Xildhibaano Ingiriis Ah Oo Dawladooda Culays Ku Saaraya Inay Joojiso Lacagta Ay Ugu Deeqdo Dawladda Somaliya Iyo Jawaabta Ay Ka Bixisay

0
506

Picture9London(Geeska/W.Wararka)-Dawladda Ingiriiska ayaa waxa soo waajahay culaysyo lagu dalbanayo inay joojiso lacagta malaayiinta Dollar ah ee ay ugu deeqdo dawladda Somaliya islamarkaana ay u wareejiso meelo kale oo dalka Ingiriiska ah oo ay daadadku waxyeeleeyeen.

Dowladda Ingiriiska oo sanad kasta lacag gaadheysa 90 Million oo lacagta Ingiriiska, ugu yaboohda waddanka Soomaaliya ayaa sheegeysa in lacagahaasi oo ay ugu tala gashay in wax looga qabto Xaaladaha Beni-aadanimo ay gacanta u galaan kooxda Al Shabaab. Warbixintii ay toddobaadkii hore daabacday kooxda qaramada midoobay ee loo yaqaano UN Monitoring Group, ayaa cadaysay in hub iyo saanado milatari oo loogu deeqay dawladda Somaliya ay gacanta u galaan Al-Shabaab, waxaanay sheegeen inay jiraan dad dawladda xilal ka haya iyo kuwo hab qabiil ugu xidhan oo hubka gaadhsiiya Al-Shabaab. Warbixintaas ayaa noqoday mid gilgisha dareenka deeq bixiyayaasha taageera dawladda Somaliya.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo warbixintaas daba socda ayaa dalbanaya in lacagtaas la joojiyo tan iyo inta la helayo dawlad lagu aamini karo.  Xildhibaan Ian Liddell-Grainger, oo ah xildhibaan laga soo doorto deegaanada ay daadadku waxyeeleeyeen ee dalka Ingiriiska, ayaa wargeyska The Mail, u sheegay sidan, “Waxay cadaymo u yihiin arrimahani [warbixinta] arrin ay mudanayaal badani sannado ka hor ka digeen, taas oo ah in caawimadeenu ay gasho gacmo khaldan.”, waxaanu intaas raaciyay, “Waxa jira wadamo badan oo aynaan deeqo u diri karin, sababtoo ah ma caawino dadka gudaha waxase ay gacanta u gashaa dad kale.”

Xildhibaan Stewart Jackson ayaa isna yidhi, “Cashuur bixiyayaashu waxay doonayaan inay caawiyaan wadamada dibadda haddii ay u tagayso deeqdu dadka u baahan. Laakiin deeqdu markay tagto dunida saddexaad waxay gacanta u gashaa argagixiso iyo dhinacyo kale. Waxaynu u baahanahay inaynu dib u qiimayn ku samayno deeqdeena, marka wadanka aad looga baabahanyahay.”

Hase yeeshe wasiirka caawimada caalamiga ah Justine Greening ayaa isna wargeyska u sheegay inay dejinayaan qorshe cusub oo gaar ah oo ay kula xidhiidhaan dawladda Somaliya.

Afhayeen u hadlay waaxda caawimada caalamiga ah ee dalka Ingiriiska, oo the mail u waramay ayaa isna isagoo ka jawaabaya doodda xildhibaanada ee ah inay deeqdii Ingirisku gacanta u gasho kooxaha argagixisada ah ayaa yidhi, “Warbixintan [Warbixintii qaramada midoobay] ma sheegayso daliil cad oo ah in wax caawimo ah oo Ingiriisku leeyahay ay u tagto Al-Shabaab.”

Si kastaba ha ahaate, inkastoo la sheegay inuu raysalwasaaraha Ingiriisku saxeexay lacagtaas 90-ka milyan ah, haddana waxa muuqda inay dawladda Somaliya soo waajahday xaalad suurtogelin karta in deeq bixiyayaal badani ay kala noqdaan balan qaadyo hore, maadaama oo lagu eedaynayo inaanay lahayn nidaam xisaabeed oo cad iyo isla xisaabtan.