Xirfadaha Ku Habboon Da’aha Kala Duwan Ee Aadamaha: Cod-Karnimada, Xikmadda Iyo Go’aamada Waa Weyn

0
663

Hargeysa (Geeska)- Qaybtii saddexaad ee Qormo uu turjumay Geeska Afrika oo ay shabakadda Internet ka ee Business Insider ku soo ururisay natiijooyinka cilmibaadhiso iyo sahamin kala duwan, oo ka warramaya xirfadaha ay da’aha kala duwan ee dadku ku fiican yihiin.

16. Nolosha oo mar kale raalli laga noqdo

Bani’aadamku marka uu gaadho da’da 68 jirka, waxaa mar kale u soo noqota ka raalli ahaanshiyaha nolosha.

Ma xasuusataa cilmibaadhistii lagu sameeyey dalka Jarmalka ee aynu hore taxanahan ugu soo xusnay. Waa tii sheegtay in dadku marka ay gaadhaan da’da 23 jirku ay tahay marka ay shucuurtoodu joogto halka ugu sarraysa ee ka raalli ahaanshiyaha nolosha. Sida aynu isla qaybihii hore ku soo sheegnay waxa uu raalli ahaanshiyahaasi hoos u dhacaa marka uu qofku gaadho da’da dhexe, oo ay ku bilawdaan warwar iyo fikir badani. Haddaba waxa ay xeeldheerayaashu sheegayaan in shucuurtaas fiican ee qofka dareensiinaysa ka raalli ahaanshiyaha noloshu ay dib u soo noqdaan marka uu gaadho da’da 69 jirka.

17. Cod kar

Waxa ay khubaradu ogaadeen in marka uu qofku gaadho dabayaaqada lixdanaadka cimrigiisa in carrabku u furmo, oo uu noqdo ruux awoodi kara in uu adeegsado ereyada cuddoon ee ku habboon hadba halka uu u doorto.

Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa caddaynaya in qofku marka uu da’dan gaadho uu ka maarmo isku mashquulinta qaamuuska ee inta badan lagu arko qofka dhalinyarada ahi marka uu doonayo in uu luuqad si fiican u isticmaalo, isaga oo qaamuuskaas ka raadsanaya ereyada ku habboon. Waxa aanu awood u yeeshaa xasuusashada kelmada ku habboon ama ku sii quruxda badan hadba waxa uu doonayo in uu sheego.

18. Dhismaha jidhka

Ragga iyo dumarku waxa ay ka siman yihiin in marka ay da’doodu gaadho 70 jirka ay ku abuuranto shucuur ah in ay ka raalli yihiin qaab-dhismeedka jidhkooda.

Rayi-ururin ay samaysay hay’adda Globe ayaa saddex meelood laba dadkii wax la weydiiyey oo da’doodu ka weynayd 65 sano waxaa lagu ogaaday in ay si buuxda u jecel qaabka uu hadda muuqaalkoodu yahay.  Waxa ay cilmibaadhisuhu muujinayaan in raggu marka ay gaadhaan da’da Siddeetanaadka ay tahay marka ay ugu jecel yihiin qaab dhismeedka iyo muuqaalka jidhkooda isuguna qanacsanaan badan yihiin. Sida ay qireen boqolkiiba 75 dadkii rayi-ururintani gaadhay. Laakiin dumarka ayaa tiro ahaan ka yara hooseeya ragga oo iyaga tirada da’dan marka ay gaadho iska raallida ah ama isku qanacsani waa boqolkiiba 70 marka lagu saleeyo rayi-ururintan, waxa aanay shucuurtan isku qanacsanaantu la bilaabantaa marka ay gaadhaan cimriga 74 sano jirka.

19. Xikmadda

Sida caadi ahaanba bulshooyinka kala duwan ee dunida badankoodu aaminsan yihiin, xikmadda qofku waxa ay la kortaa mar kasta oo ay da’diisu sii korto. Koox culimada cilminafsiga ka mid ah ayaa baadhis ay sameeyeen ku ogaaday in dadka da’doodu u dhexeyso 60 jirka illaa 90 jirku ay yihiin dadka ugu xikmadda badan, uguna fikirka togan marka ay noqoto in arrin la xalliyo ama laga fikiro sida ugu habboon ee hawl loo qaban karo.

20. Raaxo iyo nafis

Marka uu aadamuhu gaadho da’da 82 waa marka ay naftiisu qabto shucuurta ugu sarraysa ee dhinaca xasiloonida maskaxeed iyo faraxsanaanta. Ama shucuurta aynu ku tilmaamno in ay nafisanaan tahay.

Cilmibaadhis lagu faafiyey joornaal ay soo saarto akademiyadda Sayniska ee dalka Maraykanka ayaa baadhis ay ku samaysay lagu ogaaday in dadka da’doodu u dhexeyso 82 illaa 85 ay ku jiraan waqtiga ay ugu sarrayso shucuurtooda raaxada iyo xasiloonida nafsiga ah.

21. Go’aamada waaweyn

Cilmibaadhis nafsi ah ayaa daahfurtay in da’da uu qofku ugu qaadan og yahay go’aamada muhiimka ahi ay tahay marka tirada da’diisu ay kisi tahay, oo tusaale ahaan uu yahay 9 jir, 29 jir, 39, jir 49 jir, 59 jir iwm.