Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Sheegay Inay Ka Baxeen Xisbiga KULMIYE

0
985

Hargeysa(Geeska)-Laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deeganka Gabilay ayaa iska casilay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, kuwaas oo eedaymo xoogan u jeediyay maayarka iyo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Labadan masuul ayaa salka u saaray is casilaadooda kala jeclaysi iyo musuq ay ku eedeeyeen maayarka Gabiilay Maxamed-amiin, waxaana ugu horayntii Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi oo warbaahinta la hadlaysay ay tidhi”Inaan maanta xisbigii Kulmiye oo aan in badan soo garab taaganaa lana soo shaqaynaayay aan maanta halkan iskaga  casili doono, sababaha aan iskaga casilayaana ay tahay maamulkii degmada Gabilay ee aan la shaqaynaynay oo bilaabay waxyaabo aanan ku faraxsanayn, kala jeclaysi golaha dhexdiisii ah, dadkii degmada oo  la kala jeclaysanaayo, markaanu aragnay dhaliilo badan waxaanu go’aansanay maanta inaanu is casilno.”

Xildhibaan Mustafe Sayid Abakor  ayaa dhankiisa isaguna ka hadlay sababaha uu iskaga casilay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye”Waxa noo soo baxday ixtiraam daro, badhasaabka isaga ka hadli maayo waa qof aan aqoon shaqada oo la soo lugooyay, waxa uu noqday qof lagu adeegto  danaha la doonayo siiba gaar ahaan maayarka iyo xoghayaha oo maraga fura oo aan macno badan isagu lahayn, sababta uu intaa xilka u hayana waanu iska garanaynaa oo maayaradii hore ee uu la soo shaqeeyay ee musuqmaasuqa Gabilay ugu badan ka sameeyay xisbiga Kulmiye waa uu dalacsiiyay, kuwii waxaas sameeyay iyaga oo Muuse horkacaaya oo cod doonaya, dadku ma dudumaa, waxa inoo cadaatay in aanu Muuse cid kale oo uu dirtaba hayn markuu ka maarmi waayay kuwii Gabilay lugaheeda gooyay.”

Xildhibaanadani waxay sheegeen inay ka baxeen KULMIYE, laakiin may sheegin xisbiga ay ka mid noqon doonaan.