Xildhibaanada Xamar Oo Mooshin Caqabad Ah Ka Keenay Xukuumada Cusub

0
542

Muqdisho(Geeska)-Caqabad siyaasadeed ayaa soo waajahday golaha cusub ee uu soo dhisay raysalwasaaraha dawaldda Somaliya Mr. Xasan Khayre, waxaana ka horyimid 105 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Somaliya.

Qoraal ay baarlamaanku diyaariyeen oo mooshin ah ayaa waxay ku sheegeen in raysalwasaaraha cusub uu garab maray saami qaybsiga beelaha Somaliyed, sidaas darteedna loo baahanyahay inuu dib u eegis ku sameeyo golihiisa xukuumadda. Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa raysalwasaaraha u gudbiyay soo jeedinta xildhibaanada, waxaanu ugu baaqay inuu tixgeliyo soo jeedintan oo uu u arkay mid sax ah. waxaanu Mr. Jawaari yidhi “Kadib markii aan aragnay habka loo magacaabay golaha wasiirada waxa noo soo baxday in la garab maray habka awood qaybsiga beelaha laguna soo magacaabay xukuumadda qaab aan waafaqsanayn aragtidii awood qaybsiga ay hore beelaha soomaaliyeed ugu heshiiyeen taas oo aan is leenahay inay baal marsan tahay rajadii umaddu ka lahayd xukuumadda cusub.

Tilmaanta garab marka awood qaybsiga ee xildhibaanadu soo gudbiyeen wuxuu guddoonka golaha soomaaliyeed u arkaa inay tahay mid la gar waaqsan karo sidaa awgeed mudane Raysal wasaare waxaanu rajaynaynaa inaad siin doonto soo jeedintan toosinta ah qaddarinta ay mudan tahay.”

Wuxuu Mr. Jawaari faray raysalwasaaraha inuu golaha baarlamaanka horgeeyo xukuumadiisa ugu dambayn 31 March oo ay maalmo inaga xigaan.

Mooshinkan ayaa u muuqda inuu xukuumadda cusub iyo guud ahaan dawladda Farmaajo ku noqonayo caqabadii siyaasadeed ee u horaysay ee ay soo waajahaan.