Xisbiga Waddani Oo Sheegay Inay Diyaar U Yihiin Doorasho Aanu Komishanka Wakhtigani Maamulayn

0
1160

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, ayaa sheegay inay Xisbi ahaan diyaar u yihiin inay Doorashada galaan, balse aanay diyaar u ahayn in Komishanka Doorashooyinka oo jooga ay galaan, madaama uu tilmaamay in aanay ku kalsoonayn.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Xisbiga Waddani, waa u diyaar inuu galo Doorashada, wakhti kasta oo Doorashada loo muddeeyana diyaar ayaanu u nahay, laakiin waxaanu diyaar u nahay marka la bedelo Komishanka Doorashooyinka ee hadda jooga, inta ay joogaan Komishankana sinaba diyaar uguma nihin inay Komishankani ay Doorasho dambe noo qabtaan, maxaa yeelay wixii dhacay Doorashadii Madaxtooyada weynu wada ognahay, weyna ka wada dharagsan nahay, bishii saddexaad ee sannadkii horena waanu soo bandhigay khalad kasta oo ka dhacay Doorashada, oo ay sabab u ahaayeen Komishakani, markaas sabab aanu u galno Doorasho dambe oo Komishankani noo qabto garan maayo, maxa yeelay kumaba kalsoonin”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweynuhu sababta uu u difaacayo Komishankan garan maayo, mar haddii aanu kalsoonidii kala noqonayna inay sii joogaan maaha, inay wakhtigan soo gaadhana may ahayn, ee waxay ahayd in mar horeba la kala diro, oo uu Madaxweynuhu kala diro, sharciyana Madaxweynuhu awood buu u leeyahay uu ku kala diro Komishanka, maxa yeelay Madaxweynayaashii horeba markii kalsoonidii lagala noqday Komishanka, ayey kala direen, sidaas darteed Xisbiga Waddani waa u diyaar inuu Doorashada galo, laakiin  Komishankani inta uu joogo Doorasho dalka ka dhacaysa ma jirto, diyaarna uma nihin inuu Doorasho dambe aanu ku aamino”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here