Xildhibaan Xoog Oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ku Eedeeyey In Dilkii Gaashaamo Ay Kala Xishootay Xasuuq, Kuna Sheegtay Dhiillo

0
470

Hargeysa (Geeska)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jamaac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa sheegay in weftigii Itoobiya ee dhawaan dalka  yimid aanay dadkii lagu laayey deegaanka Gaashamo sidii loo baahnaa uga hadal, halka uu sidoo kale Xukuumadda Somaliland ku eedeeyey in iyana sidii looga baahnaa aanay uga hadal. Xidlhibaanka oo dhacadaas GAASHAAMO ku tilmaamay xasuuqa, waxa uu Dawladda Faderaalka Itoobiya ugu baaqay in ay wax badan ka qabato dhacdadaas foosha xun, oo gacan bir ah lagu qabto dadkii falkaas geystay.

xoog-300x218

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jamaac (Cabdiraxmaan Xoog), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay safar uu Guddoomiyaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), uu ku tagay dalka Sweden iyo mooshin ku saabsan Ictiraafka Somaliland oo la hor keenay Barlamaanka Dalka Sweden, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya "Dawladda Itoobiya inta ay halkan timid ayaa iyadoo la taagan Golaha Wasiiradda Somaliland tidhi baadhis baanu sameeynaynaa, waxa aan leeyahay baadhis uma baahnaa ee waa ay caddahay oo dhawr iyo labaatan qof ayaa la laayey” Dhinaca xukuumadda Somaliland isaga oo isla arrintan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Xukuumadda Siilaanayo waa ay ka xishootay oo afkaba may soo marin inay dhaceen xasuuq iyo gumaad, waxay ku sheegtay dhiilo, dhiilo may ahayn ee xasuuqa cad oo badheedha oo gumaad ah ayuu ahaa” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu baaq u diray dawladda heer federaal ee dalka Itoobiya, “Waxaanu ugu baaqaynaa Dawladda Fadaraalka Itoobiya inay arintaas tallaabo cad ka qaado oo dadkii fal dambiyeedkaas geysayna talaabo sharciya ka qaado, waana in gacan bir ah lagu qabtaa dadkii xasuuqa geystay, waana in laga waraabiya ciqaabta sharciga ah ee ay mutaysteen, laakiin waanu badhaynaa waa arin fudud”

Xildhibaan Xoog waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Somaliland ay yihiin deris nabaddoodu isku tiirsan tahay, laakiin waxa uu dhaliil u jeediyey maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu sheegay in ay dhaawacayaan xidhiidhka wanaagsan ee labada dal, isaga oo arrimahan ka sii hadlayana waxa uu yidhi, “Dawladdaha Itoobiya iyo Somaliland waa dawladdo jaar ah, Nabada Itoobiya waxa ilaaliya Somaliland, oo ka ilaaliya xadka dheer, dadkaygu wey illaabeen colaaddii u dhexayn jirtay Soomaalida iyo Itoobiya. Nimankaas kilinka shanaad ee Ina Ilay madaxda u yahay waxay soo celinayaan coladii Somalida iyo Itoobiya, annaga noo xidhan mayaan dad qabiil ahi shaadh dawladeed, oo shaadh dawladeed qabiil nagu layn maayo”

Xildhibaan Xoog waxa uu sheegay in arrintan haddii aanay saaxiibtinimada Itoobiya xaqdhowreyn ay caalamka gaadhsiin lahaayeen waxa dhacay oo wadamada joogtada ah ee golaha ammaankaQaramada Miidoobey ay u caban lahaayeen. “Waxaanu la hadli doonnaa wadamada joogta ku ah qaramada midoobay, laakiin ilaa hadda waxaanu ilaalinaynaa xidhiidhka wanaagsan ee Itoobiya iyo Somaliland, Dawladda Fadaralka Itoobiyana waxaan leeyahay Ina Ilay yaanu ina kala dilin, dadkaygana annagu xasuuq uma ogalin, dadka Somaliland iyo dadka Kilinka shanaad ee Itoobiyana waa dad walaalo ah oo isku mid ah, maxa yeelay haddii dadkaas kilinka shanaad dhibaato gaadho dadka reer Somaliland waa ay kacayaan”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa mar uu ka hadlaayey safarka Guddoomiyaha Wakiiladau ku joogo dalka Sweden  ayaa yidhi "Mooshinkaas ku saabsan ictiraafka Somaliland ee la kor keenay Barlamaanka Sweden mid lagu guulaystay ayuu ahaa, Guddoomiye Cirro si deg deg ah ayuu u baxay isaga oo arin shaqsiya u socda, madaama ay Ramadaan tahay ayuu haddana Mooshinka Ictiraafka Somaliland oo Xisbiga Waddani soo abaabulay darteed xil gooniya iska saaray Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa lagu casuumay doodii oo socota oo la soo jeedinayo Ictiraafka Somaliland, arinkaas si weyn baa loo qaatay, waxaana laga yaba in Dawladda Sweden noqoto dalka ugu horeeya ee Aqoonsada Somaliland".

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog wuxuu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee wada dega Dharkeen-geenyo, oo uu ugu baaqay inay ilaashadan nabadooda, oo colaada iyo dagaalkana joojiyaan, waxaanu ILLAAHAY uga baryey dadkii dagaalkaas ku dhintay inuu jannadii ka waraabiyo cidii ku dhaawacan tayna inuu caafimaad sareecana siiyo.