Xisbiga Kulmiye Oo Saddex Siyaasi Xisbigaas Ka Eryay Iyo Jawaaba Ay Ka Bixiyeen Go’aanka La Dul Dhigay

0
1134

Hargeysa(Geeska)- Xisbiga Kulmiye sheegay inay xubinimadii xisbiga iyo tii’ golaha dhexeba ka saareen saddex muwaadin oo ka tirsanaa xisbigaas oo kala ah Cabdi Cali Jaamac, Cismaan Axmed Maxamed iyo Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire).

War qoraal ah oo uu ku saxeexnaa guddoomiye ku xigeenka labaad Axmed Cabdi Dheer ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Gudida anshaxa ee xisbiga Kulmiye waxay u soo gudbiyeen gudida fulinta ee xisbiga Kulmiye in magacyada kor ku xusan ay baalmareen sharcyadii xisbiga xeer hoosaadkii iyo kala danbayntii xisbiga.

Maadaama ay jabiyeen intaasba waxa ay gudida fulintu go’aamisay in xubinimadii xisbiga iyo xubinimadii golaha dhexe ay waayeen maanta oo ay taariikhdu tahay 24/12/2018 aanay ka mid ahayn xisbiga Kulmiye iyo golahiisa dhexeba.”

Jawaabta siyaasiyiintan

Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo la hadlay xil kaqaadistaas kadib HCTV ayaa sheegay in xukuumada iyo madaxweynuhuba ay cadhaysan yihiin iyaga oo guulaystay, waxaanu caydhintooda  ku tilmaamay in ay tahay in aan sharciga la dhawrin iyagana eedaha loo jeediyay waxba laga waydiin, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Waa eed aan anaga na soo gaadhin waa lagaa saaray iyo waa lagu eedeeyay wada socda ,markaas eeddu waxay tahay garan maayo inkasta oo ay halkaas qaar ku qoran yihiin, gudi aan arkay iyo cid kale oo igala hadashay aniga qoladii kale maan arkine, nin waxa laygu yidhi waa uu gabyay oo gabay ayaa lagu haystaa anigana dadkaaba ii sheegay oo nin idaacada ka dhagaystay hadaanan arkin oo aanan rumaysan waxaan moodi lahaa wararkii beenta ahaa ee meelahaas lagu soo qori jiray.”

Cabdilaahi Geeljire oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Nidaamdaro ayaan u arkaa oo wax sharciga waafaqsan maaha oo gudida wax nagu soo eedaysay in naloo yeedhaabay ahayd oo inuu qofku is difaacaa waa xaq aasaasi ah, ama hala garowsado ama yaan la garowsane, cid na eedaynaysa iyo cid tidhi dacwad ayaa laguu qabaa ma jirto.”

waxa uu eedaymo u jeediyay Cabdilaahi Geeljire madaxweyne Biixi “Guddoomiyaha xisbigu waa madaxweynaha Jaamac Shabeel oo guddoomiyahii golaha dhexe ahaana waynagii cabashadiisa ka maqlaynay tilifishanada, isaguna xeer ayuu ka hadlaayay ganaaxiisiina waxa uu noqday ilaa xubinimadii ayaa lagaa saaray waxa muuqata madaxweyne cadhaysan oo guulaystay, waxa la yidhaahdaa xisbiga cadhaysan ee guulaystay in wali dad uu u cadhaysan yahay ayaa muuqata madaxweynuhu, xisbigana anfici mayso qarankana anficimayso in qofkii lagu tuhmo hadalkaas muu jeclaysan madaxweynuhu in laga saaro ilaa xubinnimada.”

Prof.Cabdi Cali ayaa dhankiisa sheegay in dalka istaaga wax lagu xukumaayo qofkana aan loo ogolaanayan inuu is difaaco“Tani waa sababtii aan uga tagay xukuumada ninbaa u tagay madaxweynaha dhagta ayuu wax u saaray madaxweynii ayaa tilifoon igula soo hadlay sarajooga ayuu igu xukumay oo uu yidhi waad qaldantahay wasiirka jiidh jiidhka ka daa, oo aniga miyaan layla hadlayn oo aan waxba lay waydiinayn, maya may waanu haysanaa cadaymahayagii tilifoonkii waaba uu dhigay,anigaa tilifoonka ku celiyay oo idhi balan ayaan doonayaa waa uu dhammeeyay oo sarajoog ayuu igu xukumay markaas tanina waa tii oo laba qof ayaa afka isa saaray ama koox qofkii ay qusaysay looma yeedhin, maskaxda ina maamulaysaa inay isku mid tahay ayaan ku tusayaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here