Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Dood Adag Ka Yeeshay Miisaaniyadda Sanadkan Iyo Qodobada Ay Dul Istaageen

0
311

Hargeysa (Geeska)-Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada, ayaa inta badan Xidhibaanadii shalay doodooda ka dhiibtay Miisaaniyada Qaranka,waxay ku doodeen oo ay tilmaameen in khaladaad badani ku jiro Miisaaniyaddan, isla markaana loo baahan yahay in aan la ansixin ee dib loogu celiyo Xukuumadda.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo isagu ugu horeyn ka   hadlaya aragtidiisa ku waajahan Miisaaniyadda ayaa yidhi “Mashaariic badan baa lagu soo daray Miisanaaniyadda, Gobolka aan  ka soo jeedo ee Saraar in wax yarna aan lagu soo darin aad baan uga xumahay, haddana Wasiirkugu wuxuu doonaya in aan u ansixiyo, runtiina aad baan taas ugu xumahay, ta kale Miisaaniyadda markaan si guud u eegay, Miisaaniyaddu waa Miisaaniyadihii ina soo mari jiray, in qodob hadda laga doodayey oo ahaa in Gobolada iyo Degmooyinka loo dhaadhiciyo, oo wakhti badan laga hadlay, laguma saleeyan, simistarkii ay awalba raaci jirtay bay raacday, oo siduun baa loo soo daaya, oo kharashaad Wasaarado iyo Hay’addo lagu saleeyey, taana in guud ahaan Gobolada Miisaaniyadaasu ay Xafiisyada Wasaaradda ee Madaxda sarsare kaga kharash garawdo oo Gobolada waxba gaadhi waayaan, iyana waa qodob ka maqan Siyaasadda Maaliyadda, mar qudhana laguma soo daro, qodobka kale ee aan is lahaa runtii aad ka doodid waa tacriifadaha la soo raaciyey, taana waa ka Guddidu ka saaray, wakhtiga ay ina hor yimaadan ayey doodoodu noqonaysaa”.

Xildhibaan Axmed Ducaale isagoo ka hadlaya Cashuuraha ayaa yidhi “Imika Cashuuraha ayaa la qaadaa, masalan bilaydhka marka lagu bedelayo lixdan doolar baa laga qaadaya, konton doolar oo kalena waa la raaciyaa, boqol iyo toban doolar baa dadka laga qaadaya, su’aasha taagani waxa weeye halka ay sharciyada kaga saleeysan tahay waan is weydiinaya, inkasta oo Guddidu su’aalo ka soo jawaabeen, kamay jawaabin, halka boqol iyo toban doolar suuqa dadka lagaga qaadayo halkan waxay ku soo dareen tacriifada lixdan doolar in laga qaadayo, sababta is raacinaysa in marka lambarka lagu bedelayo, buuggana waa lagu bedelayaa, tacriifadana kuma taalo, hadda tan aynu bedelanayana kuma taalo, arintaa Guddidu inay Wasiirka weydiiyeen garan maayo, Miisaaniyadda marka aan sidaas isha u mariyey xatta Wasaaradaha laftooda, waxaa jira xagga wax soo saarka markaynu ka hadlayno Wasaaraddo muhiim inoo ah,Wasiirka fursad umaynu u helin inaynu su’aalo weydiino, ee aad waxaynu uga hadlaynaa wax soo saarka ama Hay’addaha wax soo saarka, waxaa ka mid ah Wasaaradda Beeraha, waxaa ka mid ah Wasaaradda Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Biyuhu daruuriyaadka ayey ka mid yihiin, Deegaankuna kuwa muhiimka ah ayey ka mid tahay, Wasaaradda Warfaafinta halkan waxa ugu qoran 44-bilyan, Wasaaraddaha Beerahana 17-bilyan baa ugu qoran, dheeli tirkaasi ma jiro, Wasiirka Beeraha mar baanu halkan ugu yeedhnay, in Dawladdu siyaasad weyn ka leedahay wax soorka ayaa ka mid ah, Wasaaradda Kaalluumaysiga iyo Xoolahana 28-bilyan baa ugu qoran,labadoodaba waxaa ka badan Wasaaradda Warfaafinta, waana garan waayey waxa lagu saleeyey Wasaaraddihii wax soo saarka, masalan Hay’ad yar baa ka lacag badan Wasaaraddaha badankooda, Duulista Hawada 15-bilyan baa ku qoran, Hay’adda yar ee Duulista Hawada oo Madaarka Hargeysa oo qudha maamusha, 15-bilyan baa ku qoran Wasaaraddii Beerahana 17-bilyan baa ku qoran, Wasaaradda Shaqada 10-bilyan baa ku qoran, Xafiiska yar ee Doorashooyinka 34-bilyan iyo 83-milyan baa ku qoran, anaga daruuri maaha ayey ila tahay, waxyaabahaasina iskuma dheeli tirna, inaga laftigeenuna Gole ahaan, Dawladdu markay inoo soo gudbinayso Siyaasad baanu ka heelnahay oo waxaas ayaanu ku saleeynay ayey tidhaahda, inaga lafteenu waa inaynu Siyaasad ka leenahay Miisaaniyadda, anigu waxaan odhan lahaa waxyaabaha qaarkood aynu hoos u eegno, arinta ugu daran ee maanta Wadanka haysataana waa nolosha dadka, Doorashooyin maaha, Idaacado laga hadlo maaha, waxa kale oo aan anigu ku arkay Miisaaniyadda oo ka maqan Siyaasada Dhaqaalaha Wadanka, Miisaaniyadu waxay ka kooban tahay dakhli la ururinayo oo meelo laga soo qaadayo, iyo dhaqaale la gudbinayo, laakiin ilo dhaqaale sida loo abuurayo, Miisaaniyadda lafteeda igama muuqato”.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo isna ka hadlaya Miisaaniyadda iyo sida uu u arko ayaa  yidhi “Miisaaniyaddan 2019, haddii aan indhaha marmariyey, waxaa ka maqan meelo badan ama dhawr meelood, oo qarankan laga filaayey inay hanti badani ka soo baxday, ayaan halkan ka muuqanin, waxyaabo badan oo aynu lahayn, oo qarankan muhiim u ahaa, oo hanti fara badani ka soo bixi jirtay, oo qarankan ka soo gali jirtay, waa la kirayey, kiro ayaa laga sheegay, waxaana ugu horeeyey garoonkeenii caalamiga ahaa ee Berbera, oo laga kirayey Imaaradka Carabta, waxaana waliba xogogaal ku haynaa safar uu ku tagay Madaxweynuhu Imaraadka, in heshiiskii markii hore lagaga kirayey in la kordhiyey, lacagta uu ku kiraysan yahayna lagu qiyaasayo ilaa 30-milyan oo doolar, taas oo Miisaaniyadda qaranka wax badan ka tari lahayd, saldhigaasi inta uu ku kireeysan yahay Miisaaniyadda Qaranka kama muuqato, tusaale haddii aan u soo qaato Madaxweynaha Jabuuti mar la wareysanayey oo la yidhi maxaa ka soo gala Saldhiyada uu kala wada sheegay, waxa ugu hooseeyey 40-kun, 15-kun baa ugu hooseeya, ilaa iyo 300 milyan dheeraad milyan, oo Miisaaniyadda ayey ku caddahay ayuu yidhi, oo laf dhabar bay ka tahay Miisaaniyadda Qaranka, waxaan leeyahay Miisaaniyadda ha lagu caddeeyo, Wasiirkii aanu weydiin lahayna ma imanin, waraaqaha ayuun baa la qaybiyey, oo Golaha lama hor keenin , si waxan wax looga weydiiyo, waxaan qabaa anigu in la soo raaciyo Miisanaiyadda Qaranka, hantida intaas leeg haddii ay maqan tahay, dee ganmooyin yeynaan ku meeraysanin, ee ha lagu soo caddeeyo lacagta intaas leeg halkay jirto, oo Miisaaniyadda Qaranka ha la soo galiyo,Dekaddii DP la wareegtay, kiro ayey ahayd, kiradu waxaan jecel ahay inay ahayd 5-milyan ilaa 6-milyan, waxaa kale oo iyana soo raacayey lacagta guud ee ka soo baxaysa Dekadda oo lagu yeelanayey boqolkiiba toban, iyo faa’iidada oo aynu wax ku lahayn, taana wax alaale iyo wax miisaaniyadda qaranka kaga jirtaa ma jirto, waxaana qabaa in halbawlaha ugu weyn ee qaranka uu leeyahay inay tahay, mar haddii ay kuwaasi ka maqan yihiin ma qabo in la ansixiyo Miisaaniyadda, ilaa lagu soo daro, waa hanti weyn, oo qaranka wax taraysa, oo imika meel alaale may ay ku maqan tahay aynaan garaynin, anigu waxaan qabaa inuu Goluhu arinkaa aad iyo aad u eego,oo aad iyo aad ugu fiirsado”.

Xildhibaan Siciid Cartan ayaa mar uu ka hadlaayey Miisaaniyadihii hore ayaa yidhi “Dhawr iyo labaatanka sanno ee Dawladnimada haysaynay, Miisaaniyad ayuun baynu ansixinaa, ee Miisaanayadu Wasaaradda oo qudha maaha ee Goboladii waxba ma gaadhan, safar baanu imika kaga nimid Gobolka Saaxil, anaga oo Guddiya ayaa lana diray, Isuduwaayashii baanu la shirnay, Miisaaniyad baad sheegaysaane, ninka ugu badani boqol doolar buu Mushahar u qaata, Shidala ma leha, Gadiid ma leh, Qalab Xafiis ma leh, Badrool ma leh, ee Miisaaniyadu yey noqon wan weyn badhi ku shub, ee nimankan Wasiiradda ah, Tikidhadooda iyo Masaariiftooda, yeynaan ku ansixinin meesha, in badan oo hore waa laga hadlaya, oo waxa la yidhi Miisaaniyadda ha la goboleeyo, waagii hore ee Dawladii Maxamed Siyaad Barre, marka Miisaaniyadda la ansixiyo Gobolada waarantis baa loo diri jiray, Isuduwe kasta waaran baa loo diri jiray, ilaa Degmada ayey gaadhi jirtay, ee Wasaarad iyo Wasiirkeeda uma shaqeeyne, haddii wixii gobolada 27-sanno gaadhaynin, Miisaaniyaddan ha la jajabiyo oo ha la goboleeyo, Goboladii waa lagu dhibaataysan yahay, dhibaatooyin fara badan baa ka taagan, anigu waxaan qabaa Miisaaniyad dib ha loo celiyo, aadna ha loo soo lafo guro, hantidan maqana ha lagu soo daro, Wasaaradahan waxaynu u ansixinayna siday Gobolada wax uga gadhayaan ha la caddeeyo”

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa isna dhankiisa wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya Miisaaniyadda “Waxaan soo jeedinayaa in loo yeedho Wasiirka si aanu su’aalo u weydiino, Miisaaniyadda siyaabo badan bay dheeli tirnaan la’aani ugu jirtaa, cadaalad daro badan baa ka muuqata oo deegaanada saameynaysa, cadaalad daradaas baanu wax ka weydiin lahayn, National Keeg baanu halkan ku qaybinaynaa, Gobolana waanu ka hadlaynaa, National Keegu inuu dadka wada gaadho ayaanu doonaynaa, cidda u qaybinaysay ee gacanta ku haysay  aynu  helno, oo aynu wax ka weydiino, talana aynu siino, Muddanayaasha leh waa wakhti dambe ee aynu dadajino, oo aynu ansixino, aniga waxay ila tahay wixii aynu ka gudan lahayn, wakhtiga aynu ka gudan lahayn,waxaa ina seejiyey dib u dhaca Miisaaniyaddii ciddii lahayd,haddii aynu maalmo haysano oo aynu ka baaran degayno lama inaguma eedayn karo, Golaha Wakiilada dib u dhigaye, ciddii October laga sugaayey ee December 25-keedii keentay, ayaa horta masuuliyadda leh, anigu waxaan soo jeedinayaa wakhti ha la isu siiyo”

Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil  ayaa isna yidhi “Inagoo Miisanaiyadii ansixin bay dadkuna sii qaylinayaan, dadkuna ma qaadi karaan sicir barar iyo cashuur, Wasaaraddii Horumarinta Beeraha dadku sidaas ayey u taagan yihiin, dad shaqeeya ma jiraan, inta yar yar ee Miisaaniyadda laga jaraa waxba inoo tari mayso, ee aynu ka aamahano milyan, haddii ay intaas ogolayn, waxa la igu yidhi Madaxweynuhu waa nin ku dhac leh, ha yidhaahdo iga baxa, gabalku yaanu ugu dhicin”

Xildhibaan Baar Siciid oo iyana ka hadlaysa Miisaaniyadda ayaa tidhi “Ilihii wax soo saarka ee la doonayey inay wax ka soo baxaan, ee uu ka mid ahaa Garoonkii Berbera, ee la kirayey, Dekadii Berbera ee DP World qaadatay, kuma jirto Miisaaniyadda, haddii ay Dekaddu ku jirtana maaha wax suurtagala, markaas ma bilaash ayeynu u siinay, ma inaga ayey Carabtu wax inaga rabaan, inay dalka horumar ku soo kordhiyaan inay shaqo abuur ku soo kordhiyaan, ayaa loo baahnaa, waxaynu ognahay in shaqaalihii ka shaqaynayey Berbera, boqolkiiba todobaatan inay maanta bilaa camal yihiin, Dekaddii iyo Garoonkiina carabta ayeynu siinay, ,marka Carabta ma ictiraaf baynu kaga iibsanay, ma wax kale ayaa jira”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.