Xoghayaha Guud Ee Waddani Oo Riwaayad Ku Tilmaamay Wareegto Uu Soo Saaray Wasiirka Hawalaha Guud

0
585

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde,ayaa ka hadlay wareegtadii uu Wasiirka Hawlaha guud uu ka soo saaray Taariikada Gaadiidka Dawladda iyo inaan gaadhi dawladeed lagu xidhi karin taariko shacab, waxaanu sheegay in wareegtadan aan daacad laga hayn.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka, waxaanu xusay in Xukuumaddu sabab u tahay Sicir bararka dalka ka jira, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay wareegtada Wasiirka Hawlaha guud “Arinta wareegtada laga soo saaray Taariikada Gaawadhida Dawladda, waxay ahayd in bilawgii Dawladnimada la sameeyo, waxaana u arkaa wareegtadana inay ka mid tahay riwaayadihii ay dhigayeen, umana arko in Inamadan ku jira Xukuumaddu yihiin Inamo lexe-jeclo ka hayso inay ilaaliyaan Hantida Qaranka, xilna iskama saarayaan inay Hantida Umadda ilaaliyaan, manay ahayn inay maanta oo kale ku baaqaan in la soo xareeyo taariikhada dawladda, mana aamisani inay daacad ka yihiin oo fulinayaan, wareegtadan taariikada ka soo saareena waxay ka mid tahay sicir bararka iyo qiimaha sarifka ee ay lahayeen waanu goynaynaa ee socon waayey,Xukuumadda wax ku maqan hanti badan oo waxay iibsadeen oo ay si badheedh ah u wareejiyeen hanti badan oo uu qaranku lahaa ee hantidaas oo dhana waa looga fadhiya”

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Haddii aanu nahay Xisbiga Waddani, waxaanu u aragnaa Sicir bararka inay Xukuumaddu wado, oo aanay daacadna ka ahayn, aqoon darana ka ahayn, ee dhibta maanta Wadanka haysta, dhibaatooyin ka badan baa soo maray, sicir barar halkaas gaadhayna ma jiro, abaaro wey soo mareen, xoolaha oo la xidhay wey soo mareen, dagaalo wey soo mareen, intaasba dawladdihii dalka soo maray intaasi wey ku dhaceen haddana sicir bararku halkan uu maanta marayo muu gaadhin, waxaana odhan lahaa Xukuumaddu ha isku noqoto oo khaladadkeeda ha saxdo, oo lacagtaas aan lagu shubayn Bandhigaga dhexe in lagu shubo, oo doolarka adag ee la leexsanayo in aan la leexsan ee Bandhiga lagu shubo, in lacagtan la soo daabacanayo, ee doolarka lagu guranayo in aan lagu guran, Lacagta waxa ka masuul ah Xukuumadda, Shirkadna masuul kama aha, Sariflana masuul kama aha, Shacabkuna masuul kama aha, ee Xukuumadda ayaa laga rabaa inay qiimaha sarifka halkiisi ku celiso, Mushaharkii Shaqaaluhu maanta waxba u tari maayo, hana ogaato Xukuumaddu in dhibtu iyada ay ku soo noqonayso, haddii ay moodaysana in arinta sicir bararku ciyaar noqonayso, dhibta ugu dambaysa iyada ayuu ku soo noqonayaa, eedana iyadaa leh, sicir bararka haddii uu ka sii darana oo la joojin waayana wax walba oo ka soo baxa Xukuumadda ayaa qaadaysa”

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay shuban biyoodka ka dilaacay Magaalada Burco, waxaanu sheegay in Xisbiga Waddani, uu doorkiisa ka qaadanayo, isla markaana uu aad uga xun yahay shuban biyoodka dilaacay, waxaanu baaq u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland.