“Xisbiga Waddani Waxa Uu Cadaynayaa In Aanu Marnaba Aqbali Doonin Doorasho Xaaraan Ah Oo Xisbiga Kulmiye Dabada Ka Riixayo”

0
1459

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka digay doorasho kasta oo aanay u dhammayn xisbiyada qaranka iyo cawaaqib xumada ka iman karta, waxa uu sida oo kale xisbigu uu ku celiyay in la kala diro komishanka doorashooyinka, waxaanu ku baaqay in la xaliyo caqabadaha ka horeeya doorashada intaan la qaban.

War saxaafadeedkan uu xisiga mucaaradka ah ee Waddani soo saaray oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha  kumeelgaadhka ah ee xisbigaas xilidhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaacil Jirde, waxa uu u dhignaa sidan “Xisbiga Waddani isaga oo tixraacaya is afgaradkii guud ee xibsiyada  ee ka dhacay madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ee ku taariikhaysnaa 16-12-2018 waxa uu qabaa in dorashada golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanku ay dhacaan wakhtigii loo mudeeyay ee sanadkan 2019-ka.

Xisbiga Waddani isaga oo si weyn u ixtiraamaya muhiimada ay qaran ahaan doorashooyinku ay u leeyihiin dalka, isla markaasna ay kor u qaadayso sumadda iyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadaba, waxa uu adkaynayaa in dalka ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay bud dhig u yihiin helitaanka komishan lagu wada kalsoon yahay oo loo siman yahay.

Sida dastuurka iyo shuruucda dalka lagu tilmaamay xisbiyada qaranku waxa ay kala leeyihiin madaxbanaani iyo xuquuq siyaasadeed oo siman, sidaas awgeed waxa uu xisbiga Waddani si cad u dadafaynayaa heshiiska gacan ku rimiska ah ee xisbiga Kulmiye u dabada ka riixayo isla markaasna ay Ucidna ku raacday.

1-Xibiga Waddani waxa uu soo jeedinayaa in doorashada golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka Jamhuuriyada Somaliland ay qabsoonto sanada 2019-ka.

2-Xibiga Waddani waxa uu adkaynayaa in la kala diro Komishanka doorashooyinka Qaranka ee hada jooga oo uu xisbigu kala noqday kalsoonidii  bishii 3 ee sanadkii 2018 isaga oo raaciyay sababihii sharci ee lagu eedeeyay komishanka.

3-Xibiga Waddani  waxa uu hoosta ka xariiqayaa in caqabadii doorashada golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka ay wali taagan yihiin, isla markaasna ay muhiimtahay in xal laga gaadho si doorasho xor iy xalaal ah ay u qabsoonto sanadka 2019-ka.

4-Xisbiga Waddani waxa uu cadaynayaa in aanu marnaba aqbali doonin doorasho xaaraan ah oo xisbiga Kulmiye dabada ka riixayo,waxaanu si weyn uga digayaa isku day kasta oo doorasho aan xisbiyada qaranku u dhamayn, waxii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana ay masuuliyadeeda leeyihiin madaxweynaha iyo xisbigiisu.

5-Xisbiga Waddani waxa uu soo jeedinayaa in la ilaaliyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada ee dalka hore uga hanaqaaday, duniduna ay inagu majiirato, waxaanu bulshada Somaliland ugu baaqayaa inay u soo jeestaan indhaana ku hayaan khatarta ka iman karta in dalku uu isagu biyo shubto hanaan-kalitalisnimo.

Ugu danbayntii xibiga Waddani waxa uu u soo jeedinayaa golaha guurtida Jahuuriyada Somaliland inay qaranka ku ilaaliyaan hanaanka dimuqraadiyada ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland uu jideeyay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here