Xildhibaanada Golaha Deegaanka Iyo Maayar-xigeenka Oo Si Kulul Uga Jawaabay Qoraalkii Wasiirka Hawlaha Guud, Kuna Eedeeyay Inuu Bixiyay Dhulkii Shacabka

0
482

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada golaha deeganka ee Hargeysa ayaa shPicture7arci daro ku tilmaamay wareegtadii uu soo saaray wasiirka hawlaha guud Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kaas oo la wareegay awoodii dawladaha hoose ee wadanka. Waxa ay xildhibaanadu wasiirka ku eedeeyeen boobka dhulkii dawlada ee shacabka, waxanay ugu baaqeen inuu ku eekaado shaqada uu qaranku u igmaday.

Waxa ay sidan kus heegeen xildhibaanadu shir jaraa’id oo ay warbaahinta kula hadleen, waxaanay shirkaas jaraa’id ku xuseen in aanay u hogaansamayan wareegtadaas oo ay ku tilmaameen mid aan sharciga waafaqsanayan.

Ugu horayntii xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Shahar) oo warbaahinta la hadlaayay waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Waxaanu khaatiyaan ka taagnahay wasiirkan hawlaha guud , wareegtooyinka xafiiskiisa ka soo baxayaana tan oo kaliyaata maaha, waxaanu haynaa ilaa dhawr iyo toban wareegto oo xafiiska wasiirka ka soo baxday oo ka hadlaysa dhul uu bixinaayo oo eeriya shacab ah, oo aanu madaxweynii qarankan maamulayayna ogayn, waanan soo bandhigi doonaa, isagaana aan u hogaansanayan wareegtooyinka madaxweynaha ka soo baxay, waxaanu leenahay xukuumadda aad ka tirsan tahay cidii ugu maamuuska weynayd oo ah madaxeynaha waa inaad xaqdhawrtaa  oo wareegtooyinkiisa aqbashaa adiga oo aan meel kale u sii dhaafin, waxaanu haynaa dhawr iyo toban guri oo eeriya shacab ka dhismay oo hadana ay qaarkood socdaan, waxaasina waxay ka soo fulaan wasirka wasaarada hawlaha guud, wasiir dhulkii aad u xilsaarnayad ayaad baylishisay ee ma tihid kii ka hadli lahaa dhul kale, haddii sharci daro aad wasiir la timi waa cida kaa dhagaysata uun.”

Xildhibaan Cabdillaahi Aw Aden, oo isna halkaas ka hadlay ayaa si kulul u cambaareeyay digreetada wasiirka oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaanu sheegay inay hayaan dhukumentiyo cadaynaya khaladaad uu wasiirku ku dhex jiro oo la xidhiidha dhulka shacabka ee uu bixintooda Madaxweynuhu hore u mamnuucay.

Xildhibaan Maxamed Aw Aadan, oo isaguna Shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in digreetada uu soo saaray wasiirka Hawlaha Guud tahay mid baal marsan shuruucda iyo xeerarka dalka, waxaanu xusay in Degreetadani aanay ahayn tii ugu horeysay ee ka soo baxda Wasarada Hawlaha guud waxaan hadaladiisa ka mid ahaa “Wax wasiirka Hawlaha guud ka soo baxday digreyto odhanaysa dawlada hoose dhulka ma sharciyeen Karaan, ma qorshaynkaran, waxba kama qaban karan, Runtii Manaan maqal in shuruucdii dalkan lahaa la badelay, wasiirku arrinta uu warbaahinta ka sheegay ku may habooneyn in uu warbahinta noo soo mariyo, sharciga ismaamulka iyo gobolada iyo degmooyinka Xeer No:23 qodobadiisa 34, 68, 25, waxay si waadax ah u cadeynayaaan awood dawlada hoose ee ku saabsan Dhulka, Xeer No:17 qodobkiisa 2aad wuxu si cad u sheegaya cid dhulka qorsheyntiisa iyo bixintiisa leh, waxaynu maqalnay Degreyto uu madaxweynuhu soo saaray, runtii Digreeytadaasi sharci ayey ku fadhiday waxay ka hadlaysay guryaha dawlada iyo shacab Erea, anaguna arrintaasi waa mid aanu ku shaqeynayno, laakiin wasiirku Degreytadaasi madaxweynaha ayuu si khalad ah u adeegsaday, dawlada hoose waligeed bay jirtay, dadweynahan iyada u adeegta wax ceeb ah ama dhib ah oo ka soo baxday dawlada hoosena ma jirto, marka waxaanu leenahay wasiir Ficilkaasi aad ku kacday waa ficil xun ee ka noqo.”

Maayar ku xigeenka golaha deegaanka ahna ku simaha maayarka Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo soo gunaanaday shirkaas jaraa’id ee ay warbaahinta kula hadlayeen ayaa wasiirka hawlaha guud ugu baaqay inuu ku eekaado shaqadiisa “Shirkayagan aanu isugu nimi ee oo ay fadhiyaan labaatan xildhibaan oo golaha deegaanka ah waxaanu ka jawaabaynaa  hadalkaas ka soo yeedhya wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta waxaanu leenahay, waxaynu ku wada hadlaynaa qodobo sharci ah ee adigana dadka ka sharfay oo kaa dhigay wasiir, anagana dadka naga sharfay ee naga dhigay xildhibaano kaas oo ah sharciga, kaas yaa inoo dhaxeeya oo aynu dalkana ku maamulnaa dadkana ku hogaaminaynaa, waxaanu u mahadnaqaynaa madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud oo digreetadiisu ay tahay sharci, hadaba dulsaarkan uu leeyahay waxaanu xiganaynaa ta madaxweynaha, waxaanu leenahay wasiir maad tixraacin digreetadii madaxweynaha, waxaanu sharcigu dhigayaa in dhulka shacab eeriya aad wakiil uga tahay jamhuuriyada Somaliland, dhulkaas waxii ka reebana in ay wakiil ka yiiin golaha deegaanadu.”

Isagoo maayar xigeenku hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Waxa uu dastuurka Somaliland dhigayaa qodobadiisa 110, 111,112 in aanu anagu awoodahaas aad nagu haysato oo dhan leenahay, halka xeer lanbar 17 qodabadiisa 4,5,8 iyo 31-naadba ay dhigayaan intuba ay sheegayaan inaanu awoodahaas leenahay, waxaanu nahay gole la doortay, dadku bacad u taagnaa, codkooda siiyay, marwalbana ku shaqaynaaya shuruucdaas baarlamaanku ansaxiyay, waxaanu kaa codsanaynaa in aad shuruucda dalku uu leeyahay dhawrto.”