Xogo Xiise Leh Oo Ku Saabsan Taariikhdii Carruurnimo Ee Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jun-Un (Q. 1)

54
2844

Pyongyang (Geeska)- Hoggaamiyaha 34 jirka ah ee Kuuriyada woqooyi Kim Jung-un oo lagu yaqaanno nin madax adag oo cabsi badan ku haya amniga dalka Maraykanka iyo saaxiibbadiisa Kuuriyada Koonfureed ka mid tahay, ayaa inta badan ay warbaahinta reer galbeedku ka sheekaysaa uun dhinaciisa qallafsan iyo arxan darradiisa. Laakiin warbixintan kooban oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa ay shabakadda wararka ee Alcarabiya ku eegaysaa dhinaca ee noloshiisa, gaar ahaan caruurnimadiisii oo ciyaar badni, kaftan iyo dheeldheel jacayl badani ka buuxa.

Laba sano oo u dhexeeyey 1998 illaa 200 hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi waxa uu ahaa arday wax ka barta dugsiga

Liebefeld-Steinhölzli oo ku yaalla magaalada Queens ee dalka Switzerland. Waqtigaas oo uu aabihii talada dalka Kuuriyada Woqooyi hayey. Waxaa xisie leh in Kim uu dugsigan oo ay dawladdu leedahay ku dhigan jiray magac aan kiisa ahayn oo ahaa  Pak-un, isaga oo sida oo kalana sheegan jiray in uu dhalay nin shaqaale ka ah safaaradda dalka Kuuriyada Woqooyi, taas oo ahayd nidaam ku talagal ah oo ay dawladda Kuuriya ku qarinaysay wiilka hoggaamiyaha.

Kim waxa uu ahaa nin ardayda aad u dhexgala, aad ugu adkaysi badan duruufaha ka horyimaadda aadna u hamilo badan. Kim waxa uu aad u xiisayn jiray kubadda kolayga.

Kim oo intii aanu dugsiga gelin la baray afka Jarmalka oo uu manhajku ku baxayey, waxa ay saaxiibbadii sheegeen in carruurtu aad u majeeran jirtay labbiska dhinaca ciyaaraha oo uu ka haystay noocyo badan oo ah kuwa qaaliga ah ee shirkadda Nike soo saarto, in kasta oo uu ahaa nin gaaban miisaankiisuna waxoogaa inta caadiga ah ka sarreeyey markaas, haddana saaxiibbadii sida ay ku warrameen waxa uu xariif ku ahaa kubadda kolayga, waxa aanu xiddigiisu ahaa xiddiga kubadda Kolayga Maraykanak ee Michael Jordan oo lagu tilmaamo ciyaartoyga ugu fiican ee soo maray taariikhda kubadda kolayga.

In kasta oo uu Pak-un dugsigan qaaliga ah dhiganayey, dhaqaale badanna lagu bixiyey, haddana nasiibdarradiisa kuma uu guulaysan in uu shahaadada dugsiga sare qaato. Markii ay da’diisu 15 sano noqotay ayaa uu aabihii ka saaray dugsigan oo la geeyey dugsiga kale oo ku yaalla magaalada Bern ee isla dalka Switzerland, dugsigan dambe oo kii hore aad uga sii qaalisanaa waxaa ardayda sannadkii laga qaadaa lacag u dhiganta 22 kun iyo 650 doolarka Maraykanka ah.

Kim Jung-un oo ka mid ahaa ardayda fasalka ugu dhibcaha hoosaysa waxa ay is dhinac fadhiisan jireen, aadna saaxiib ugu ahaayeen fasalka Joao Micaelo oo ah wiil uu dhalay dublumaasi caan ahaa oo u dhashay dalka Portugal.

Laakiin nasiibku waa uu kala reebay oo maanta Joao waa cunto kariye, halka Kim uu ka yahay  hoggaamiye aad u awood badan oo ka taliya dal quwad Nukliyeer ah leh. “Ma’ aannu ahayn xariifiin laakiin sida oo kalana saaqidiin ma’aanu ahayn. Ardayda darajada labaad ayaa aanu ahayn” ayaa uu yidhi Micaelo oo mar laga waraystay sidii ay ahayd waxbarashada saaxiibkiisa hoggaamiyaha noqday. Isaga oo intaas ku sii daray, “Waxa uu ahaa nin aad u fiican, carruur badan ayaa jeclayd.. laakiin maanta noloshiisa wax war ah kama hayo” waxa aanu saaxiibkii warbaahinta u mariyey farriinta ah, “waxa aan jeclaan lahaa, haddii uu waqti firaaqo ah hayo, in uu ila soo xidhiidho mar kale, si aanu dharaarihii aanu soo wada marnay isu xasuusinno”

Eedadii

Qoyska dhexdiisa Kim waxa uu ka mid ahaa shan carruur ah oo uu dhalay Kim Jung-ill oo ah hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada woqooyi, laba hablood oo ka mid ah walaalihii ayaa iyaguna sidiisa oo kale waxbarashadooda ku soo qaatay dalka Switzerland ee gaarka loo leeyahay sannadkihii sagaashamaadkii. Laakiin walaalkii ay kala bah ahaayeen oo ka weynaa laguna magacaabi jiray Kim Jun-nam isagu waxa uu waxbarashadiisa ku soo qaatay dalka Ruushka. Kim Jung-nam sannadkii hore ayaa sun la siiyey isaga oo ku sugan gegida diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda dalka Malaysiya. Baadhayaasha dalka Malaysiya iyo dad badan oo kale ayaa aaminsan in Kim ay suntan siiyeen dhowr qof oo ka socday sirdoonka dalka Kuuriyada Woqooyi, taas oo macnaheedu yahay in Kim Jun-un uu walaalkiisa ka weynaa ee ay kala hooyada ahaayeen dilay.

Kim Jung-un iyo afarta walaal ee uu la dhashay waxaa barbaariyey oo kaalinta hooyada ugu jiray eedadood  Ko Yong Suk, gaar ahaan markii ay waxbarashada ku jireen. Laakiin tan iyo sannadkii 1998 kii, eedadiisa hooyadii oo kale u ahayd waxa ay dhuumasho ugu nooshahay dalka Maraykanka iyada oo magaceeda iyo qisadeeda oo dhanba qarisay, cabsi ay ka qabto wiilkan ay eedada u tahay awgeed. Ko Yong Suk waxa ay u goosatay dalka Maraykanka oo ay imika ku haysato doobiile kuwa dharka ingagga ku nadiifiya ah. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here