Xoghayaha Madasha Wadatashiga Oo Sheegay Inay Xukuumaddu Masuul Ka ahay Tahriibka dhalinyarada

0
566

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Madasha Wadatashiga Axmed Ibraahim Xasan, ayaa Xukuumadda Somaliland ku eedayey inay masuul ka tahay Tahriibka Dhalinyarada, waxaanu ku dhaliilay inay dayacday waajibkii ka saarnaa Dhalinyarada  dalka.  Xoghayaha Madasha Wadashiga oo sheegay inuu Daraasad ka sameeyey dhalinyarada Maalin walba ka Tahriibta dalka iyo kharashka ku baxa ayaa tilmaamay inay Dhalinyaradaasi ka kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin Jidh dil, Kufsi, Dhimasho, waxaanu xusay in Dhalinyaradan dalka ka tahriibaysa badalkooda ay dalka yimadaan dad soo-gelitiya, oo khatar dadka iyo  dalkaba ku haya.

Xoghayaha Madasha  Wadatashiga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa yidhi “Dhalinyaro aad u badan oo xad dhaaf ah ayaan dalkeena Maalin walba ka tahriiba, markii aan Daraasada iyo qiimeyn ku sameeyey 50-dhalinyaro ah ayaa dalka Todobaad kasta ka baxa, oo ka tahriiba, Sannadkii waxa uu ka kooban yahay 52-todobaad, marka guud ahaan Sannadkii waxa dalka ka tahriiba 2600, inaga oo og lacagta ku baxda inay aad u badan tahay, ayaa  marka  aynu soo qaadano halka ugu yar oo 2600-dhalinyarada ah marka aynu ku dhufano lacagta ku baxda oo 10000$, ayaa guud ahaan Sanadkii waxa kharash ahaan  ku baxa 26000000$, xaqiiq ahaan waa lacag xad dhaaf ah, oo Dhalinyarada waxa  loogu qaban lahaa, waxaana run ah, in Dhalinyaradaas laga qaadayo  lacagtaasi oo iskugu jira Hablo iyo Inamaba ay la Jidh dil, Kufsi, Silic, Haraad, Gaajo, Dhimash iyo waliba Ma-gafaha oo lacag badan  ka qaada oo ah Shabakad xidhiidhsan Somaliland ilaa  Liibiya, taas oo laga warqabo inay halka ay joogaan, haddii la xidhana la iska sii daayo, waxa kale cad in Ciidamada Amaanku ay dayaceen waajibkii saarnaa, taas oo  inta badan Dhalinyaradu marto Wajaale, oo ay Itoobiya  uga talaabaan, oo aanay qaban”.

Xoghayaha Madasha Wadatashiga Axmed Ibraahim Xasan, oo hadalkiisa sii wata ayaa  intaas ku daray “Wakhtigii hore Tahriibka Dhalinyarada Somaliland aad ayuu u yaraa, oo waxa  dalka ka tahriibi jirey 25% balse Afartii Sanno ee Xukuumaddani haystay xukunka Tahriibkii xad dhaaf ayuu noqday waxaana tahriiba 75%, inaga oo og in Dhalinyaradaasi ay ka tahriibayaan Shaqo la’aan baahsan, iyada oo Xukuumaddan oo laga rabay inay meelayso ay dacaday waajibkii ka saarnaa Dhalinyarada”.

Xoghayaha Madasha Wadatashiga mar uu ka hadlaayey sameeynta ay ku yeelan karto Tahriibka Dhalinyaradu waxa dalka waxa uu yidhi “Dhalinyarada dalka ka tahriibaya sameeyn xun ayey dalka ku yeelanayaan, maxa yeelay dad badan oo Soo-galeetiya ayaa  iyana  dalka u soo weydaraanaya, waxa  kale oo iyana jirta in xittaa Tarankii iyo Tafiirtii Umadda reer Somaliland aad u yaraado, inaga oo  og in Dhalinyaradii dalka u soo kacayey tahriibayaan maalin walba, dadka waaweyna weyna wey sii socdaan, waxaana dhici karta in dalkeenu khatar galo haddii aan Maanta wax laga qaban, oo Xukuumaddan laga hortagin,waxaana Waalidka iyo Shacabka reer Somaliland kula talinayaa inay iska qabtaan oo ay ka hortagaan Xukuumaddan, dayacday Masuuliyadii saarnayd”.