Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Ka Walaacsan In Iskahorimaad Dhex Maro Dawladda Somaliland & Maamulka Puntland Iyo Baaq Uu U Diray

0
629

Picture8Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud Ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon, ayaa ka walaacsan dagaal iska horimaad ah oo dhex mara dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ee Somaliya. Sida ku cad warbixin aan rasmi loo baahin oo uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u gudbinayo golaha ammaanka, oo uu kaga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee Somaliland iyo Somaliya, ayaa wuxuu ku sheegay inuu ka walaacsanyahay dagaalo si fudud uga dhex qarxi kara Somaliland iyo Somaliya, marka la eego hadalada ay bishii hore is dhaafsadeen. Sida ay wakaaladaha wararka oo warbixinta helay ay baahiyeen, wuxuu labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland ugu baaqay inay is xakameeyaan, “Waxaan labada dhinac ugu baaqayaa inay ka fogaadaan inay xaaladaha sii huriyaan.” Ayuu yidhi Ban Ki Moon.

Sidoo kale, wuxuu warbixintiisan oo aan weli si rasmi ah loo baahin uu ku soo hadal qaaday dhoofinta dhuxusha Somaliya oo uu tilmaamay inay weli sii socota, waloow uu golaha ammaanku hore u mamnuucay, waxaanu cambaareeyay cidda ku hawlan dhoofinta dhuxusha, “Waxaan ka codsanayaa golaha ammaanka iyo guddiga daba galka cunaqabataynta Somalia iyo Ereteriya inay liis gareeyaan shakhsiyaadka iyo maamulada masuulka ka ah dhoofinta dhuxusha.” Ayuu yidhi Ban Ki Moon.

Waxa kale oo uu si adag uga codsaday golaha ammaanka Qaramada Midoobay inay mudada u kordhiyaan xafiiska UNSOM ee uu maamulo Mr. Nicholas Kay, isagoo dalbaday in wakhtiga loo kordhiyo ilaa 3 June, 2015.

Warbixintan ayaa la filayaa in toddobaadyada soo socda si rasmi ah loo baahiyo, waxaana la filayaa inay Somaliland meelo badan kaga jirto.