Xisbiga Waddani oo xukuumadda ka dalbaday inay cadayso sida ay u maamulayso khayraadka dalka

0
495

wadaniHargeysa(Geeska)-Guddiga khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay cadayso qaabka ay u maamulayso khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Warsaxaafadeed ay gudigu shalay soo saartay, ayaa waxa uu u dhignaa sidan: ”Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee xisbiga Waddani wuxuu halkan ku soo bandhigayaa qodobada hoos kuqoran oo qodabkastaaba muhiimadiisa iyo miisaankiisa leeyahay.

Ummada Somaliland ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisuba waxay xaq u leeyihiin in ay wax ka ogaadaan qaabka xukuumadoodu  u maaraynayso khayraadka dabiiciga ah.

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamartu ee xisbiga Waddani wuxuu xooga saarayaa sidii shacabka Somaliland u heli lahaayeen macluumaad ku saabsan

 sida bulshada caalamku u maamulaan/maareeyaan khayraadka dabiiciga ah.

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamartu ee xisbiga Waddani wuxuu shacabka Somaliland u soo jeedinayaa in ay tusaale ugu filantahay barnaamijyadii ay xukuumadu waday ee shidaalka lagu soo saarayey qaabkii loo maamulay iyo halka ay ku danbeeyeen.

 

Insha Allah waxay guddidu falanqayndoontaa qodobada hoos ku qoran oo qodobkasta si taxane ah loogu soo gudbindoono saxaafada danaysa arrimaha Somaliland.

 

Soo gudbintaa la’xidhiidha aqoontaa khayraadka dabiiciga ah iyo Tamartu hadafkeedu waa:

  • Sidii umadda somaliland ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisuba u ogaan lahaayeen caalamka aan ku nool nahay waddamada burburka kala kulmay iyo waddamada ku najaxay soo saarista khayraadka dabiiciga ah ugana faaideeyey ummadooda.
  • Sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen koox kasta ama shaqsi kasta xilkuu doono ha hayee in aanu/aanay musuqmaasuqin amma aanay dhinac ka rarrin qaybinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka ku duugan, khayraadkaas oo ummada ku nool Somaliland oo dhan ka dhaxeeya.
  • Sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen wax kasta oo waxyeelo u keeni kara nabadgalyada dalka iyo deegaanka una wada ilaashan lahaayeen khayraadka dabiiciga ah.

 

Qodobada guddidu si taxane  ah ugu soo gudbindoonta bulshada Somaliland qodobadaas oo ka mid ah barnaamijka Khayraadka dabiiciga ah ee Xisbiga WADDANI  waa:

 

  1. Shuruucda maaraynta, baadhista iyo soo saarista khayraadka dabiiciga ah.
  2. Wacyi galinta bulshada Somaliland, si ay u ogaadan waxa wadanku xaq ugu leeyahay iyo waxa ay xaq u leeyihiin dhinaca khayraadka dabiiciga ah.
  3. Ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena iyadoo la dhiirigelinayo maalgashiga muwaadiniinteena iyo kan shisheeye labadaba.
  4. Ladagaalanka musuqmaasuqa iyo horumarinta maamul wanaaga khayraadka dabiiciga ah si cadaaladaysan oo saami ah.
  5. U sameyn barnaamij mareynta lacagaha ka soo gala shirkadaha shidaalka iyo wax soo saarkaba, kaas oo ku salaysan daahfurnaan (tranparency).
  6. Dardar galinta barashada culuunta khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta, heer xirfadeed iyo heer aqoon sareba.
  7. Ka faaidaysiga tamarta dabaysha iyo cadceedda oo ah tamar mug leh oo Eebe inagu manaystay loona baahanyahay, dhiiri gelinta cid kasta oo ku foogan hirgelinta ka faa’iidaysiga tamartaas dabiiciga ah.
  8. Dardar galinta helitaanka biyo ku filan dadka, duunyada, beeraha iyo adeegyada kale ee u baahan isticmaalka biyaha isagoo u hawlgelaya soo saarista biyaha dhulka hoostiisa ku jira, joojinta iyo meelaynta biyaha dooxyada ama roobka iyo samaynta balliyada.
  9. Dhiirigelinta ka faa’iidaysiga khayraadka ku duugan dhulkeena, soo saarista shidaalka iyo macdanaha dalkeena ku jira iyadoo islamarkaana qorshe cad loo samanayo sidii lagaga taxadari lahaa waxyeelada deegaanka.

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee xisbiga Waddani waxay xukuumada u soo jeedinaysaa:

  • In Cadaalad saami ah lagu maamulo khayraadka dabiiciga ah iyo Tamarta.
  • In macluumaad iyo wacyi galin taama lasiiyo deegaanada laga baadhayo/soo saarayo khayraadka dabiiciga ah.
  • In laga midha dhaliyo laysanadii xukuumadu bixisay inta aan kuwo kale heshiisyo lalagalin, si ayna u noqon halbacaad lagu lisay.
  • In dalka iyo shacabka loo  tudho oo wax laga badalo qaabka loo maaraynayo arrimaha  khayraadka dabiiciga ah ee dhinaca ka rarran.

Ugu danbayn Xisbiga Waddani guddidiisa khayraadka dabiiciga ah iyo Tamartu wuxuu qaranka Somaliland ugu ducaynayaa in Eebe ka dhigo khayraadkiisa dabiiciga ah mid barakaysan, khayrqaba oo umadda ku nool darif ilaa darif anfaca oo waxtar u leh.

In Eebe ina hareermariyo dhibka uu leeyahay soo saarista shidaalku iyo khayraadka dabiiciga ahi. ”