Xisbiga Waddani Oo Odayaasha Somaliya Ugu Baaqay Inay Dalka Ka Baxaan

0
503

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha Hidaha iyo Dhaqanka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cheif Caaqil Cabdi Guleed Gaboobe ayaa oday dhaqameedada Maalmihii u danbaysay ku sugnaa magaalada Hargeysa ee ka yimi Koonfurta Somalia ee magalada Muqdisho ugu baaqay in ay dalka iskaga baxaan,waxaana u sheegay in aan ilaa hada la garanayn u jeedada dhabta ah ee dalka u yimaadeen,isaga oo sida oo kalena tibaaxay in ay qayb ka yihiin dadaalada ay dawlada Turkigu ku doonayso in ay is dhexgal dhinaca Siyaasada iyo Bulshada ay ka samayso dalalka Somaliland iyo Somalia taasi oo uu ku tilmaamay mid aan munaasib ku ahayn wakhti xaadirkan maadaama aan ilaa hada Shacbiga reer Somaliland ay wali tabanayaan Boogihii iyo dhaawacyadii ay dawaladii Kaligii taliska ahayd ee Somalia u gaysatay Shacbiga reer Somaliland.

 Chief Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe oo Shir-jaraa’id uu uu Shalay qabtay, ayaa ugu horayn uu ka waramay qaabkii ay dalka u soo galeen. “Waxaan Maanta (Shalay) doonayaa in aan bayaamiyo oo aan ka hadlo Odayaasha Madax dhaqameedka lagu sheegay ee ka yimid Muqdisho kuwaasi oo muddo Afar ama Shan Cisho ahba inala joogay,Nimankaasi oo aanay reer Somaliland ujeedada ay u yimaadeen aanay warbadan ka haynin,markii ay ka soo dageen Madaarka waa la diiday in Saxaafadu Madaarka kula kulanto ama wax waydiiso,Madaxtooyada ayaa ay galeen wax alaala iyo wax ay Xukuumadu Warbixin ah oo ay ka soo saartay oo la qaadan karo habayaraatee majirto,waxaa ay la shireen Odayaasha Dhaqanka Salaadiinteena ,wax alaala iyo wax ay u sheegeen oo la taaban karo oo ay u sheegeen ma jirto oo aan ahayn,waxaanu u nimid indha indhayn iyo in aan isbarano iyo in aan wax idin ka barano oo ah hadalo Maanta aan ahayn kuwa dhex yaala Somaliland iyo Somalia,waayo Somalia waa Dawladdii ay Somaliland ka go’day ee ay lixdankii israaceen dhibaatoyin ayey kala kulantay wax badan baa dhex maray xasuuqbaa halkan ka dhacay waxii la gaystay waxaa loo tirinayaa somaliya cidi kamay hadal ragii xasuuqaa gaystayna waxaa ay kamid noqdeen dadka hadba loo magacaabo maamulada Somalia kuwa halkan maraaya ee leh Madax dhaqameed ayaanu nahay ayaa qaar u madax dhaqameed ah”

Xoghayaha Hidaha iyo Dhaqanka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cheif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe ayaa isaga oo hadalkiisa sii Wata ayaa waxaa uu sheegay in aan maanta aan shacbiga reer Somaliland aanay marnaba u dulqaadan karayn in Oday Dhaqameedka ka yimid koonfurta Somalia ay yidhaahdaan waa aynu isbeer xaadhanaynaa sida oo kalena aanay marnaba Shacbiga reer Somaliland u dul qaadan karayn Dawlada Wadda. Iyada oo ay wali arimihii wadanka ka dhacay iyo dhibaatoyinkiiba aanay cidi kawada hadal in maanta inta ay iyaga oo kontan ah ay yidhaahdaan waxaanu doonaynaa in aanu isbeer xaadhano ama juba,Baydhaba iyo Puntland-ba waa ay nala joogaanee idinka ayuunbaa naga maqan maaha wax ay shacabka reer Somaliland ay raali ka noqon karaan Dawladda wadaana maaha mid loo dul qaadan karo”.

Chief  Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe waxaa uu sheegay in aanay ka Xisbi ahaan aanay marnaba u dul qaadanayn arimaha noocan oo kale ah,waxaana uu sheegay in ay ugu baaqayaan Oday Dhaqameedadu in ay Wadanka iskaga baxaan“Waxaa kale oo iyana imanaaya dalka sida naloo sheegay fanaanin oo iyana dadka ugu heesi doona wadaniyada iyo midnimada waxaa naloo sheegay in qaar siyaasiyiin ahi ay yurub ka imanayaan waxa weeye waxaa furantay oo meesha ka baxday Siyaasadii iyo kala qaybsnaantii inaga iyo Dawladda Somalia,waayo waxaa mamnuuc ahayd in marnaba aynu iska dhex galno xaga Siyaasada markaa hadaanu nahay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI waxaanu gabi ahaanba aanu ka soo horjeedanaa imaanshiyaha ay Nimankaasi Wadanka yimaadeen.waxaan kale oo aanu ku baaqaynaa in ay si dagdag ah Wadanka uga baxaan oo ay ku noqdaan Wadankoodii,waxa weeye arimo badan oo ay muhiim tahay in aynu ka wada hadalno inaga oo aan isba soo dhex galin dhaawacyo badan oo aanan wali bogsiin”