Xildhibaan Yoon Oo Si Adag Uga Jawaabay Digreetada Wasiirka Hawlaha Guud

0
495

Picture2Hargeysa(Geeska)- Wakiilka Degmooyinka Xaafadaha Maxamuud-Haybe Iyo Maxamed Mooge Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo ka mida Mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ayaa  nasiib-daro ku tilmaamay Wareegto uu soo saaray Wasiirka hawlaha guud iyo Guriyaynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo uu golayaasha deegaanka kaga horjoogsanayo dhulka danta guud ah.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo shalay u waramay Shabakada wararka ee Hadhwanaagnews, ayaa waxaa uu ku fasiray hadalka Wasiirka mid meel ka dhac ku ah  Xeerka arrimaha dhulka oo Wasiirku adeegsaday waxaana uu yidhi Xildhibaanku. “Wasiirku waxa uu soo qaatay Xeer No.17/2001 oo uu leeyahay waxa dhulka danta guud ah bixinaya Wasaarada hawlaha guud, sida ku cad xeer –

No. 17-aad oo ah xeerka dhulka, gaar ahaan qodobkiisa 2-aad oo qeexaya awooda dhul bixinta, farqadiisa 1aad waxa uu odhanayaa maamulka iyo  bixinta a jagooyinka dhisme ee Magaalooyinka iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland waxa iska leh maamulka dawlada Hoose, gaar ahaan guddida fulinta dawlada Hoose. Qodobka 9aad ee xeer No.17 waxa uu odhanayaa jago kasta oo leh isticmaal rasmi ah, waxa lagu bixinayaa go’aanka guddi fulineed, iyaga oo adeegsanaya soo jeedinta Xafiiska qorsheynta ee dawlada Hoose,isla Qodobka 14aad ee Xeer No. 17/2001, waxa uu odhanayaa maamulka dawlada Hoose iyaga oo dhawraya sharciga Xeer No. 17, iyo sharciyada kale ee u yaala dalka Somaliland waxay awood u leeyihiin inay dhul siiso qof kasta oo muwaadin ah, Shirkad, Ururada Waddaniga ah iyo  hay’adaha dawlada-ba.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray Xildhibaan Yoon oo yidhi “Hadaba, isaga oo uu Xeerku (Xeer No. 17) sida uu kala caddeynayo cidda awooda u leh bixinta dhulka, ayaa waxa ayaan-darro ah inuu Wasiirka hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif uu isku qaado shaqo aanu awood u lahayn, waxaan leeyahay Wasiirka ma filayo inay soo dhamaatey dantii guud ee Shacabka, aniga oo aan cidd-na dhaliilayn waxaan leeyahay Wasiirka ku eekow  shaqadaada, haddii aad doonayso meel aad degtana si sharaf leh nooga soo codso”.  “Ka Dawlad Hoose ahaan annaga ayaa xaq u leh inaan bixino waxan, oo adiga shaqadaadii maaha, waxaana muhiima inaad garato wixii  shaqadaada ah, ma nihin Caruur yar-yar oo meesha iska timid ee waxaanu nahay dad aqoon leh  oo sharciyadooda garanaya, dalkuna waxa uu leeyahay sharci, dawlada aad Wasiirka u tahayna waa dawlad aad u ilaalisa sharciyada waanan ku ammaanayaa, laakiin adiga ku garan-maayno meel aad ka raacday iyo meel aad ka amartey, markaa Wasiir shaqadayada faraha nooga qaad oo shaqadaada ku ekoow”. Ayuu yidhi.

Waa uu sii wadday Xildhibaanku hadalkiisa waxaana uu ku dooday oo mar kale Wasiirka ku dhaliilay in aanu fahmin xeerka Dhulka, waxaana uu yidhi “Waxa nasiib-darro ah inaanu Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif waxba ka aqoonin xeerarka iyo sharciyada dalka Somaliland, gaar ahaan kuwa khuseeya shaqadiisa, waxaan tallo ahaan ugu soo jeedin lahaa Wasiirka inuu dadaal baddan geliyo sidii uu u akhiriyi lahaa xeerarka dalka, waayo kolba inta aad wax akhrido ayuunbaad taqaanaa”.  

Hadalkan Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon ayaa ka danbeeyey, kadib markii uu Wasiirka hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed uu shalay soo saaray wareegto uu dawladdaha Hoose ee Somaliland uu kaga joojinayo sharciyeynta, Qorshaynta dhulka banaan ee magaalooyinka dalka iyo bixinta danaha guud ee dhulka.

Wasiirku waxa uu sheegay in imika wixii ka danbeeya ay dawladaha hoose ee dalka ay ka reebanaan doonto bixinta dhulka ku yaala meelaha macdanta, dhul beereedka, xeebaha iyo meelaha danta guud loo qorsheeyey, kaas oo hay’adaha kala duwan ee dalka iyo mulkuuliyaasha beeraha ugu baaqay inay dhawraan xeerka dhulka ee Xeer 17/2001.