Xogo Xiise Leh Oo Ku Saabsan Taariikhdii Carruurnimo Ee Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jun-Un (Q. 3)

27
2919

Pyongyang (Geeska)- Badhtamihii sannadkii 2000 Kim Jung-un waxa uu dib ugu noqday Kuuriyada Woqooyi, sida ay saaxiibbadiisii dugsiga Switzerland sheegeenna waxa uu u baxay si qarsoodi ah oo aan raad dambe laga arkin. Sababta soo noqoshada

Dad xogogaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in sababaha uu hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Woqooyi dib ugu soo celiyey wiilkiisa Kim ay ka mid ahayd isaga oo ka daalay bixinta kharashka waxbarashada ee aadka u badnaa, oo uu u arkayey in ay tahay lacag bilaash kaga baxda, maadaama oo aanu waxbarashada ku fiicnayn. Waxa se jira warar kale oo sheegaya in sababta loo soo celiyey ay ahayd cabsi uu aabihii iyo qoyska taliyaa ka qaadeen in wiilkoodu uu wax ka barto dhaqanka iyo aqoonta Maraykanka oo loo arko xaaraan. Cabsidan ayaa soo baxday markii safaaradda Kuuriyada woqooyi ku leedahay Switzerland ay madaxweyne Kuuriyada Woqooyi iyo saraakiisha sirdoonka ee dalkaas u dirtay warbixinno sheegaya in ay saaxiibtinimo adagi dhex martay wiilkiisa iyo wiil uu dhalay nin hore madax uga ahaan jiray Switzerland, isla markaana ay muuqato saamayn uu wiilkaasi ku yeeshay dabeecadaha iyo habdhaqanka Kim Jung-un.

Noloshii

In kasta oo dawladda Kuuriyada Woqooyi ay ku dadaashay in wiilka hoggaamiyuhu uu ku noolaado nolol aan ka duwanayn ta ay ku noolyihiin carruurta qoysaska caadiga ahi, loona arkayey in uu sidaas ku badbaadayey, haddana sida uu sheegay mid ka mid ah saaxiibbadii oo sheegay in uu marar door ah guriga u raacay si uu ula soo cunteeyo. “Waxa uu lahaa cunto kariye u gaar ah, waxa uu aad u jeclaa digaagga oo uu aad ugu darsan jiray tamaandhada shiidan ee kajabta loo yaqaanno, nooceeda macaanka leh” Wiilkani waxa uu sheegay in aanu Kim Jung-un aanu safaaradda ku noolaynt, taasina ay dareenkeeda lahayd, waxa se uu xusay arrin kale oo marag u ah in wiilkani ka soo jeedo qoys aad u ladan, isaga oo arrintaas ka sheekaynayana waxa uu yidhi, “Waxa uu haysan jiray qalabka lagu ciyaaro noocyada ugu qiimaha badan, ee carruuraha kale badankoodu aanay heli karayn. Talefishanno cusub, cajalado Fiidyoow oo daawasho ah, Sonny Plays station. Waxa uu sida oo kale lahaa cunto kariye iyo basaas u gaar ah. sida oo kale waxa uu lahaa oo guriga ugu iman jiray macallin gaar ah oo waxbarashada ka kaba”

Ninkani waxa uu sheegay in aanu weligii arag hoggaamiyaha Koonfurta Woqooyi oo kamri ama maandooriye kale cabbaya. “Sida oo kale haweenka iyo xidhiidhadoodana kuma uu dheerayn jirin” ayaa uu yidhi. Dabeecadaha kale ee Kim Jung-un lagu arkay intii uu qurbaha ku maqnaaa dabeecad aan dadka ku badnayn oo ah in aan weligii laga maqal isaga oo dalkiisa ammaanaya ama in uu u xiisay laga dareemayo, marka laga reebo in uu aad u dhegeysan jiray heesaha afka woqooyiga Kuuriya.

Madaxnimada

Sannadkii 2011 ayaa uu Kim Jung-un noqday hoggaamiyaha dalkiisa oo uu ka dhaxlay aabihii oo markaas geeriyooday. Aabihii oo 70 sano jir ahaa waxa uu u dhintay wadne istaag.

Waxaa la aaminsan yahay in joogitaankii Switzerland uu Kim Jung-un noloshiisa ku yeeshay saamayn gaar ah, waana sababta uu dalkiisa uga sameeyey degmo loo nasasho tago, isla markaana lagu soo ciyaaro ciyaaraha barafka lagu tartamo. Goobtan oo uu dhammeeyey sannadkii 2012 ka, waxaa maamulkeeda si gaar ah gacanta ugu haya Kim Jung-un, waxa aana ku baxay lacag dhan 350 Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Nasiibdarro Kim Jung-un xaruntan nasashada iyo tartanka malabka kama uu shaqaysiin, oo waxa uu awoodi kari waayey in uu dalka dibaddiisa ka soo dejisto sallaanka, lagu fuurlayo, Sababtuna waa cunaqabataynta saaran dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here