Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Golaha Ammaanka Ka Hor Sheegay Inay Dimuqraadiyadii Iyo Aaminaadii Somaliland Si Tartiib-tariib Ah U Burburayso

0
551

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyaay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland ee madaxweynaha iyo baarlamaanka, waxaanu sheegay inay dib u dhacyadan soo noqnoqday si tartiib-tariib ah u burburinayaan sumcadii iyo aamnimadii Somaliland ee dimuqraadiyadda.

António Guterres, wuxuu sidan ku sheegay warbixin ku saabsan Somaliland iyo Somaliya oo uu 9 May u gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo si rasmi ah loo baahiyay, waxaanu dawladda Somaliland ugu baaqay inay dejiso jadwal cad oo wada tashi ku yimid oo ku saabsan qabsoomida doorashada.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ka hadlaya dib u dhaca doorashooyinka Somaliland, wuxuu warbixintiisa ku yidhi “Waxaan aad uga walaacsanahay dib-u-dhaca soo noqnoqday ee ku yimid doorashada madaxweynaha iyo baarlamanka Somaliland. Arrintaas oo si tartiib-tartiib ah u burburinaysa ballantii iyo aaminaddii marka hore soo xoogaysanaysay ee lagu qabay geeddi-socodkeeda dimuqraadiyadda Somaliland. Waxa aan maamulka Somaliland ugu baaqayaa, in ay dib u eegis ku sameeyaan wareegga doorashada oo ay u dejiyaan jadwal ku yimid wada tashi loo dhan yahay.”

Xoghaye António Guterres, wuxuu sheegay in golaha guurtida Somaliland ay bishii March muddo kordhin u sameeyeen madaxtooyada, baarlamaanka iyo guurtida, lana go’aamiyay inay doorashada madaxtooyadu qabsoonto 13 November sannadkan, doorashada baarlamaankuna qabsoonto 28 April 2019, ta’ guurtiduna 28 April 2020. “Shacabka Somaliland iyo xisbiyadu mucaaradku si balaadhan ayay u cambaareeyeen dib u dhacdyada, iyadoo ay deeq bixiyayaashuna cadeeyeen inay bixin doonin kharashaadka doorashada eek a soo baxay dib u dhacyadan.” Ayuu yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midooay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu kaloo dawladda Somaliland iyo dawladda Somaliya ugu baaqay inay bilaabaan wada hadaladii hore loo bilaabay, waxaanu yidhi “Waxa aan ugu baaqayaa dawladda Federaalka ah iyo maamulka Somaliland in ay dib u bilaabaan wada-hadalladii, oo ay xal ka gaadhaan arrimaha taagan iyo in xidhiidh isfaham uu dhex maro.”

Wuxuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay warbixintiisa ku sheegay in ay Hargeysa iyo Berbera ka dhaceen mudaharaado lagaga soo horjeedo saldhiga milatari ee dawladda Somaliland Imaaraadka Carabta ka siisay Berbera intii u dhaxaysay 13-15 February.  Tirada dadka arrintan loo xidhay wuxuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay 13 ruux. Sidoo kale wuxuu xoghayaha guud sheegay in la xidhay xubin ka tirsan hay’ada xuquuqal insaanka madaxabanaan ka dib markii uu shacabka ka ururiyay saxeexyo ku saabsan ciidamada Booliska.

Waxa kale oo uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay warbixintiisa ku soo hadal qaaday dareenka didmada leh ee ay dawladda Somaliya iyo Baarlamaankeedu ka bixiyeen saldhigan Berbera ee dawladda Imaaraadka Carabta la siiyay.