Xildhibaan Tukaale Oo Ka Hadlay Saami qaybsiga Gobolada Ee Wakiilada, Kana Digay Dib U Dhac

0
542

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Bashiir Xaaji Xuseen Tukaale oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddida Arrimaha Guddaha ee Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay Doorashada, waxaanu si gaar ah uga hadlay Doorashada Golaha Wakiilada iyo saami qaybsiga Gobolada, waxaanu ku taliyey in inta aan la gaadhin Doorashada in laga sii yeesho talo qaran si xalo loogu helo.

1

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka digay in Doorashooyinku dib u dhacaan, waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay Guddida Nabadgaliyada iyo Arrimaha Guddaha ee Golaha Wakiilada waxaanu safaro kala duwan ku tagnay Gobolada dalka, waxaanu u baxnay oo safarkaas nagu kalifay waa sidii xal loogu heli lahaa soo xulida Xildhibaanada Doorashada Wakiilada iyo Gobol walba saamigu ku yeelan lahaa, iyada oo tabashooyin badan oo arintan ku saabsani ay jirto, waxaanu la kulanay Wax-garadka, Aqoonyahanada iyo Bulshada kala duwan ee Goboladaas, tabashadoodiina waanu dhagaysanaynay, anaguna Madaxweynaha ayaanu u gudbinay sida aanu wax u aragnay, markaas waxaan ku talin lahaa in inta aan la gaadhin Doorashada in xal arintan loo helo”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa isaga oo ka hadlaya Doorashada ayaa yidhi “Haddii Doorashadu mar dib u dhacday oo Xukuumadda laba sanno, loo kordhiyey, waxaan ka digayaa in aanay Doorashadu dib u dhicin, waxaan kale oo aan ka digayaa in aan la carqaladayn Doorashada, maxa yeelay sabab alaale sabab keenaysa in Doorashadu dib u dhacdo ma jirto, ee aad ha looga feejignaado dib u dhaca Doorashada”