Xisbiga Waddani Oo Mudaharaad Samayn Doono; Haddaan La Soo Dayn Xubno Ka Xidhan

0
431

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, ayaa xukuumada ugu baaqay inay sii dayso masuuliyiinta xisbigaas ee xabsiga ku jira, hadii kale ay dalka ka dhigi doonaan muharaad ay xukuumadu dhibsato.

Waxa uu sidan ku sheegay xoghayaha xisbiga Waddani mar uu ka hor  hadlayay  xarunta maxkamadaha dalka, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa "Waxaanu u nimi masuuliyiin xisbiga ka mid ah, laba nin oo imika dhawr iyo toban casho maxkamad la'aan saldhiga ku xidhnaa, wax loo haystaana aanu jirin, sababta lagu haystaana ay tahay maxaad u hadasheen oo aanay jirin wax intaas ka badan, hadalkii ay hadleena loo badalay in la yidhaahdo waa qarandumis, Somaliland waxay maanta maraysaa heer qofkii hadla la yidhaahdo waa qaran dumis, si loo bahdilo oo loogu dheereeyo xadhiga, maadaama oo aan danbi loo hayn todobo casho kale ha sii fadhiyaan saldhiga, wax danbi ah oo loo hayaana ma jiro, waa bahdil, waa guddoomiyahii dhalinyarada ee xisbiga iyo xoghaye gudiga fulinta xeer xidhi karaana ma jiro, xeer hadal u diidi karaana ma jiro, waxaanu u aragnaa in cid gaar ah ay daba socoto   oo ay u xidhan yihiin xukuumada oo waliba madaxtooyada ah, waxa nasiibdaro ah in qof hadlay oo xisbi ku jira danbi loo abuuro, waxaanu ugu baaqaynaa inamada maanta dalka sii xukumaa inay xoriyadooda u soo celiyaan, haddii ay xoriyadooda u soo celin waayaan waxay noqon doontaa anagaa leh dalka cidina ma hadli karto, mana yeelayno mana aqbalayno haddii wax aan sharciga waafaqsanayn inamadaas laga qaado waxaad u diyaar garoobaysaan in xisbiga Waddani uu mudaharaad sameeyo."