Goljano. Gobollada Gebiley iyo Salal waxaa la wada dejiyay Dugsiga sare ee Gaandi Secondry School oo ku yaala Degmada Ibraahim Koodbuur, Xaafada Jig-jiga yar. Gobollka Sool waxaa la dejiyay Guri ku yaala Degmada Ibraahim Koodbuur, xaafada Jig-jiga yar. Gobollka Saaxil waxaa la dejiyay Dugsiga Warancade School oo ku yaala Degmada Gacan Libaax, Xaafada New Hargeysa. Gobollka Awdal waxaa la dejiyay Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali oo ku yaala Degmada Maxamuud Haybe, Xaafada Qudhac dheer.

Gobollka Hawd iyo Gobollka Sanaag waxaa la wada dejiyay Dugsiga sare ee Dayib Gurey Secondry School, oo ku yaala Degmada Axmed Dhagax, Xaafada Pepsiga. Gobollka Daad Madheed ‘Oodweyne’ waxaa la dejiyay Dugsiga Sare Maxamed Mooge, Xaafada Maxamed Mooge. Gobollka Badhan waxaa la dejiyay Xarunta Haween weynaha ee NOW oo ku taala Degmada Ibraahim Koodbuur, Xaafada Xero Awr (Ganad). Iyo Gobollka Martida loo yahay ee Maroodi-Jeex oo isaga Golaha Deegaanka Caasimadu u kireeyay Guri ku yaala Degmada Ibraahim Koodbuur, Xaafada Badda Cas.

Dhanka kale Wasaarada Ciyaaraha ayaa maanta si rasmi ugu dhawaaqi doonta isku aadka Jadwalka tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland ee Kubada Cagta, Kubada Kolayga iyo Oradada kala duwan. Wakhti uu burrito furmi doono tartankani.