Xogaha Ka Soo Baxaya Ergada Isaga Dab Qaadaysa Siilaanyo & Muuse Iyo Ballamaha Maanta Ee Madaxweynaha Iyo Guddoomiye Saleebaan

0
683

Picture7Hargeysa(Geeska)-Dhaqdhaqaaqyo xal loogu raadinayo khilaafka ka dhex qarxay gudaha xisbiga KULMIYE ee u dhexeeya Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa meelo kala duwan si xawli ah uga socda, waxaana maanta bilaabmaya wejigii u horeeyay ee kulamo xal raadis ah.

Khilaafka xisbiga KULMIYE, ayaa maraya meel xaasaasi ah oo sababi kara jaah-wareer siyaasadeed oo dalka ka bilaabma, maadaama oo xisbiga Kulmiye uu magacaabay laba Gole dhexe, iyo laba guddi fulineed, oo weliba uu garab kastaa gaarkiisa u cayimay waqtiga uu dhacayo shirweynaha golaha dhexe ee uu isagu wato.

Labada dhinac waxa ay isku maandhaafsanyihiin sharciyadda xisbiga oo ay qolo kastaa u fasirayso qaab waafaqsan doonisteeda iyo tallaabooyinka ay qaadday, waxaana khilaafkan xisbiga bu’ u ah murashaxnimada uu ku dhawaaqay Muuse Biixi Cabdi.

Wax garadka Bariga Burco

Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda beesha Bariga Burco ee Madaxweyne Silaanyo ayaa gelinkii dambe ee Isniintii bilaabmay dhaqdhaqaaqyo xal raadis ah, waxaanay duhurnimadii Isniintii ay kulan la yeesheen madaxweyne Siilaanyo. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, madaxweyne Siilaanyo wuxuu markii hore guddiga u caddeeyay inaanu wax wada hadal ah la galayn guddoomiye Muuse Biixi, isagoo ku dooday in lagu soo doontay kursigiisa madaxweynenimo. Laakiin dood iyo falanqayn kadib waxa ay madaxweynaha iyo odayaashu isla garteen in xaaladda dhulka la dhigo islamarkaana uu ogolaado madaxweynuhu inay guddigani xal raadiyaan.

Isla markiiba waxa ay ergadani kulan kale la yeesheen guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo odayaal ka socday Beeshiisa, iyagoo u bandhigay waxyaabihii ay madaxweynaha ka wada hadleen, waxaanay isna dhinaciisa ka dalbadeen inuu xaaladda dejiyo, islamarkaana uu xulo odayaal beeshiisa ka socda oo ay si toos ah u wada xidhiidhaan, kuwaas oo uu Muusena aqbalay. Guddiga ka socotay dhinaca Beesha Bariga Burco waxa ka mid ah General Xasan Salin, Xasan Gaafaadhi, Ina Dhuuxyare iyo odayaal kale oo muxtarim ah. Laakiin waxa soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Siilaanyo aanu weli si rasmi ah ugu qancin dhaqdhaqaaqyada wada hadal iyo xal raadiseed ee ay odayaashani wadaan.

Saleebaan iyo Siilaanyo

Guddoomiyaha Golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aden, oo isagu maalin ka hor dalka ku soo laabtay, ayaa subaxnimadii hore ee shalay wuxuu kulan la yeeshay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo uu guddoomiye Saleebaan ugu tagay inuu kala hadlo sidii khilaafka KULMIYE ka taagan maaro loogu heli lahaa. Waxase ay wararku sheegeen inay madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyaha guurtidu markii hore isla fahmi waayeen xal u helidda khilaafka KULMIYE, waxaanu warka uu Geeska Afrika helay sheegayaa in madaxweyne Siilaanyo ku adkaystay inaanu wax wada hadal ah la galayn Muuse Biixi, waxaanay dood iyo hadalo ad-adag ka dib la sheegay inay kala tageen iyagoon waxba isla garanin, markaas ka dibna wuxuu guddoomiye Saleeban si hal-ka-haleel ah u magacaabay guddi culus oo guurtida ah oo ay hoggaaminayaan xubnaha shirguddoonka iyo odayga ruug cadaaga ah ee Xaaji Cabdi-Waraabe.

Kulamada saaka

Waxa xalay guddoomiyaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aden ay xubno wasiiro ahi u keeneen farriin uga timid madaxweynaha oo lagu xaqiijiyay in isaga iyo xubnaha guurtidu, uu madaxweynuhu maanta 10:00 barqanimo xafiiskiisa ku sugayo. Sidoo kale wararkan xogogaalka ah ee uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan inay maanta duhurnimada madaxweynaha la balansan yihiin guddigii hore ula kulantay ee ka socotay Beesha Bariga Burco.

Gunaanad

Labadan kulan ee maanta ka dhacaya madaxtooyada, gaar ahaan kulanka ay madaxweynaha iyo guurtidu u balansanyihiin ayaa la filayaa inuu dejiyo xawaaraha uu ku socdo khilaafka xisbiga KULMIYE, waxaana ay bulshadu u dheg taagaysaa natiijada kulankaas iyo kulamada kaleba, oo la filayo in ay jaan-goyn doonaan khariiradda uu ku sii soconayo khilaafka Kulmiye iyo heer-kulkiisa.