Xubnaha Guddiga Fulinta KULMIYE Ee Muuse Biixi Ka Soo Horjeeda Oo Iclaamiyay Shirka Golaha Dhexe

0
613

Picture4Hargeysa (Geeska)- Kulan ay Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye ku qabteen Hotel Maansoor isla markaana uu Guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ka mid ah Hogaanaka Xisbiga Kulmiye ayaa waxba kama jiraan lagu tilmaamay  hadalo iyo go’aamo ay soo saareen Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin.

Xubnaha Guddida Fulinta ee kulanka ka hadlay oo ah garabka ka soo horjeeda guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo bandhigay in qoddobada ay ku doodayaan waxba kama jiraan yihiin Muuse Biixi iyo Maxamed Maxamed Kaahin, iyagoo madasha ka akhriyey laba qoddob oo kala ah Xeerka Xisbiga Kulmiye qoddobkiisa 24 aad iyo Xeer No:14 ka Xeerka Axsaabta siyaasadda, kuwaas oo ay ku doodeen in aanay meelnaba kaga qornayn in ay ku magacaabi ka Guddida Fulinta ee lagu Ansixiyey shirweynihii Xisbiga Kulmiye waxay ku Eedeeyeen Muuse  Biixi iyo Maxamed Kaahin Waxaana ay shegeen inaanu xaq ulahayn Muuse Biixi inuu soo magacaabo Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye.

Ugu horeyna waxa halkaasi ka hadlay C/kariin Xinif,waxaana uu yidhi “Guddoomiyaha xisbiga iyo ku xigeenkiisa waxaan filayaa inaanay xeerka xisbiga akhriyin, xeerka xisbiga kulmiyena waxa la ansaxiyay 2008kii shirwaynihii ka dhacay huteel Ambassador, Horta xeerka xisbiga kulmiye ayaan laga helayn meel uu Guddoomiyaha xisbigu ku magacaabi karo Guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye,saakana waad arkayseen oo Guddoomiyuhu waxa uu soo magacaabay Guddidi Fulinta ee xisbiga,Guddoomiyahu waxa uu magacaabi karaa uun Xoghayaasha Guddida Fulinta, Qasnajiga Xisbiga,laakiin macnaheedu maaha inuu muuse biixi magacaabi karo guddida fulinta ee xisbiga kulmiye.”

Waxa kale uu intaasi ku daray”Awood,Xulista, Magacaabista,xulida Guddida Fulinta waxa iska leh shirwaynaha xisbiga,Guddoomiyaha Xisbiga waxa u banaan uun inuu 44kaas nin taytalo u kala sameeyo oo kaliya,markaad xeerka Xisbiga si aad ah aad u dhuuxdo meelna kagamuu darin inuu guddida fulinta ee xisbiga kulmiye uu soo magacaabi karo  Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi. Lakiin Guddidaas fulinta ee uu xalay (Habeen hore) magacaabay waa mala awaal ay ka muuqato isdidisiini,Guddida Fulintu waxa ay u jirtaa si sharci ah,Guddoomiyahu waxa uu ku jiraa si sharci ah,golaha dhexena waxa uu ku jiraa si sharci ah.”

Sidoo Kale Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir Axmed oo halkaasi hadal kasoo jeediyay ayaa eedo u soo jeediyey Hogaanka Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynuhu ay go\aan isku ogayeen.

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo goob joog ka ahaa Shirka Guddida Fulinta ayaa Shirka kaga dhawaaqay in Shirkii Golaha Dhexe Kow-da Bisha Juun Ama Toddobaadka danbe uu ku qasboomi doono Hotelka Maansoor.

Xogahayah Guud ee Xisbiga Kulmiye oo hore ula safnaa Garabka Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin isla markaana la qabtay shirkii ay Guddida Fulinta ku daadifaynayeen ayaa  si lama filaan ah kulanka Guddida Fulinta uga dhex muuqday isagoo waliba iclaamiyey shirka golaha dhexe.

Xoghaye Xasan Siciid Yuusuf waxa uu ugu baaqay Xubnihii Golaha Dhexe ee ay dhawaan soo bandhigeen Shirguddoonkii Xisbiga Kulmiye ka soo qayb galaan shirka golaha dhexe, isla markaana wakhtiga dhawraan.

Gaba-gabadii waxa soo gunaanada Madaxwayne ku xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxaana uu sheegay. “horta xooga wadanka gacanta ayaanu ku haynaa,hawl maaleedka qarankuna waa socdaa,waxaana la isku hayaa waa xisbiga,khilaafna waa iman karaa,waana lagu dhexe murmi karaa,waxaanu jeclayn in aanu khilaafkayaga dhamaysano laakiin waa uu naga awood batay,waxaanu leenahay muuse biixi iyo inta la socotaba halka uu xisbiga kulmiye ubato ayaa la raacayaa ee nasoo raaca,kuna soo noqda sharciyada dalka,damaca madaxtinimadana ee muusow ku haya wakhtigooda la suga, anigu waxaan ahay musharax madaxwayne ku xigeenimo halka uu madaxwayne siilaanyo maro ayuun baan ana marayaa.”