Xogo Xiise Leh Oo Ku Saabsan Taariikhdii Carruurnimo Ee Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jun-Un (Q. 2)

76
4461

Pyongyang (Geeska)- Ko Yong Suk waxa ay u goosatay dalka Maraykanka oo ay imika ku haysato doobiile kuwa dharka ingagga ku nadiifiya ah. Ko Yong Suk oo ma sannadkii 2016 ka ahayd u warrantay wargeyska Washington Post, waxa ay ka sheekaysay sida ay u noolaayeen waqtigaas ay dalka Switzerland ku haysay Kim Jong-un iyo qaar ka mid ah walaalihii, “Guri caadiya ayaa aanu ku noolayn, sida qoysaska caadiga ah ayaana aanu isaga noolayn, aniga ayaa iska dhigi jiray in aan hooyadood ahay.” Ayaa ay tidhi, iyada oo intaas ku sii dartay, “Kim waxa aanu ku dhiirrigelin jiray in uu saaxiibbadii guriga keeno, waayo waxa aanu doonaynay in ay nolol caadiya oo sida bulshada kale ah u noolaadaan. Waxa aan siin jiray cuntooyin khafiif ah, waxa ay cuni jireen quraaca, waxa aanay ku ciyaari jireen qalabka carruurtu isku rakibto”

Ko Yong Suk, oo weli ka warramaysa hoggaamiyaha ay eedada u tahay ayaa tidhi, “Ma’ uu lahayn dhib badan oo aan la hayn karay, waxa se uu aad uga cadhoon jiray gaabnidiisa, waxa aanu u dhaqmi jiray si bilaa dulqaad ah. Haddii uu cadhoodo, hadalka tooska ah ma’ uu jeclayn, balse waxa uu cadhadiisa ku muujin jiray cuntada oo uu ka soomo”

Xusuusaha waardiyihii hore

Waxaa isna aqoonta uu u leeyahay hoggaamiyaha Woqooyiga Kuuriya ka sheekeeyey nin hore u ahaan jiray waardiyaha shakhsiga ee hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, kaas oo sheegay in Kim Jung-un uu yahay nin walbahaarka iyo didsanaantu ku badan tahay, waxa uu sheegay in carruurnimadiisii markii uu joogay Kuuriyada woqooyi uu ahaa gooni socod aanay carruuraha kale wada ciyaarin.

Lee Young-Gok oo qudhiisuna Maraykanka u baxsaday ayaa isaga oo u warramaya talefishanka ABC waxa uu yidhi, “Kim Jung-un, waxa uu ahaa nin mar kasta cadho laga filan karo, marka uu cadhoodana waxa uu samayn jiray ficillo aanu ka fikirayn cawaaqibka ka dhalan kara”

Waxaa la qarin jiray ciddooda

Kim Jung-un markii uu waxbarashada u joogay dalka Switzerland waxa lagu sheegi jiray cid aanu ahayn, si amnigiisa loo sugo. Kim Jung-un iyo carruurta ay walaalaha ahaayeen waxa ay dadka oo dhami u yaqaanneen in uu dhalay nin ka mid ahaa shaqaalaha safaaradda Kuuriya ku leedahay Switzerland, waxa se mararka qaarkood dhici jirtay in dadka qaar wax iska weydiiyaan sida gaarka ah ee loo ilaaliyo carruurtan iyo daryeelka gaarka ah ee qabaan.

Badhtamihii sannadkii 2000 Kim Jung-un waxa uu dib ugu noqday Kuuriyada Woqooyi, sida ay saaxiibbadiisii dugsiga Switzerland sheegeenna waxa uu u baxay si qarsoodi ah oo aan raad dambe laga arkin. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here