Xog Qaldan Oo Aynu Ka Aaminsannahay Caafimaadka Ilkaha Iyo Muhiimadda Bedelaadda Burushka Ilkaha (Q.2)

0
992

Hargeysa (Geeska)- Waxaa jira arrima la xidhiidha caafimaadka ilkaha iyo nadaafaddooda oo aaminsanaantoodu awoow laga soo gaadh uun iska tahay, oo qofku arkay uun bulshadiisa oo sidaas aaminsan isna ku raacay isaga oo aan baadhis cilmi isku deyin. Shabakadda Bright Side ee ka faalloota arrimaha caafimaadka ayaa baahisay xogo ay dadku isla dhex maraan oo ku saabsan ilkaha iyo arrinta runta ah ee ka dambaysa, qormadaas oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Alcarabiya waxa ay ku sheegtay qodobbadan:

6. Maydhista Ilkaha

Maydhista badan ee ilkuhu waxa ay keentaa in ilku lismaan, oo khafiif ay ka dhigto xoqista badani, isla markaana ay xanuun badan ka qaadaan dawooyinka lagu maydhayo, sidaa awgeed waxaa lagu talinayaa in qofku uu ku dadaalo in uu ku luqluqdo dawooyinka dareeraha ah ee ilkaha nadaafaddooda loogu talogalay. Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in maalin kasta laba jeer ilkaha la cadayo laakiin in ilkaha macjuun lagu cadayo in ka badan laba jeer ay ka fiican tahay iyada oo mar ahaan qaabka aynu soo xusnay uun loo maydho.

7 Ilko xanuun kastaa suus ma’aha

Waxaa in badan dhacdo in qofka marka ay ilkuhu xanuunaan ba uu u qaato in suus galay, laakiin waxa ay khubaradu caddaynayaan in xanuun kastaa aanu suus ahayn. Tusaale ahaan in marar badan ilkaha xanuun lagu karo sababtuna tahay caabuq ama xanuun ku jira cirridka, waxa kale oo ilko xanuun keena nooc xasaasiyadda ka mid ah oo ilkaha ku dhacda.

8. Haddii ilkaha uu buuxisku ka soo dhac..

Inta badan ilkaha daloosha buuxintooda waxa ay dhakhaatiirtu u adeegsadaan walax ka samaysan maaddooyin aan caafimaadka dhibaato ku keenayn, isla markaana haddii dhakhtar farsamo fiicani xidho ay adag tahay in ay soo dhacdo oo si fiican ilkaha u qabsanaysa.

Haddaba dhakhaatiirta ilkuhu waxa ay sheegayaan in haddii ilkaha walaxdaa lagu buuxiyey ay soo dhacdo, in macnuhu uu yahay in ay sabab soo ridday jirto, oo aanu iska soo dhicin uun, sida marar badan dadku u qaataan, kadibna dhakhtarkii xidhay uun eedda u saaraan. Waxa ugu badan ee sababa in ilkuhu soo dhacaan waa in uu suus galo iligga qaybtiisa ka hoosaysa walaxda lagu buuxiyey, kadibna iliggii uu qormo oo yaraado, kana go’o walaxdan lagu buuxiyey, sidaasna ay ku soo dhacdo.

9. Gaws dambeedka iyo saaristiisa

Gaws dambeedku waa iligga keliya ee ay dhakhaatiirtu kula degdegaan saaristiisa, dadka badankooduna aaminsan yihiin in aanu wax qiimo ah ku fadhiyin. Laakiin dhakhaatiirta takhasuska ahi waxa ay ka digayaan in lagu degdego saaristiisa, haddii aanay jirin sabab looga maarmi waayey, taasna waxa uu kala siman yahay ilkaha kale ee caadiga ah.

10. Maydhista ilkaha ee cuntada kadib

Dhakhaatiirta qaar ayaa ku taliya in quraacda kadib ilkaha la cadayo, iyaga oo malaha ka eegaya in ilkuhu cuntada marka ay ku wasakhoobaan hal mar wasakhdii habeennimo iyo tii quraacda laga wada nadiifiyo. Waxa se ay dhakhaatiirta takhasuska ah badankoodu aad ugu celcelinayaan in ilkaha la cadayo subaxdii quraacda ka hor. Waayo xilliga hurda, waxaa yaraada dhareerka, sidaa awgeed bakteeriyo badan ayaa ku ururta afka iyo ilkaha, haddii aan quraacda ka hor la cadayanna bakteeriyadaas iyo wasakhdaasi waxa ay toos ugu tudbaysaa caloosha.

11. Bedelidda burushka ilkaha

Dad badan ayaa dhayalsada bedelaadda burushka ilkaha, waxaaba dhacda in aanay u arkin in burushka oo muddo dheer la isticmaalaa ay khatar caafimaad leedahay. Waxa ay dhakhaatiirut caddeeyeen in burushku u nugul yahay bakteeriyada, Jeermiska iyo Cudur-sideyaasha xanuunno badan keena.

Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in aan burushka ilkaha ee dhawr qof oo kala duwani isticmaalaan isku meel la dhigin, si aanay isu wasakhayn, waxa kale oo ay sheegeen in aanay maydhista biyaha keliya ahi aanay burushka ka dhammayn karin jeermiska. Arrimahaas awgeed ayaanay ugu talinayaan in si joogto ah loo beddelo burushka.