Xildhibaano Madaxweynaha Ugu Baaqay In La Furo Dastuurka Oo Aan Lagu Jiifsan Beelihii Ka Cabanaayay Saami Qaybsiga

0
915

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka soo kala jeeda Gobolada darafyada iyo Beesha Dhexe, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay tanaasulka saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada ee uu Madaxweynuhu soo jeediyey.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag, gaar ahaan Sanaag Barri, Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka soo jeeda Gobolka Awdal iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka soo jeeda Gobolka Maroodijeex, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa yidhi “Shirkii si fiican buu u dhacay, si fiican buu ku dhammaaday,dareena deero ma hirdiyin, Xisbiyada kalena inay ku daydaan ayaa wanaagsan qaabka wacan ee Xisbiga Kulmiye u qabsaday Shirkiisi Golaha Dhexe ee Lixaad, magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama, ee Shirkana lagu qabtayna waa mid aad loogu baahnaa, Gobolada kalena haddii ILLAAHAY yidhaahdo Shirarka soo socda ayaa lagu qaban doonaa”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud mar uu ka hadlaayey soo jeedinta Madaxweynaha ee ah in laga tanaasulo saami qaybsiga ayaa yidhi “Madaxweynuhu waa Madaxweynihii qaranka,haddii uu wax dan moodo dhibaato looma arkaayo, Saami-qaybsigao oo la sameeyo inkasta oo ay muhiim tahay, haddana waa arin qaran oo u baahan in laga wada tashado, oo la isku tanaasulo, oo wax la is weydiiyo, macnaheeduna maaha wax baa la diidan yahay, ee ALLE sida roon ha ina waafajiyo, oo wax walba khayr ha inooga dhigo ”.   Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo isna ka mid ah Xisbiga Kulmiye oo ugu horeyn ka hadlaya Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Shirweynihii lixaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, si fiican buu u qabsoomay, magaalada Boorama ayaana lagu qabtay,wax dhaliila oo ka soo baxdayna ma jirto, wax dhib iyo muran ahina kamay dhicin”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale mar uu ka hadlaayey soo jeedinta tanaasulka Madaxweynaha ee Saami-qaybsiga ayaa yidhi “Madaxweynaha soo jeedintiisi waxay noqotay inuu yidhaahdo kuwii cabanayey, ee aan waxba haynin u tanaasula kuwii wax hayey, ee Madaxweyne waxaan ku leeyahay dhinaca kale u dhigoo oo waxaad tidhaahda kuwa iyagu inta badan leh tanaasul ha sameeyaan, Daahir Rayaale Kaahin oo ka soo jeeday Gobolka Awdal, si gobonimo leh ayuu yeelay oo waxaa uu nagu yidhi Dimuqraadiyada ayaan hirgalinayaa, oo waxaan rabaa in aan indhaha Caalamka wax tusee, waxaas ha igu soo qaadina, Muuse Biixi maanta waxaa looga fadhiyey inuu ku ciiro Beesha dhexe, laakiin loogama fadhiyin in Gobolo aan waxba haynin inuu ku yidhaahdo idinka ayaa itaal yare tanaasula,ee Madaxweyne Doorasho la diidan yahay iyo Dimuqraadiyad laga soo hor jeeda midna ma jirto, ee saami qaybsiga ka badheedho, oo waxaa Madaxweyne lagaga baahan yahay inaad yeelato ku dhac badan, Madaxweyne Dastuurku aayad quraana maaha, waa la furi karaa, waxna waa laga bedeli karaa, oo wixii tuuro yeeshay iyo qodobadii shaqayn waayey iyo wixii laga bedeli karaba waa laga bedeli karaa, ee Madaxweyne waa inaad Dastuurka furtaa, oo Beesha aad ka soo jeeda oo iyadu saayid haysta aad tidhaahada dalka waa la inala leeyahay oo 20 kursi ayaan Beelaha kale ee dalka inala dega aan siiyey, laba nin oo walaalo ahaa ayuu midi lahaa 99 neef oo geela midina lahaa hal neef, kii 99 neef lahaa ayuu yidhi walaal boqol ha ii noqodaana ee halka iigu dar, markaas Madaxweyne si dalka aynu u wada yeelano, wax walbana inoogu hagaagaan, waa inaad saami qaybsiga ka badheedha,laakiin yaanay arintu inaga noqon in la is dulmiyo, oo cadaalada laga fogaado, oo cid gaar ah lagu jiifsado, tusaale ahaan Gobolada Awdal iyo Salel waa Gobolo balaadhan, oo waxa wada dega Beelaha Samaroon iyo Ciise iyo sidoo kale Beelo kale, markaas in la yidhaahdo 13 kursi oo qudha waligiin ku jira wax aanu yeelayno maaha, wax noo cuntamaya ama aanu geyno maaha, hore ayaanu u aqbalnay laakiin mar dambe aqbali mayno ee Gobolku wuxuu xaqa u lahaa ha la siiyo, oo Gobolada kalena wixii ay xaq u laahaayeen ha la siiyo”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka soo jeeda Beesha Dhexe, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa isna isagoo ka hadlay soo jeedinta Madaxweynaha ee saami qaybsiga ayaa yidhi “Madaxweyne wax tanaasul la yidhaahdo oo laga yeelaya ma jirto, haddii aanu nahay Gobolka Maroodijeex waxaanu xaq u leenahay ayaanu rabnaa, oo aanu ku xisaabtamaynaa, waxaana Gobolka Maroodijeexna waa Gobolka ugu dadka badan, markaas waa in tirikoob la sameeya, oo tirikoob wax la isku siiya, Gobol walba oo ka tirsan Somaliland xaq buu u leeyahay inuu helo saamiga kuraasta uu xaq ugu leeyahay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here