Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Iyo Khilaafka Xisbiyada Ee Guddiga Doorashada

41
3515

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay marxalado dalku marayo, waxayna si gaar ah uga hadleen aragtidooda ku waajahan qorshaha dhismaha Madaxtooyada cusub, is marin waaga Xisbiyada ee Komishanka Doorashooyinka, Sicir bararka iyo Qabyaalada.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Guddida ilaalinta hantida umadda ee Golaha Wakiilada iyo Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ah Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo ilaalinta Khayraadka Dabiiciga ee Golaha Wakiilada, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka hadlaya qorsharaha Madaxtooyada cusub ayaa yidhi “In Dalku yeesho Madaxtooyo cusub, oo intan ka balaadhan, waa mid loo baahan yahay, in dalku yeesho Goleyaal cusub oo intan ka balaadhan waa mid loo baahan yahay, laakiin waa wakhtima, aniga aragtidayda ilama haboona in wakhtigan Madaxtooyo cusub iyo Golayaal cusub dalka loo dhiso, maxaa yeelay duruufaha adag ee jira  iyo baahiyaha kale ee dalka yaala ayaa  u baahan in wax laga qabto, inta Madaxtooyo cusub la dhisayo, maxaa yeelay baahiyihii aasaasiga ahaa ee Bulshada ayaa aad u liita, dad badan oo aan dab shidan oo u baahan in wax loo qabto ayaa jira, duruufaha kala duwan ee dalka ka jira, ee u baahan in wax la qabto sida cadaalada darada, eexda, tabashooyinka, sicir bararka iyo wixii la midka ah marka wax la qabto ayaa haboon in Madaxtooyo iyo Golayaal casriya oo balaadhan la dhiso, balse iyadoo maanta daldkeenii nolol adag iyo duruufo adagi haystaan in Madatooyo kharash aad u badan oo maalayiin doolari ahi ku baxayaan in la dhiso waa cadaalad daro”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Qabyalaadai yo Sicir bararka ayaa yidhi “Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo Madaxweynaha ka ahaa iyo Xukuumaddan uu Muuse Biixi Madaxweynaha ka yahay labaduba ilaa hadda wax alaale waxay ka qabteen sicir bararka iyo qorshe cad oo la soo bandhigay in wax lagaga qabto ma jiro, dadkii masaakiinta ahaa ee danyar ahaa ayuu culayskii sii fulay, oo dhibtii ku sii badatay mooye, xitta ilaa hadda siyaasad cad oo sicir bararka wax lagaga qabtaa ma jirto, sdioo kale qabyaaladii xadhkaha ayey goostay, oo sida ugu xun baa qabyaalada loo isitcmaala,haba ugu sii darnaato wakhtigii Doorashada, waxaana loo baahnaa in qabyaalada meesha laga saaro ,oo umadda la mideeyo, oo midnimadooda iyo wada jirkooda laga shaqeeyo”

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Komishankan doorashooyinka, anigu waxaan soo jeedin lahaa in gabi ahaanba meesha laga saaro, maxaa yeelay waxaynu ogeyn Doorashadii Madaxtooyada siday u maamuleen iyo dhaliilihii badnaa ee laga sheegtay, waxaynu kale oo aynu ka war qabnay in laba qof ay kala saari kari waayeen, markaas in Doorasho dambe lagu sii aamino baaha, ee waa in la kala diraa, sidoo kale Xisbiyada waxaan u jeedin lahaa inay heshiyaan kuna heshiiyaan mawqif midaysan oo ku waajahan Komishanka”

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isna ka hadlaya  Madaxtooyada cusub ayaa yidhi “Maayarka Caasimaddu wuxuu ka hadlay hawl aan hawlihiisa ka mid ahayn, isagu waa Maayarkii Caasimadda, Madaxtooyo cusub ha la dhiso ama yaan la dhisin hawl isaga u taala maaha, inuu ka hadlana maaha, waxay ahayd hawlihiisa kale ee u yaala inuu wax ka qabto, Madaxtooyo cusub in dalka loo dhisana, ka hadalkeeda cidda ay khuseeyso waa la garanayaa, ee inay ka hadasho ayey ahayd, in dalka Madaxtooyo kale loo dhiso, iyo in Golayaasha Qaranka goobo kale loo dhiso, waa mid loo baahnaa, balse wakhtigan kuma haboona, hawlo kale iyo baahiyo kale oo ka daran oo u baahan in wax laga qabto ayaa jira”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa mar uu ka hadlaayey sicir bararka iyo qabyaalada ayaa yidhi “Qabyaaladii waxay noqoto Varis meel walba galay, oo meel walba ku baahay, oo umaddii kala qaybiyey, oo u  baahan in laga hor tago, oo la iska kaashado in wax laga qabto, haddii kale oo ay sidaas qabyaaladu ku sii socotana wax walba wey ka sii dari doonaan, ta sicirkana, waa ayaan daro in ilaa hadda sicir bararka xil la iska saari waayo oo la dhayalsado, waxaana haboon in sicir bararka umadda dhibta culus ku haya in wax la qabto, oo Xukuumaddu doorkeeda ka qaadato”.

Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Waa dhab in ilaa hadda inay Xisbiyadu aanay isku fahmin Komishanka iyo arinkiisa, Xisbul xaakimku xaq buu u leeyahay inuu ka cawdo Komishanka, halka ay sidoo kale Xisbiyada Mucaaradkuna xaq ay u leeyihiin inay Komishanka ka cawdaan, cadaalada darana ka sheegtaan, laakiin in Komishanka la kala diro, in Komishan cusub la magacaabo, in tirada Komishanka la kordhiyo, waa mid u taala Xisbiyada, oo u baahan inay ka heshiiyaan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here