Xisbiga KULMIYE Oo Munaasibad U Sameeyay Xalinta Khilaafkoda

0
643

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xisbiga Kulmiye ayaa qabsaday kulan ay ku muujinayaan in uu dhammaaday khilaafkii xisbigaas, waxaanay taageero u muujiyeen gudidii xalinta khilaafkaas gashay iyo qodabadii ay soo saareen.

Kulankan ayaa ahaa mid balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen madaxweyne ku xigeenka Somaliland, tiro badan oo wasiiro ah iyo taageerayaal ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Ugu horayntii wasiirka arimaha dibada ahna guddoomiyaha gudidii turxaan bixinta Kulmiye loo saaray Maxamed Biixi Yoonis, oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi“Waxaa farxad weyn ii ah aniga oo ku hadlaaya afkii Gudida Turxaan Bixinta ee Madaxweynuhu magacaabay in ay tahay maalin aad u weyn maalin qiima leh,waayo Dimuqraadiyada ayaa ku jirta in afkaarta laysku khilaafo may ahayn kooxo iska soo horjeeda, afkaartaa ayuun baa  laysku hayey,taasina waxaa ay Xisbiga ka dhigtay Xisbi Dimuqraadiya, Xisbi Madax Sharaf leh haysta,waxanu aad iyo aad ugu faraxsanahay haddii aanu Gudidii nahay inaanu soo afjarnay oo aynu dhidibka u aasayno Xisbigii KULMIYE hoggaankeeda iyo madaxdeedana,inaga oo u wada dhan aynu taageero siinayno islana barbartaagayno.”

Wasiirka dibadu waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu taageero u baahan yahay iyo inay tahay markii ugu horaysay ee xarunta xisbigaas uu ka soo xaadiro“Horta Xisbiga Maantaa(Shalay) Iigu Horaysa Aniga,Waanan Ku Faraxsanahay In Qudhaydu Aan Maanta imaado,Waxaanan Filayaa Hadii Muuse waraaqaha dadka lagu cadeeyo inay yimaadeen uu Sameeyo Inaan Ka Ugu Hor Imanaya Aan Noqondoono, Waa in gacan lasiiyaa xisbiga waayo marka qofku uu meesha u ku cusubyahay Xisbiga Kulmiyana aad maqasho waxaad odhanaysaa malaha hawl ayey u yara baahantahay.”

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna xalinta khilaafkaas u sacabo tumay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Maanta waxa ay ka mid tahay maalmaha ku suntan guulaha xisbiga, warbaahintu aad ayay u jeceshay Kumiye Dhaqdhaqaaqiisa in badan ayay kharash badan  iyo waxkhti badan iyo xoogba ku lumisaa Kulmiye waa uu is haystaa,Kulmiye waa uu kala dhaqaaqayaa , mudo laba sanadood ah waxaan ugu jawaabi jiray Kulmiye waa uu doodayaa  dhexdiisa ayuu ka tartamayaa ,laakiin waa uu heshiinayaa ee kala dhaqaaqimaayo,qoladii warbaahinta anagaa ka helnay maragii,Kulmiye waa xisbi inta badan la yidhaahdo waa uu khilaaf ban yahay oo waa uu dood badan yahay, waana run waayo dalbaa la dhisayaa oo hawl culus oo qaranka oo dhan ah ayaa Kulmiye saaran,dadka joogaana waa kuwii howshaas ka soo bixi lahaa.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo kulankaas soo afmeeray waxa uu yidhi“Bahweynta Kulmiye waxay u tahay maalin taariikhi ah oo faraxad leh, sidaad la socotaan xisbiga dimuqraadiga ah way dhacdaa in lagu kala aragti duwanaado, waxase Alle mahadii ah in aanu Kulmiye marna ku kala tagayn talo uu isku qabtay, imikana waxaan aad ugu mahadnaqayaa guddii madaxweynuu u saaray inay ku guulaystaan khilaafkii yaraa, isku imaatinkanina yahay in taageerayaasha Kulmiye ay markhaati ka noqdaan in xisbigii Kulmiye meel uwada jeestay.”