Xildhibaan Talyanle Oo Sheegay Inuu Maxkamadda U Gudbinayo Muranka Ka Soo Baxay Natiijadii Doorashada

0
599

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), oo u tartamaayey jagada kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in aanu ku qanacsanayn natiijada uu Baashe Maxamed Faarax oo la tartamayey uu ku noqday Guddoomiyaha Wakiilada, waxaanu tilmaamay in isaga ay u coddeeyeen 39 Xildhibaan oo iskugu jira Mucaarad iyo Muxaafidba, waxaanu sheegay in isla shalayba ay Maxkamada u gudbiyeen dacwada ku saabsan arinkan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), oo warbaahinta la hadlaya ayaa sidoo kale ka hadlay kulan uu la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu ugu horeyn uu yidhi“Soomaalidu waxay tidhaahda muslinoow run sheeg, muslinoowna uga qaado, Xildhibaan musharaxa ayaan ahaa, waxaan la baratamayey Baashe Maxamed Faarax, tirada marka la soo koobo Guddoomiyuhu wuxuu ku dhawaaqay sida aad maqasheen, Cabdiraxmaan Talyanle in 38 dooratay, Baashena 39, go’aankaasi wuxuu ahaa go’aan gudoon, shirkii sidaas ayuu ku xidhmay, waan tahniyadeeyey ninkii ila baratamayey, ee cod dheerida halka igaga guulaystay, sidii marka aanu ka soo baxnay ee Golihii lagu xidhay, arintii wey is badashay, markiiba Golaha dhexdiisa waxa ka dhacday 39 adiga ayaa lahaa, 38 Baashe Maxamed Faarax buu ahaa, arintaas ha la hubsado ayaa la yidhi, erayadaasi waxay ka yimaadeen isla Golaha Wakiilada, shaqaalihiisi iyo xoghaymihiisi, dabadeed Xildhibaanadii aniga ii codeeyey aad iyo aad bay taas uga gilgisheen, waxay igu yidhaahdeen ilaw iyo ilawba shir jara’id baanu qabanaynaa, wax aanu qaadan karno maaha, taas waxaan is yidhi ha ku deg degin, dabadeed galinkii dambe shir baanu yeelanay, ilaa galabnimadii oo dhan 39 Xildhibaan ee ii coddeeyey, baa goob iskugu yimid, oo aan nin ka maqnayn, 39 kaasi dhammaantood waxay qireen inay u coddeeyeen Cabdiraxmaan Talyanle, nin waliba isagoo u diyaar ah gacantana u taagay, magaciisa oo saddexan, Xildhibaan walba la sheegayo, oo uu leeyahay aniga oo hebel hebel ah, waxaan Doorashadoo loo baratamayey ee Afhayeenka Golaha Wakiilada, codkaygii siiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle”.

Cabdiraxmaan Talyanle mar uu ka hadlaayey wuxuu arintan ka yeelayo ayaa yidhi “Arintani maaha arin siyaasiya, waa arin u baahan sharci, nihaayadeeduna Maxkamadda ayey tagaysa, Maxkamada ayaa wax ka odhanaysa”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anigu haddii aan markii hore tahniyadeeyey, markii dambe iraadadii Xildhibaanada ayaa ka hor timid, Xildhibaanadaas oo Xisbiga Waddani oo qudha ahayn, ee Xisbiga Kulmiye leh, oo labada Xisbi qaar aan ku jirini ay ka mid yihiin, saddexduba shir jaraa’iid bay qabteen, taas ayaa igu dhalisay xalay (habeen hore), mid waliba markii uu yidhi xaqagii la duudsiyi maayo, taas ayaa igu dhalisay in aan ka daba keeno arintaa iyada ah”.

Mar wax laga weydiiyey 39 Xildhibaan ayaa ku jawaabay “Maanta ayey qaar hadlayeen,Xildhibaan qudha ayaa ka maqnaa, 38 kaleba Hargeysa ayey joogaan, halkaas Xildhibaan oo ah Garyaqaan Cabdiraxmaan, wuxuu ku maqnaa Boorama, oo shalay buu noqday, isaguna halkaas buu baaq ka soo diray, iyadoo maqal iyo muuqaal ah ayuu ka soo diray, 39 Xildhibaan sidaas ayey ku dhan yihiin”.

Mar wax laga weydiinayey in Xisbiga Waddani dabada ka riixayo ayaa ku jawaabay “Run ahaantii waa su’aashii ugu horeeysay ee la I weydiiyey, may ahayn mid aan anigu diidayey Guddoonkii Barlamaanka, waan tahniyadeeyey ninkii ila baratamayey, hase yeeshe Xildhibaanada I doortay Waddani oo qudha may ahayn, waxay u dhammaayeen Waddani, Kulmiye iyo nin aan labada Xisbiba ku jirin, oo saaka (shalay), hadlaayey oo ah Xidhibaan Xaamud Cismaan Cali, labada XIsi midna maaha, dadkaas ayaa yidhi codkaygii halkuu maray inuu ka muuqdo ayaanu rabnaa”.

Mar wax laga weydiiyey Cabdiraxmaan Talyanle kulan uu shalay la yeeshay Guddoomiyaha Guurtida ayaa yidhi “Mawduucaas laftiisa ayaanu ka wada hadalnay, hadal oday buu ahaa, sidaas su’aalaha I weydiinayso buu leeyahay “Maxaa is bedelay,hadaad markii hore tahniyadaysay, sidaas aan idinka shaafiyey ayaan ula hadlay, isagana uga shaafiyey”.

Dhinaca kale wuxuu sheegay Cabdiraxmaan Talynale uu isla shalayba Maxkamada u gudbiyey Dacwadiisa.