Xildhibaan Xukuumadda Kula Taliyay Inaanay Dhibaatayn Saxaafada

0
849

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Xukuumadda u soo jeediyey inay ilaaliso xoriyatul qawalka, isla markaana aanay ku xad gudbin madax banaanida Saxaafadda.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda looga baahan yahay in aanay ku deg degin wax soo saarka dalka, balse ay marka hore sameeyso cilmi baadhis iyo daraasad, si aanu wax soo saarkii loo baahna aanu u khasaarin, waxaanu ugu horeyn yidhi “Warbaahintu waxay dhex u tahay Dawladda iyo Dadweynaha, waxay dadweynaha u soo gudbisaa wararka ka qarsoon, waxayna sidoo kale Dadweynuhu ka gudbiyaan hadba wixii fariin iyo talooyin ah oo ku waajahan Dawladda, Warbaahintu wey madax banaan tahay, waxaana saaran Warbaahinta waajibaad, ah inay ka digtoonato baahinta wararka fidnada, dhibka iyo amni darada keenaya, waxaana looga baahan yahay inay baahiso wararka umadda waxtar u ah, laakiin maaha inay Xukuumaddu ka gilgilato runta ay warbaahintu umadda u soo gudbinayso, mana ah inay xoriyada ka qaado, ee Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay ixtiraamto madax banaanida warbaahinta”.

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey wax soo saarka dalka iyo waajibaadka Xukuumadda ka saaran ayaa yidhi “In dalku wax soo saar yeesho, oo Beeraheena wax inooga soo go’aan ma xuma, waana qorshe fiican, laakiin qorshe aan ka fiirsi lahayn, oo fashilaad ku dambeeya loogama baahna inay Xukuumaddu ku saleeyso wax soo saarka dalka, sida haddaba dhacday, maxaa yeelay mashruucii ugu balaadhnaa ee laga fuliyo Gobolka Daadmadheedh ee Xaaxi, bal baa ugu yare kamuu soo go’in, taasina waxay ku timid Xukuumadda oo aan daraasad dhab ah iyo cilmi baadhis sameeynin, ee wey deg degtay, imikana waxaaba la galay gaadhi gaadhi saara, ee ALLE ha inoo sahlo, balaayada iyo abaarahana ha inaga qabto”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here