Xildhibaano Ka Tirsan Wakiilada Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Soo Celiyo Hantidii Qaranka Ee La Lunsaday

0
1473

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, iyo Xildhbaan Xasan Muuse Hufan (Xasan Karaama), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa Xukuumadda u soo jeediyey talo ah inay soo celiso dhammaan hantidii la lunsaday ee uu qaranku leeyahay.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, iyo Xildhbaan Xasan Muuse Hufan (Xasan Karaama), oo u wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, uu hadalkiisa ku bilaabay “In hantida umadda ka dhaxaysa, ee qaranku wada leeyahay in la soo wada celiyo wixii la lunsaday, oo aan umadda loo kala eexan ayaa wanaagsan, in dadka danyarta ah ee guryaha dawladda ku jira in culays la saaro, oo la yidhaahdo ka baxa ama kiro bixiya, dad kale ee wax haystana in la iska indho tiro, oo Xukuumaddu waxba ka soo celin weydo, oo ay la xisaabtami weydo waa ayaan daro iyo cadaalad daro aad u weyn, aad baa loogu farxay oo loo soo dhaweeyey hantida qaranka ee dib loo soo celiyey, laakiin hantida la soo celiyey iyo hantida  maqan iskuma dhawa, oo inta maqan ayaa ka badan, ee Xukuumaddu waa inay hantida dib soo wada celisa, hantida umadda ka dhexeeysa haddii lagu takrifalo, oo cid gaar ahi lunsatana waa dhibaato, xisaab ALLENA way dambaysa, ee hantida umadda ha loo ilaaliyo, cid kasta oo lunsatayna ama masuul ha ahaado ama ahaan jiray, ee waa in laga soo celiya”.

Xildhbaan Xasan Muuse Hufan (Xasan Karaama), ayaa isna yidhi “Waxaa laga war hayay in Xukuumaddii hore ay hantida umadda siday doonto ka yeeshay, hantida badan oo qaranku lahaana waa la lunsaday, hanti gaar ahna waa laga dhigtay, waxaana Xukuumaddan la gudboon oo looga fadhiya inay soo wada celiso hantida umadda, cid kasta oo hantida umadda lunsatayna waa in lala xisaabtama oo dib looga soo celiya, sharcigana la hor keena”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here