Xildhibaano Awdal Iyo Sool Ka Soo Jeeda Oo Ka Hadlay Qaddiyadda Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiilda

0
637

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale., oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolada darafyada Somaliland, gaar ahaan Sool iyo Awdal ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan kulankii uu Madaxweynuhu la yeeshay Axsaabta ee ku saabsanaa xal u helida saami qaybsiga oo ilaa hadda xal laga gaadhin.

1

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale., oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Saleebaan Cali Koore wuxuu yidhi  yidhi “Kulankan Madaxweynaha iyo Axsaabtu wuxuu ahaa mid iba fur ah,oo bar bilow u ah xal u helida saami qaybsiga,waxa uu ahaa kulan ah sidee ayeynu wax nidhaahnaa iyo halkee aynu wax ka bilawnaa, waxaana run ah in arinka saami qaybsiga oo ilaa lixdankii taagnaa ilaa hadda xal muuqda laga gaadhin, cid gaar ahina xal kama gaadhi karto, go’aana kama soo saari karto, waa arin culayskiisa wata markaas in laga wada tashado oo la iska arko, oo ay la  kulanto cida quseeyso waa arin loo baahan yahay”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo isna arintan ka hadlay ayaa yidhi “In la gudo galo hawsha Saami qaybsiga waa la dhayalsaday, waana la yareystay, may ahayn in imikuun lagu baraarugo, ee waxay ahayd in mar horeba wax laga qabto, oo si toos ah loo gudo galo, imikana Madaxweynuhu waxa uu awoodaa inuu isagu si toos ah u yidhaahdo Goboladaas waxaan ugu diraya intaas Goboladaasna waxaan ka jaray intaas, kadibna uu si toos ah u ogeysiiyo Axsaabta, waxaan hubaa in aanay cidina ku diidayn balse dhayalsi aad u fara badan iyo xilkasnimo inay jirto ayaad mooda, ta kale Doorashadii ugu dambaysay ee Golaha Wakiilada waxay Maxkamadu soo saartay go’aan ah in Doorashadan lagu galo bilaa diiwaangelin, Doorashada soo socotana Diiwaangelin, markaas Diiwaangelintii hadda wey socota, markaas anigu waxaan qabaa in labada Doorasho ee Wakiilada iyo Madaxtooyada aan la kala qaadin, mudadaas hadhayna haddii la isku dayo in wax laga qabto saami qaybsiga waa laga qaban karaa”.

Dhinaca kale labadan Xildhibaan waxay baaq nabadeed u direen beelaha ku dagaalamaya Dharkeen-geenyo, waxayna ugu baaqeen inay dagaalka joojiyaan.