“Xisbiyadu Dib Ha Ugu Noqdaan Oo Ha Ka Heshiiyaan Waxay Isku Hayaan”

0
1510

Prof:Cabdisalaan Yaasiin Maxamed

Hargeysa (Geeska)-Prof:Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, oo ka mid ah Madasha Wada-tashiga, ayaa ka hadlay khilaafka Xisbiyada ee aan wali xalka laga gaadhin, waxaanu ku baaqay in Xisbiyada looga fadhiyo inay ka heshiiyaan wax kasta oo ay isku hayaan, waxaanu tilmaamay in aan ciddina doonaynin in Doorashooyin dambe dib u dhaccaan.

Prof:Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Sidaynu inagu cadaadiska ugu hayno ama aynu u doonayno inay heshiiyaan Xisbiyadu, bay Beesha Caalamkuna doonayaan inay heshiiyaan, marka horeba waa lagu heshiiyey inay Doorashadu aanay dhaafin 2019, Saddexda Xisbina wey ku heshiiyeen,wixii aynu ku heshiino inaynu ixtiraamno oo aynu tixgelino weeyaan iyadoo aanay Beesha Caalamku ina soo dhexgalin, Saddexda Xisbina iyadoo aanay ciddina qasbin bay wada fadhiisteen, waxayna ku heshiiyeen in aanay Doorashadu dhaafin 2019, iyada oo qoladan Komishanka ma qabanaysaa mise Komishan kale ayeynu dooraynaa, aanay isla galin ayey ka heshiiyeen inay Doorashadu dhacdo”.

Prof:Cabdisalaan Yaasiin mar uu ka hadlaayey Komishanka iyo Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Iyadoo marka hore Xisbiga Waddani ka dacwoonayo Komishanka, ayey haddana doodiisi timid, haddana markii ay doodii Komishanka timid la isku yimid, ee la iskugu yimid meel dhexe oo ah in laba xubnood  lagu daro, marka Doorashadu kadib dhacdo, oo sagaal laga dhigo, taas ayuu muran ka yimid, taana waxaa diiday markii hore Kulmiye, oo Xukuumaddiina ah, Xisbigiina ah, markaas Xukuumaddii iyo Xisbigiiba waxay yidhaahdeen taas ma ogolin,kadibna khilaaf kale ayaa yimid, waxaana iskugu aragti noqday Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, halka uu Xibiga Waddani oo aragti ka duwan uu qaatay”.

Prof:Cabdisalaan Yaasiin mar uu ka hadlaayey sida uu arko xalka ayaa yidhi “Madaxweynuhu waa kii Golaha Guurtida u gudbiyey muddo kordhinta Wakiilada, Golaha Guurtida sida aan ka war hayo wey darsayaan wakhtiga ugu macquulsan ee Doorashadu ku dhici karto, siday aniga ila tahayna maanta cid doonaysa inay Doorashooyinku dib u dhacaan ma jirto ha noqoto Mucaarad iyo Muxaafidba, Xisbiga Waddani-na, sida uu Xirsi sheegay Doorashadu inay sannadkan dhaafto ma rabo, laakiin Komishankan ayey wax ka tabanayaan, ee Xisbiyadu dib ha ugu noqdaan oo ha ka heshiiyaan waxay isku hayaan, uma taag hayno khilaaf sii jiitama iyo Doorashooyin kolba dib inooga dhacee”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here