Xisbiga Waddani Oo Gurmad Daawooyin Ah Gaadhsiiyay Burco

0
608

Burco(Geeska)-Guddoomiyaha kumeel gaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde iyo wefti uu hogaaminayo ayaa socdaal ugu baxay Burco, waxaanay isuduwaha wasaarada Caafimaadka ee gobolka Togdheer ku wareejiyeen kaalmo daawo ah oo gurmad ah oo ay ugu talo galeen inay kaga qaybqaataan xanuunka shuban biyoodka ee ka dilaacay gobolka Togdheer.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka haddley guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Jirde waxaanu  baaq u diray  bahda caafimaadka ee gobolada Awdal iyo Maroodijeex waxaanu ku bilaabay  haddalkiisa “ Waxaanu go’aansanay intii karaan-kayaga ah wixii aanu heli karno annagoo Xisbiga WADDANI ah, in aanu keeno oo ku tabarucno, markaan aragnay baaxada  iyo inta dhibaatadu leegtahay iyo in bahda caafimaadka ee Burco ka xoog roontahay, waxaanu usoo jeedinaynaa bahda caafimaadka ee gobolada galbeedka haddii ay Awdal tahay iyo haddii ay Maroodijeex tahay-ba ee uu qalabkoodu badan-yahay ee dhakhaatiirta badani joogto ee kal-kaaliyashaasha caafimaad ee badani joogaan in ay deg-deg ugu soo gurmadaan gobolkan,xukuumadda waanu u sheegi doonaa hawsheeda marka aanu tagno dhibaatada waanu la qaybsan doonaa war-bixinta waanu siin doonaa, annaga baaqayagu waxa weeye in loo soo gurmado Togdheer, Togdheer waa xudintii Somaliland  wixii ka dhaca Togdheer dalka oo dhan ayuu saameeyaa  Col iyo nabad iyo cudur-ba & Barwaaqoba, markaa waxaanu leenahay walaalahayga halkaas  Jooga Awdal iyo Maroodijeex iyo Cisbitaalada gaarka loo leeyahay in loo soo gurmado Burco iyo Togdheer-ba waa hawl qaran, waxa weeye jihaad ayaad ku jirtaan jihaadkaana maaha in la idinku eego idinka keligiin.waxaa noo balan ah inaan dhawaaq dheer Somaliland oo dhan wax garadkeeda, culimadeeda iyo tijaarteeda  inaan gaadhsiino."

 Dhanka kale isku duwaha wasaarada caafimaadka ee gobalka Togdheer Dr.Yuusuf oo deeqdaas daawada ah guddoomay ayaa dhankiisa u mahadnaqay xisbiga Waddani“ Guddoomiye Jirde, Dr. Fadal, Marwo Faadumo iyo dhammaaba masuuliyiinta kele ee Xisbiga WADDANI ee halkan noogu yimi ee soo dedeelay ee na soo gaadhsiiyey daawooyinka, waa waajib ina wada saaran mana'aha wax siyaasadaysan oo siyaasada waa ka mabnuuc  markan oo kale  waa inaan gacanta iswada qabsanaa xisbi ma kala lihin oo waxba ma kala lihin gidigeen isku mid ayaan nahay qof kasta oo reer Somaliland  ah waxa looga baahan yahay inuu ka qaybqaato hadba arimaha degdega ah ee khuseeya umaddan." 

Ugu danbayntiina deeqdaas daawooyinka ah ee xisbiga Waddani uu gaadhsiiyay dadka uu soo ritay shuban biyoodku ayaa halkaas lagu kala guddoomay.