Xogo La Xidhiidha Kala Duwanaanshiyaha Ragga Iyo Dumarka Ee Dalacaadda Shaqada Iyo Aragtida Laga Qabo

0
757

Hargeysa (Geeska)- Barafesoor Ronald Regio oo ku xeeldheer cilminafsiga, in ka badan 100 buug iyo cilmibaadhisoodna ka sameeyey hoggaanka iyo cilminafsiga bulsho ayaa maqaal uu dhowaan ku faafiyey degelka Psychology Today, waxa uu cinwaan uga dhigay, ‘Weli rag baa dunida maamulaya” Waxa aanu sheegay in in kasta oo shaqooyinka ganacsi ee dumarku maamulaan ay muddooyinkii u dambeeyey sii laban-laabmeen, laakiin haddana tirada guud ee maamulayaasha ganacsi ee adduunka waxa ay ka yihiin boqolkiiba 17 keliya. Isaga oo sheegay in dumarka laftoodu ay ugu dambayntii isu dhiibeen caqabadaha hortaagan, oo ay bilaabeen in aanay isku lurinba in ay mansabyo sare ka gaadhaan goobaha shaqadooda.

Ronald waxa uu is weydiinayaa ‘sababta ay la tahay in ay dumarka ka hortaagan tahay in ay guulo ka gaadhaan shaqooyinkooda?’ si uu su’aashaa uga jawaabana waxa uu soo bandhigayaa caqabadaha ay la tahay in dumarka ay ka hortaagan yihiin in ay xilal sare oo maamul ka gaadhaan goobaha ay ka shaqeeyaan, isaga oo is barbar dhigaya dalacaadda shaqada ee ragga iyo dumarka waxa uu Donald sheegay:

1. Mar kasta oo ay 100 dumar ah xilal sare oo maamul u dallacaan waxaa iyaguna dallaca 130 nin.

2. Xitaa haddii ay gabadhu shaqada ku dallacdo, haddana weli awoodaha maamul iyo waajibaadka kala duwan ee loo xilsaarayaa waa ay ka kooban yihiin kuwa ragga, sidaa awgeed fursadda madaxnimadoodu waa ay ka yar tahay fursadda ay raggu haystaan.

3. Dumarka maamulayaashooda ka dalbada ama kala xaajooda in la dallacsiiyo ama mushahar fiican la siiyo, waxaa inta badan loo aqoonsadaa in ay yihiin dumar awood iyo maamul jecel, ama dumar dhiirranaan bahalnimo ah leh, sidaa awgeed goobaha shaqada lagama jecla.

4. Boqolkiiba 40 dumarku waxa ay jecelyihiin in ay xilal sare oo fulineed ka gaadhaan goobaha ay ka shaqeeyaan, halka boqolkiiba 56 ay ka yihiin raggu. Laakiin ragga iyo dumarku waxa ay ka siman yihiin warwarka joogtada ah ee haysta is waafajinta iyo isu dheellitirka siyaasadaha shirkadahooda iyo nolosha uu qofku doonayo.

Dumark uwaxa ay caan ku yihiin in haddii ay ubad leeyihiin iyo haddii kalaba aanay u dulqaadan culayska shaqada. Dumarka mansabyada saree e shaqada doonayaanna waxa ay la kulmaan caqabado ka badan kuwa ay raggu la kulmaan.