Xisbiyada Mucaaradka Ee Waddani Iyo Ucid Oo Ka Qayliyay Mooshin Ka Dhan Ah Oo Golaha Guurtida Loo Gudbiyay Oo Ay Tuhmeen Inay Madaxtooyadu Ka Damabyso

3
9628

Hargeysa(Geeska)-Xisbiyada mucaaradka ah ee Ucid iyo Waddani ayaa si isku mid ah xukuumada ugu dhaliilay mooshinka xildhibaanada guurtida ah ay u gudbiyeen shir gudoonkooda si shan sano looga dhigo cimriga xisbiyada dalka oo meeshana looga saaro tobanka sano ee ay joogayaan.  Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani ayaa u muuqda inay ka shakiyeen mooshinkaas.

Waxa ay xisbiyadu sheegeen in xukuumadu ay doonayso inay indhaha dadka ka jeediso muddo kordhinta golayaasha dalka ee wakhtigu uu ka dhacaayo, waxaanay sidan ku sheegeen xisbiyada mucaaradka ah ee dalku  iyaga oo la hadlaayay tilifishanka Saab.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo arintan ka hadlaayay waxa uu yidhi “ Mooshinkaas waxaanu u aragnaa mid la leeyahay maxaad madaxweynaha u dhaliishiisa u sheegteen, maxaad madaxweynaha u sheegaysaan waxii uu qalday, maxaad madaxweynaa u mucaaradaysaan sida aanu hadalkooda ka dareemayno, waxa la yidhi maxaad mooshinka sabab aad uga dhigteen, waxaanay yidhaahdeen dastuur jabin ay xisbiyadu sameeyeen,dastuur jabin aanu samaynay ma jirto ee madaxweynaha ayaanu ku mucaaradnay waxii uu qalday halkaas sano waad ogaydeen oo waliba Ucid  sagaal bilood ayay ka aamusnayd oo aanu tilmaamaynay, bil ayay u adkaysan waayeen,waxaanu u aragnaa maxaa madaxweynaha loola hadlayaa, maxaa looga hadlayaa golayaasha mudo dhaafka ah,warkaas maanta taagan ayaa la doonayay in dadka laga jiheeyo oo wado kale loo sameeyo.”

Waxa uu mooshinka ku tilmaamay xoghayaha warfaafinta ee Ucid “Mooshinka ay ka hadlayaan toban sano ha la gaadho xisbiyada mooshin toban sano ah ayay haystaane, tobankaas marka la gaadho ayaa lays qiimayn  doonaa oo la odhan doona ama u baahanay in aynu shan ka dhigno mise waxaynu u baahanay in aynu ka badino tobankii oo aynu labaatan sano ka dhigano, markaas ayaa lays waydiinayaa, arin taalana maaha.”

Cali Axmed Cabdi ( Cantar) oo gudida anshaxa ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa dhankiisa isaguna mooshinkan ka hadlay“Iyaga ayaan ku fadhiyin kursi xalaala ah waayo iyaga oo mudo dhaaf ah inay ka hadlaanba may ahayn oo ay mooshina keenaan arintaas xisbiyada,taas oo aan u arkayno hawl cusub oo ay dabada ka wado dawladu oo ay carqalad galinayso gaadi socodka dimuqraadiyada.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here