Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey Oo Jebiyey Dhaqankii Xafiiskiisa Ee Ahaa In Muslimiinta Ciidahooda La Hambalyeeyo

0
587

New York (Geeska)- Xarunta dhexe ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa ayaa salaasadii ciidda ka horreysay ku dhawaaqay in maalinta koowaad ee ciiddu ay tahay maalin shaqaalaheeda oo dhami nasan doonaan. Sida la og yahay ciiddda Muslimiinta ayaa weligeedba ahayd fasax rasmi ah oo dhammaan xarumaha qaramada Midoobey ee dunida daafaheeda iyo shaqaalaheeda oo dhami iyaga oo aan loo eegayn diinta ay haystaan ay fasax wada yihiin. Arrintan ayaa ku timid Qaraar uu kulanka guud ee Qaramada Midoobey ansixiyey bishii saddexaad ee sannadkii 1998kii. Sidaa awgeed xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon oo tobankii sano ee u dambeeyey xilkaas hayey iyo dhammaan xoghayeyaashii guud ee ka horreeyey ayaa dhaqan u lahaa in ay maalintan ciidda ah soo saaraan dhambaal tahniyad ah, oo ah qoraal ama hadal ku jihaysan muslimiinta dunida oo dhan, waxase dunida yaab ku noqotay markii ciiddul Fitrigii sannadkan uu Ban Ki Moon jebiyey dhaqankaas ee uu soo saari waayey hambalyadaas, qoraal, hadal iyo xitaa afhayeenkiisa oo ka hadla midna.

War uu Geeska Afrika soo turjumay oo uu faafiyey Talefishanka Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in ergeyga qaramada Midoobey u qaabilsan Suuriya De Mistura uu isagu muslimiiinta dunida u diray hambalyo ku waajahan ciidda, mar dambe oo talefishanka Al-Carabiya weydiiyey sababta uu Ban Ki Moon hambalyadaas mid la mid ah u soo saari waayeyna ku andacooday in tan uu soo saaray isagu ay wadaagaan isaga iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyada oo la og yahay in dhambaalka De Mistura aan meelna lagaga sheegin Ban Ki Moon. Arrintan ayaa noqonaysa dhaqan dareen gelinaya Muslimiinta oo ah caqiidada labaad ee dunida ugu badan.