Xisbiga Waddani Oo Ku Baaqay In La Soo Bandhigo Cidda Lunsatay Lacagtii Mashruuca Xumbo-Weyne

0
804

Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa mar kale si adag uga hadlay shirkadda Somaliland investment company ee dalka ka abuurtay doodda.

Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, oo shalay Shir jaraa’iid ku qabtay Xafiiskiisa guud, ayaa sidoo kale ka hadlay Mashruuca Biyo balaadhinta Hargeysa ee Xunbo-weyne iyo qodob kale. Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, oo isagu ugu horeyn shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Wasiirka Biyaha waanu ku hambalyeynayaa sida badheedhka ah ee uu yidhi Hargeysay biyo idiima soo socdaan, laakiin mid waanu ka xunahay, oo biyo nooma soo socdaan waad noo sheegtay, dadkii biyaha Hargeysa cunay iyo cidii cuntay, yaa sheegaya ee laga sugayaa, adiga ayaa laga sugayaa, waxa fiican inaad faah-faahiso, sababta ay arintaasi ku dhacday, madaama aad soo caddaysay in aan Hargeysa biyo loo soo wadin, cidii weecsatay Xunbo-weyne iyo hantida la inoogu deeqay, waa in umadda loo caddeeyaa, umaddu waxay sugaysaa Wasiir inaad noo caddayso, wuu fashilmay baad tidhi, fashilaada inqilaab baanu u naqaana, ee afkii shacabka nagula hadal Wasiir, maxa fashilmay, waxaad tidhaahda waxaas iyo waxaas ayaa la cunay, cidaas ayaa cuntay, sidaas ayaa loo cunay, laakiin qolooyinkii xerooyinka ku jiray wey fahmeen, markaas tidhi uu fashilmay, anagu shicib ahaan waxaanu u baahan nahay faah-faahin intaas ka badan”

Xoghayaha Waddani mar uu ka hadlaayey Barlamaanka ayaa yidhi “Arinta Barlamaanku wey soo noq-noqtay, waxaan arkaayey rag barlaamanka ah oo shuruud ka dhigay, oo umadda u sheegayey in ilaa lacag loo qoro in aanay meesha banaynayn, aad baan uga xunahay Ragga dhawr iyo tobanka sanno joogay, maanta haday lacag ku doonayaan inay kursiga baneeyaan, waxay ilawsan yihiin oo aanu xasuusinaynaa Ragga Tukaraq iska diiwaangaliyey, ee Badhan iiska diiwaangaliyey, ee ilaa Saylac iska diiwaangaliyey, umadda 12 sanno idin samraysay kuraasida aad fadhidaan bay isku diiwaangaliyeen, idinkuna xoog kumaydun qabsan ee doorasho umaddeed baad ku timaadeen, qandaraas la idin siinayo iyo mashariic la idiin qorayo, iyo lacag baad ah oo aad umadda ka qaadaysaan ma taalo waxaad qabateen waxa ka badnaa, waxay qabteen Golihii idinka horeeyey, Doorashada la idinku soo doortay waa raggii sameeyey, kuwii Dawladaha hoose lagu soo dooray waa kuwii sameeyey, qarankaasi shuruucda uu maanta ku jiro waa Raggii sameeyey, nin qudha oo wax loo qoray ma jiro, ee dadka ka xishooda, 12 sanno ayaa la idin siiyey waxay dadku wada leeyihiin, oo mushaharka la idin siinayey, oo kolba la idiin kordhinaayey, waxaanu leenahay waad ka tagaysaan, la idin bariyo maayo, hadad doonaysaan inaad ku marmarsootaan in mudada la kordhiyana in badan bay idin suurtagashay ee maanta idin suurtagali mayso, ha ku riyoonina, lacag baadana shacabka lagama qaado, Maanta ma joogo Madaxweynihii la odhan lahaa lacag baada na sii, kamana filayno inuu Madaweynuhu taas aqbalaayo, wax uu aqbali karana maaha, waxaanu jecel nahay in Wakiiladu aanay muddo kordhin isku dayin, oo aanay baayactan isku dayin, xaaran bay ka tahay in aanay dhacayn muddo kordhini, Xisbiga Waddani-na marnaba ma aqbalayo cid dambe oo loo kordhiyo, waayo dalka ayaa ku baabayaa, umadda ayaa ku baabaysa, waxaanu jecel nahay wixii shuruuca ah ee idinku xidhan ee aan diyaar ahayn inaad si dhakhso leh u dhamaysaan”.

Mar uu ka hadlaayey Shirkada muranka badan dhalisay ayaa yidhi “Waxaanu jecel nahay in aanu ka hadalno Shirkadaas oo aan waafaqsanayn shuruucda dalka, haba yaraate, ta labaad sharciga dalka waa ka kaliya ee dalka lagu dhaqi karo, oo wanaag keeni kara, oo horumar keeni kara, arimahaas Shirkaduna uu baalmarsan yahay, shuruucdii iyo dastuurkii iyo nidaamkii uu dalku lahaa, oo si cad loogu tuntay, oo Wasaaradda Arrimaha Dibaddu u baalmartay, dalku shuruucda uu leeyahay ee lagu aasaasi lahaa Shirkadan, waa xeer 25, oo 2004 soo baxay, waxaanu ka hadlay Shirkadaha uu Qarankani leeyahay sidee ayaa loo sameeynayaa, ama cid kale leedahay, balse marka hore Shirkad dibadda laga sameeyn karaa ma jiro, mar labaad Wasaaradda Qorsheynta ayaa xeer hoosaad u sameeynaysa, waxay xadidaysaa dhawr arimood, ta kowaad waa la diwiaangalinayaa, dalka gudihiisa ayaa laga sameeynayaa, Wasaaradda Maalgashigu marka ay dhamaystiro xeer hoosaadkaas ka hadlaya Shirkada,waxay u gudbinaysaa Golaha Wasiiradda, Golaha Wasiiradduna markaas ayuu ansixinayaa, xeerkuna wuxuu ka hadlaya tirada hogaaminaysa, cida ka mid noqonaysa, Shirkada ka qayb galaysa, waxa kale oo la rabaa inuu xeerku sheegayo ayaa awood u leh saamiyada la qaybsanayo inuu iibin karo, cidii awood u leh ilayn waa Shirkad qaran awoodeedii waa la xadidayaa, oo waa la sheegayaa, ayaa awood u leh inay ilaaliso, ilayn Maalgashigii Somaliland oo dhan ayaa ku soo dhacaye, si aanay u noqon meel hantida umadda lagu boobo, waliba cida xadidaysa ee uu xeerku sheegayaa waa Wasaaradda Maaliyadda, waxa kale oo muhiim ah boodhka ayaa leh, oo awooda boodhka ayaa qaadanayaa, waxaas oo dhan xeer la’aan, sharci la’aan, sharcigii jiray ee umaddan iyo qarankani lahaa waa la baalmaray, saddexdiiba Wasaarad ka shaqeeya oo masuuliyiin qaran ah, Wasiirkii ,Safiirkii iyo Xoghayihii baa intay meel fadhiisteen yidhi Shirkad baanu sameeysanay, oo maalgashigii Somaliland oo dhami anaga ayuu inagu soo dhacaya, umadda ku leh, oo waliba la soo taagan, midna aad baanu uga xunahay Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxaan is leeyahay aqoonyahanka waaweyn ee Somaliland buu ku jiraa, waa nin waayo-arag ah, waa nin Caalamka in badan ka soo shaqeeyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa laga filaayey inuu Ictiraaf Somaliland u keeno, laakiin waxa noo muuqta in isaga oo aan is ogeyn fartiisi subag lagu dhuuqay, oo aanu war u hayn meel uu marayo, waxaas oo dhan inuu garab maro nasiib daro ayaanu u aragnaa”.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud ayaa isna dhankiisa, wuxuu yidhi “Xukuumaddu ugu horeyn qaabkii loo baahnaa inay ku xakeemayso sicir bararka may abaarin, ee meelo kale oo aanay waxba ka galin ayey isku qaaday, waxay ahayd inay xadido lacagtan la soo daabacayo, waxay ahayd inay joojiso lacagta qaadka ee Itoobiya ee doolarka lagu qaadanayo oo lacagtii birta soo celiso, waxay ahayd inay la timaado qorshe iyo siyaasada sicir bararka ku joojinayso, laakiin qaabkan ay isticmaashay waa qaab aan waxba taraynin, ta kale iyadoo sicir barar jiro, oo abaaro jiraan, ayaa halkii looga baahnaa inay umadda ku kasbato Xukuumaddu wada hadal, ayey dagaal qaaday, laakiin waxa xaqiiqo ah in dagaalkaas ay dad badan oo maatiya oo danyar  ahi ay ku qaxeen”.

Xoghaye ku xigeenka Waddani mar uu ka hadlaayey saami qaybsiga ayaa yidhi “Waxay ahayd in muddo ka hor Doorashada Golaha Wakiilada in la sii sameeyo arinta saami qaybsiga, sidaas oo ay tahay haddii aan hore loo sameeynin, waa in hadda muddadaas kooban ee ka hadhay la sameeya, oo Wakiiladu ka hawl-galaan, waxa kale oo xaqiiqo ah in Golihii Xukuumadda in aanay umaddu ka wada muuqan, oo si cadaalad ah aan lagu xulin, anigu odhan maayo jeegaan, ee waxaan leeyahay cidii shuraakada ahayd iyo isbahaysigii baa ugu badan, taasina wax umadda u cuntamaya maaha, waxaana xaqiiqo ah in maanta harti oo dhami lix xubnood uu ku leeyahay Golaha Wasiiradda”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here