Xisbiyada Somaliland Oo Heshiis Ku Gaadhay In Doorashada Dib Loo Dhigo

0
492

Hargeysa (Geeska)-Saddexda Xisbi Qaran ayaa soo afar jaray khilaafkii muddooyinkii ugu dambeeyey u dhexeeyey ee ku saabsanaa qabsoomida Doorashooyinka.

1

Musharixiinta Saddexda Xisbiga Qaran ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe, oo shalay kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Komishanka Doorashooyinka, ayaa kulankaas kadib warbaahinta la hadlay, waxayna sheegeen inay soo saareen qodobo ay isku afgarteen kuna heshiiyeen.

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isagu ugu horeyn ka hadlay qodobadan ay ku heshiiyeen ayaa yidhi “Waxa noo yeedhay Komishanka Qaranka Doorashooyinka, Saddexda Guddoomiye, waxayna naga codsadeen arinta abaaraha iyo Doorashooyinka ee isku soo beegmay, ee adag in aanu u soo jeedino ama Xisbiyadu ay keenaan soo jeedintooda iyo wixii ay ka qabaan, saddex qodob baanu u geynay, ka kowaad waxaanu isku wada raacsan nahay dhammaantayo saddexda Xisbi abaar baahsani inay dalka ka jirto, inay iska hor imanayaan ama ay saameyn weyn ku yeelanayso wakhtigii Doorashada loo qabtay, ee ahayd 28 march,abaarta hawsheeda, iyo hawshii Doorashadu, labada Xisbi ee Mucaaradka iyo Xisbiga Kulmiye laba rayi ayey u kala jeediyeen, kulmiye wuxuu u jeediyey in arintaa xalinteeda iyo furtaaminteeda loo raaco  hab sharciya, oo sharciga loo eego, labada Xisbi ee Mucaaradku iyagoo mideeysan waxay soo jeediyeen in lix bilood dib loo dhigo, intaas oo qoraala ayaanu u geeynay oo aanu saddexdaydu saxeexnay”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe isna isagoo ka hadlay qodobadan ay ku heshiiyeen ayaa yidhi “Waa intaa uu sheegay Marshaal, Muuse Biixi, Musharaxa, Guddoomiye Mujaahid, intaba waa inta uu sheegay,  waxaanu isla wada qirnay in abaartani tahay abaar xun tahay,  oo maanta marka la eegay waxa lagu leeyahay nus qarni waa abaartii ugu xumayd ee ka dhacda Geeska, ayaa lagu qiimiyey, in abaar baahsani taagan tahay dalka, oo gurmadkan aynu wadno gurmad ka baaladhan loo baahan yahay, oo in dadka la wacyigeliyo u baahan tahay oo xeryo loo abuuro, lagu quudiyo dadka oo xoole dhammade, kii laba kun lahaa laba boqol baa u hadhay, in arintaas deg deg loo gudo galo ayaan isla garanay, waxa iyana caddatay in aan la isku wadi karayn oo is qaabili karayn, is ogolaanayn iska hor imanayaan in Doorashada wakhtigeedii la qabto iyo abaartu, sida darteed Xisbiga Kulmiye wuxuu leeyahay sidii loo furdaamin lahaa arintaa sharciga ha loo raaco, sharcigeeda ha loo maro, anaguna kama fogin, waxaanu leenahay imika suurtagal maaha in Doorashadu inay dhacdee lix bilood Doorashada dib ha loo dhigo, oo awooda iyo xooga aynu saraano abaaraha iyo badbaada dadkeena, markaas intaas ayaanu isku raacnay, wada saxeexnay, wax dambe oo laga murmi karaa ma jirto”.

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), oo isna ka hadlay heshiiskan iyo qodobadan ay isku af garteen saddexda XIsbi Qaran ayaa yidhi “Sida la sheegay kulan muhiim ah ayaanu ku yeelanay Guddida Doorashooyinka Qaranka Saddexda Guddoomiye iyo Komishanka oo wada jira, waanu isla gorfaynay xaalada guud ee qaranku marayo, marka kowaad waana sida la sheegay waxaanu isla garanay in dalka ka jirto abaar baahsani, laba waxa kale oo aan iska garanay inay iska hor imanayaan abaarta baahsan iyo qabsoomidii Doorashada, 28/3/2017, labada rayi ee Axsaabtuna wuxuu noqday Mucaaradka oo u arkay wakhtiga ugu yar ee lagaga bixi karo xaaladan, Doorashana lagu qaban karaa inay lix bilood tahay, ta labaad Xisbiga Kulmiye wuxuu soo jeediyey in xaaladan wax ka bedelkeeda loo raaco sharciga oo xal sharciya loo helo, waxaana ILLAAHAY ka rajaynayaa in  halkaasi xal inoogu noqdo soona af jaro murankii ka jiray hawshaas, ILLAAHAYNA waxaan ka rayjaynaynaa inuu abaarta inaga soo jabiyo.”