Xildhibaano Ka Hadlay Khilaafka Ku Salaysan Ganacsiga Beeyada Ee Gobolka Sanaag

40
3836

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogta ah ee Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale iyo Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa ka hadlay xaalada ka taagan dalka, gaar ahaan Gobolka Sanaag, ee ku saabsan Ganacsiga Beenyada, waxayna sheegeen in aad looga feejignaado wax kasta oo dhib keeni karaya, waxayna soo jeediyeen in Sharciga la ilaaliyo iyo inay Xukuumaddu waajibkeeda ka gudato.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogta ah ee Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale iyo Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Haamaha Shidaalka, waxaana ugu horeyn Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo ka hadlay Beenyada uu yidhi“Runtii in mar walba la is dejiyo, oo wanaaga wax walba lagu dhameeyo, oo aan sharciga la baalmarin ayaa haboon, in wax walba buuq ka dhashana ma haboona mana qurux badna, runtii anagu kol hore ayaan tagay Gobolka Sanaag, Beenyada halka kilo, wuxuu ahaa hal doolar, imikana halkii kilo wuxuu marayaa toban doolar iyo dheeraad, markaas qiimihii ayaa is bedelay, qiimaha ay Beenyadu leedahayna hadda ayaa la ogaaday, waana suuq cusub oo imika xoogaystay, taladaydu se waa sharciga ha la dhawro, oo sharciga ha la ilaaliyo, oo yaan lagu kicin wax sharciga ka hor imanaya, Xukuumadduna waa inay waajibkeeda ka gudutaa, Ganacsiguna waa xor ee waa in si xor ah loogu tartamaa ganacsiga iyo hadba wixii soo kordha”.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale ayaa mar uu ka hadlaayey Shidaalka ayaa yidhi “Dawladdii hore dhinac ayey Haamaha naga dhaafisay, oo waxay ku dacwoonaysay waa arin maamul, anagu markii horeba maan aaminsanayn in Shirkado gaar ah lagu wareejiyo Haamaha Shidaalka, laakiin waa tii Dawladdii hore ku wareejisay, waxyaabihii laga baqaayey waxyaabo ka mid ah ayaa soo baxayey, oo Shidaalkan faraha badan ee wasakhaysan oo Baabuur badan qaribay waxa sabab ah Haamaha Shidaalka ee la wareejiyey, Shirkaddaha gaar loo leeyahayna in Shidaal jaban keenaan si ay macaash fara badan u hesho ayaan anigu u arkayaa, oo meelihii Shidaalka wanaagsan aanay tagin ayaan anigu u arkaa, imikana anigu waxaan aaminsan nahay in Dawladdu heshiiska dib u eegto, aniguna ma qabo in boqolkiiba boqol in Dawladda laga wada qaado Haamaha Shidaalka, waayo xaalad kasta wey iska iman kartaa, ugu yaraan waa inay Dawladdu saami ku leedahay, oo ay qaybteeda leedahay, oo wax kasta ayaa iska dhici kara, wakhtiga ay doonaan ayey iska xidhan karaan, oo sidaas uu imika u xumaaday ayuu u xumaan karaa”

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil Gaane oo isna ka hadlay Beenyada ayaa yidhi“Beenyada dad baa leh, oo waligoodba lahaa, marka hore waxay cidi isku haysan karto maaha, lacago hore oo lagu bixiyey Beenyada waa la dhacay, mucaawinooyin kale oo dadka loo soo dirayna waa la dhacay, hadda wax la isku haysatana waxaan aaminsan nahay inay tahay wax kale, Beenyada dad baa leh, ee Xukuumadda waxa xaq loogu leehay suuqayn iyo dhiirigelin iyo maalgalin, Beenyada iyo ganacsigeeda waxay shaqadaasi saartan tahay Wasaaradda Ganacsiga, markay noqoto Geedka iyo laftiisana waxa uu xil ka saaran yahay Wasaaradaha Beeraha iyo Deegaanka, waxan la isku haystaa waa wax kale oo khiyaanadii hore u dhacday, ee lagu dhacay lacagtii loogu talagalay in dadkan wax loogu qabto mid la mid ah ayaa la isku haysta, dadkuna waa xor suuquna waa xor, ganacsiguna waa xor ee dadku cida ay dantooda u arkaan ee qiimaha sare u haya ayey ka iibinayaan Beenyada ee maaha in la qasbo, laakiin Xukuumaddii hore iyo tanba waxaad mooda inay hawshan si fiican uga hawlgalin, waan la xidhiidhay Shirkaddahan la yidhi wax bay bixiyeen qaarkood, warbixin buuxdana waanu ka sugaynaa, in dadka waxooda loo ilaaliyana Dawladda iyo Barlamaanba waajib baa naga saaran dadkana waxaan odhan lahaa yaan la isku kiin haysan ee idinku tashada, oo ku tashada halkay dantiinu ku jirto, kuwan isku haystana dadka ha u keeneen wax u dan ah”.

Mar uu ka hadlaayey Shidaal  ayaa yidhi “Go’aanada ay ganaaxyadu ku jiraan ee la soo saaray aad baan u soo dhaweeynayaa, oo Xukuumadda waan ugu hambalyeynayaa, talaabo horumar leh oo runtii arintaas ayey kaga jawabayso ayey Xukuumaddu samaysay, ganaaxa la ganaaxay Shirkadihii dambiga galay ee la soo saaray waa talaabo geesinimo leh oo loo baahnaa, mar haddii Xukuumaddu ka jawaabtay qayladii dadka oo talaabo qaaday wixii kale ee hadhsana waa la dhamaystiri doonaa, wixii toosin ah ee kale waanu u gudbinaynaa Xukuumadda”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Xeerka Korontada ee Wakiiladu ansixiyeen ayaa yidhi “Xeerkan Korotanada ee aanu ansixinay cid gaar ah umuu danaynayn, ee wuxuu ahaa xeer umadda dan u ah, anagu waanu ansixinay oo Guurtida ayuu u gudbay, Guurtidana waxaan kula talinayaa in wixii khaldan inay Xeerkan ka badalaan kana saaran oo wixii dhaafnayna waa inay ku daraan, wixii aanu khaladnayna waa inay saxaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here