Xildhibaano Diyaariyay Mooshin Ka Dhan Ah Maayarka Gabiley

0
666

Hargeysa(Geeska)-Tiro lagu sheegay 15 xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Gabiley ayaa saxeexay mooshin ay doonayaan inay xilka maayarnimo kaga qaadaan maayarka Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi.

Xildhibaanadan oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxay maayarka ku eedeeyeen musuqmaasuq iyo falal qabyaaladeed iyo weliba inuu korodhsaday awoodii maayarnimo, waxaanay sheegeen inay mooshinka saxeexeen 12 xildhibaan, saddex kalena ay maanta saxeexayaan, iyagoo markaas dalabka 15-ka xildhibaan maanta u gudbinaya wasaaradda arrimaha gudaha si ay ugu ogolaato in badhasaabka gobalku u qabto kalfadhi aan caadi ahayn.

Xildhibaanadani waxa ay wasaaradda iyo xukuumadda ka codsadeen inay tixgeliso dalabka xildhibaanadan oo ay sheegeen inuu ku fadhiyo sharci. Maayarka Gabilay ayaan ka jawaabin eedda xildhibaanadan iyo weliba mooshinka ay doonayaan inay xilka kaga qaadaan.