Xisbiga Waddani Oo Hawada Lagu Wareejiyay Muqdisho Masuuliyadeeda Dusha Ka Saaray Xukuumadii Siilaanyo

27
2775

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa in hawada Soomaalida oo ay Somaliland ku jirto lagu wareejiyo dawladda Somaliya, waxay dusha u saareen xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo oo ay sheegeen inay dhabo khaldan martay, shacabkana ka qarisay xaqaa’iqa jira. Waxa kale oo uu xisbigu xukuumadda Madaxweyne u soo jeediyay in la hakiyo saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabta ee Berbera.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo xildhibaan Siciid Gaane oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa waxay sheegeen inay waajib tahay in xukuumadii hore ka waranto waxay arrimahan ka ogtahay.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay hawada lagu wareejiyay dawladda Somaliya iyo mawqifka xisbiga Waddani ayaa yidhi “Iyadoo Caalamku ina yidhi Somaliland iyo Somaliya ku wada hadla, oo waxaad doontaan ku heshiiya, ayaa waxay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ay Somaliya la furtay in laga wada hadlo maamulka hawada, Somaliland waxa la yidhaahda Hawada, Cirka iyo Badda,waxa nasiib daro ah intaasba Umadda been loo sheegayey, oo aad iyo aadna waanu uga xunahay, oo Xukuumaddii hore marba waxbay inoo sheegaysay, mar waxay lahayd Guddi baa loo saaray, marna wey dafirayeen, oo waxay lahaayeen waxba kama jiraan, warka ay Xisbiyada Mucaaradku sheegaana waxay lahaayeen been bay sheegayaan, oo iyaga ayaa Somali weyn ah ayey lahaayeen, maanta waxa caddatay inay Xukuumaddii hore ee Somaliland aanay qaranka u shaqeeynayn, aad iyo aadna waanu u cambaaraynaynaa, oo aad iyo aad baanu uga xunahay in Hawadeena maamulkeeda Somaliya lagu wareejiyo, Xukuumadda cusubna waxaanu rajaynaynaa in dib ugu soo celiso dalka Somaliland, waxay umaddani u dhiibatayna la meel mariyo, Hawo, Cir iyo Dhul laga hadlo looma baahna, ee Somaliland ayaa la wada yidhaahdeen, ee lama kala qaado, markaas waxaanu jecel nahay inay Xukuumadda cusubi ka fiirsato wada hadalada Somaliya, ama ay joojisaba, iyadoo eegaysa waxay umaddu u igmatay, oo ah Somaliland”.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde mar uu ka hadlaayey Saldhiga Milatariga ayaa yidhi “Xisbiga Waddani hore ayuu uga hadlay Saldhiga Milatari, mawqifkaygana waa la wada ogaa, wax qarsoona may ahayn, waana sheegnay inay dhibaato ka iman doonto, Xukuumadda cusubna waxaanu ku gubaabinaynaa inay Saldhiga Milatari ka laabato, kana noqoto, waxayna ahayd qayrul sharci in Golaha Guurtida iyo Wakiilada la iskugu yeedho, heshiiskan oo kalena waxa iska leh Golaha Wakiilada, markaas anigu uma arko in l hayso sharciyad lagu doodo oo ah Saldhiga Milatari, ilaa haddana Imaraadku inama aqoonsana, markaas sidaas lagu hakiyey saldhiga in lagu joojiyo oo laga laabto ayaanu soo jeedinaynaa”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka tirsan Golaha Wakiilada,ayaa  isna ka hadlay maamulka hawada ayaa yidhi “Dhabihii iyo dariiqii loo baahnaa in loo maro wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, Xukuumaddii hore umay marin, ee dhabo khaldan ayey u martay, in si yar oo aad fudud Maamulka Hawadeena loogu wareejiyo Somaliya, waxa sabab u ah waa Xukuumaddii hore, markaas in maanta laga daba tago oo si yar oo fudud maamulka hawada Somaliland loogu wareejiyo Somaliya, aynaan ogolaan ayaan ku baaqi lahaa, Beesha Caalamkana waxaan leeyahay Somaliya waxaanu kala nahay laba dal ee xaqa iyo xuquuqda shacabkayga iyo dalkayga inaad cid kale siisaan waxaanu raali ka nahay ama aanu yeelano maaha”.

Mar uu ka hadlaayey Saldhiga Milatari ayaa yidhi “In la hakiyo Saldhiga Milatari waa mid aanu soo dhaweeyno, walibana waxaanu ka jecel nahay in la joojiyo, taas oo danta qaranku ku jirto, waxaan kale oo Xukuumadda Muuse Biixi uga mahadnaqayaa sida ay uga daba tagayso heshiisyadii ay Xukuumaddii hore gashay ee qayrul sharciga ahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Heshiiskii Haamaha Shidaalka oo Goluhu diiday, balse haddana si sharci daro ah cid gaar ah loo siiyey”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isna ka hadlay maamulka hawada ayaa yidhi “Todobadii Sanno iyo badhkii ay dalka ka talinaysay Xukuumaddii Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), raad bay ku lahayd inay arimuhu sidan ku dhacaan, sababtoo ah dawladdan shalay dhalatay, canaan arintan laguma siin karo, waxa is weydiin mudan in la is weydiiyo halkay Xukuumaddii hore martay, maxay raad ku lahayd inaynu xadkan gaadhno, maxa ina seegay, halkaynu ka kabnaa, waxaad mooda inay qaranimadu dhiig baxaysay todoba sanno, aniga waxay ila tahay in raad raac dheer iyo baadhitaan dheer la sameeyo, marka la helo siday wax u jiraan ayaa la ogan karaa toobiyaha loo raaci karo, hawo ay Somaliland leedahay, oo ay u madax banaan tahay, in tixraacii hawada la helo ayaa iyana muhiim ah,Wadamada sidan oo kale u kala tagay iyo Shuruuc ahaan maxa ka yeela in la ogaado ayaa muhiim ah, waxaan qabaa in waxaas inagu dhacay maanta inay Xukuumadii hore ay qayb ka tahay”.

Mar uu ka hadlaayey Saldhiga Milatari ayaa yidhi “Sacad iyo Xukuumaddii uu la shaqeeyeynayey muran ayaa dhexmaray,heshiis dhaba oo ku saabsan Saldhiga Milatari oo yaalay ma jiro, Sacad Cali Shire oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Xukuumaddii hore, imikana Xukuumad ka tirsan walina ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, hore wuxuu u yidhi wax heshiis ah oo aan ogahay ma jirto, xitta haddii isfaham laga dhigi lahaa Xukuumadda ayaa is fahanka gashee, Golayaashu ma galaan, oo meel ay Dastuurka kaga caddahay inay Xukuumadda u ogolaadan inay isfaham soo gasho ma jirto, sidaas oo ay tahay anigu waxaan qabaa in gabi ahaanba loo baahan yahay in la joojiyo saldhigaas milatari”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here