Xildhibaano Dhaliilo Cul-Culus U Jeediyay Xukuumadda

0
957

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Xasan Muuse Hufane, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye, waxayna sheegeen inay Xukuumaddani caado ka dhigatay musuq-maasuq, hanti boobka umadda, eex iyo inay si sharci daro ah hantidii umadda ugu ololayso Xisbiga kulmiye.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Xasan Muuse Hufane, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale amaan u soo jeediyey Xisbiga Waddani oo ay sheegeen inuu yahay Xisbiga qudha ee xaalada uu dalku ku jiro ka saari kara, waxaana ugu horeyn Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo ka hadlaya Madaarka Boorama uu yidhi“Madaaradu qayb libaax leh ayey ka qaataan nolosha dadka iyo dalkaba, Magaalada Booramana, waa Magaalo qadiima, waa Caasimaddii Saddexaad ee Somaliland, in la arko Madaarkii Boorama  oo dameero iyo adhi daaqayaan, waa dambi qaran, oo aan lahayn cudur daar, Boorama Itoobiya iyo Jabuutiba xidhiidh ganacsi ayey la leedahay, haddii Madaarka ha hagaajin lahaa wax badan baa fududaan lahaa, canaantana waxa iska leh Xukuumadda”.

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Guddida Anshaxa ayaa yidhi “Komishanka Qaranka mooye, cid kale oo ka garnaqi kartaa khilaaf ma jiro, cid aan awood u lahayn inay wax abuurto, ayaa wax magacawday, wax walba oo Dastuurka dhaafsiisana waa ka kac, kolay dabayshu siday u dhacayso waa la arkaa, Xisbiga dadkii kalsoonidiisi daba dhigayna waa la arkaa oo waa Xisbiga Waddani, ee Xisbi waliba Dastuurka ha dhawro, oo nabada ha ilaaliyo, waxbaan qasab ku qaadayaana wax suurtagalaya maaha, ta kale waa sharci daro cad in hantidii umadda loogu ololeeyo Xisbiga Kulmiye, Xukuumadda ayaan ka qayb ah”.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo isna ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo baaq uu u diray dadweynaha Gobolka Awdal ayaa yidhi “Dadka Degan Gobolka Awdal Deegaanadiisa kala duwani waxay doonayaan oo heelan u yihiin in dalku uu is bedel ku yimaado, oo waxayna u heelan yihiin inay codkooda ku ridaan Xisbiga Kulmiye, sababtoo ah wey ku soo daaleen, oo todobadii sanno iyo badhkii ay Xukuumaddan taladda dalka haysa ay joogtay waxba umay qaban, inay wax ka xumayso mooye, nidaamka Xukuumadda Kulmiye waa nidaam ku dhisan Musuq-maasuq, qabyaalad iyo eex, boobka hantida umadduna heerka uu marayo waa xad ka bax, waxaana maanta la marayaa in xafiisyadii dawladda ee lagu shaqeeynayey la iibiyo, waxaana tusaale inoogu filan Xafiiskii Badhasaabka Awdal ee la iibiyey, taas oo aan macquul ahayn, oo baahi loo iibiya aanay jirin, Xukuumaddan hore waxay u soo dhamaysay dhulkii iyo hantidii umadda ee Hargeysa iyo Burco, maantana waxay maraysaa Boorama, saddex meelood oo banaan baa jiray, saddexdiiba wey iibisay, meel maanta loo dhiso Badhasaabka Gobolka Awdal ma jirto, waxaana xaqiiqo ah in Xukuumaddan xishoodkii ka dhammaaday, ee dadweynaha Gobolka Awdal waxaan leeyahay dantiinu Xisbiga Waddani ayey ku jirta ee Xisbiga Waddani codkiina siiya, oo Xukuumadan burcada ah codkiina iskaga rida”.

Xildhibaan Hufane mar uu ka hadlaayey Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, oo ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani, wuxuu ahaa Guddoomiyihii Golaha Wakiilada, waxaana xaqiiqo ah in Cabdiraxmaan Cirro yahay masuul nadiifa ah oo qabyaalad, eex iyo balan-daro beena aan aqoon, oo qalma in la doorto, si uu dalkan horumar u gaadhsiiyo, waana masuulka qudha ee maanta mashkilada uu dalku ku jiro ka saari kara”.