” Xisbiga Waddani; Wuxuu Wadaa Madaxweyne Qaranka Hore Ugu Dhaartay”Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi

0
596

Hargeysa(Geeska)-Hoggamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sharaxaad ka bixiyey sifaha Hogaamineed  ee Musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani Dr. Cadbiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Mr Xirsi waxaa uu sheegay in Cabdiraxmaan Cirro  yahay Hoggaamiye dadka isku wadi kara , debecsan , kaligii taliye aan aheyn, dadka la tashada, wixii  uu khaldana laga qaban karo oo ku dhegeysanayaa .

Sidoo kale Hoggaamiye Xirsi ayaa waxaa uu sheegay in Waddani dadka reer Somaliland u wado Madaxweyne  Qaranka  u dhaartey oo hore loogu dhaariyey isla markaana iminka insha Allah  dib loogu dhaarin doono

Xirsi Cali Xaji Xasan  ayaa hadaladan ka yidhi xaflada jaaliyada Somaliland Ee Dalka Sacuudigu  u qabatey waftigii xisbiga Waddani ee dalka Sucudiga Cibaadada ku tagey waxaana uu yidhi.

" Madaxda in laga baqo maaha, sharciga ayaa laga baqaa, Digteetarada (Dictators) ayaa isticmaala in dadkoodu ka baqaan balse waxaa sax ah in Madaxda la ixtiraamo, la karaameeyo oo laga danbeeyo.

Quraanku sidan ayuu u tilmaamay hogaamiyaha iyadoo lala hadlayo Nebi-Maxamed: "Naxiista Alle ayaad ugu debecsanaatay, hadaad noqon-lahayd mid Adaddag oo qalafsan waa lagaa yaaci lahaa"

Qaar baa ku amaana madaxda Adadayga!!! Hogaamiyhu waa in uu dadkiisa u jilicsanyahay, waana in uu Go’aankiisa ku adagyahay.

Waxaana kala gaar ah in hogaamiyuhu dadkiisa u jilicsanyahay iyo in uu go’aan jilicsanyahay.

Abubakar-sidiiq ayaa ugu debecsanaa saxaabadii, Isagaana ugu go'aamo adkaa Islaamkana illaahay ku bedbaadiyay xiligii nebigu dhintay ee dhibaatada badanina muslimiinta soo wajahday.

Waddani hadii aanu nahay waxaanu qaranka u wadnaa Hogaamiye dadka isku wadaaya una debecsan, dhegaysanaaya oo la tashanaaya wixii uu ku khaldamana laga qaban-karayo.

Adeer nin aanad qaban karayn maxaad u dhisi? Nin aanad taladaba la gaadhayn ama aan kula tashanayn maxaa kugu khasbaaya? Wuxu waa doorasho ee cidna kuma khasbanid.

Qabyaalada ha u  garba-duubnaan maskaxdaadana xor u ahow oo yaan cid kale si qaldan kuu isticmaalin.

Kaambaynka Waddani waa "Rajada-Shacabka" Qaar baa yidhaahda "waxaanu Wadnaa madaxweyne aan la dhaarin!" Adeer Waddani wuxuu wadaa Madaxweyne dhaarsan oo hore Qaranka ugu dhaartay. waa loogu celindoonaa Insha Allaah.