Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Beeniyay Inuu Ka Baxayo Xisbiga KULMIYE, Xukuumadana Ugu Baaqay Inay Iska Ilaaliso Inay Ku Dhaqanto Waxyaabihii Ay Rayale Ku Eedayn Jirtay

0
556

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, ayaa beeniyay inuu ka baxayo xisbiga KULMIYE islamarkaana uu ku biirayo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Xildhibaan Siciid, oo daba socda war uu shalay Wargeyska Haatuf qoray oo sheegayay in Xildhibaan Siciid ka mid yahay xildhibaano kale oo dhawaan ku biiraya xisbiga Waddani, ayaa wuxuu sheegay inaanu warkaasi jirin. Xildhibaan Siciid, oo shalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu sheegay inaanay jirin cid xisbiga KULMIYE ka xigtaa islamarkaana uu ka tirsanyahay, balse aanay taasi ka horjoogsanayn inuu soo bandhigo dhaliilaha xukuumadda Somaliland.

“Waxaan jawaab ka bixinayaa jariirada Haatuf oo cadadkeedii shalay ku soo qortay inaan ka bixi doono KULMIYE oo aan ku biiri doono Waddani. Warkaasi ma jiro, wax uu Wargeysku iga weydiiyayna ma jiro. Waxaan maanta halkan ku cadaynayaa in aanan ka bixin KULMIYE, cid xisbiga KULMIYE iga lihina ma jirto, cid iiga tabac badnaydna ma jirto, cid aan martiga uga ahayna ma jirto.” Ayuu yidhi xildhibaan Siciid oo u waramay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay, “Halkase la ilaawayaa waxa weeye in aan ahay xildhibaan wakiil ka ah shacbiga reer Somaliland, una dhaartay dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa. Waxay dawladu khalado cidda u xilsaaran inay ka hadasho ayaan ka mid ahay, ku raaci maayo waa xisbigaagii iyo reerkaagii. Wax badan oo Barnaamijkii KULMIYE ee aan wax ka sameeyay ku jiray oo ay xukuumadu baal martay ayaa jira, waxa ka mid ah:

Kala madaxbanaanida waaxyaha qaranka iyo is ilaalintooda

Maamul wanaaga iyo sixitaanka nidaamka dawladnimo. “

Xildhibaan Siciid, isagoo hadalka sii cadaynaya wuxuu yidhi, “Qorshaha koowaad ee KULMIYE wuxuu ahaa inaanu nidaamka bedelno ee may ahayn inaanu Rayaale bedelno. Calaa kuli xaal ta’ Cabdiraxmaan Cirro ee laygu sidkayaana waa sax, waa guddoomiyaha golaha, waana guddoomiyahayagii inaan is barbartaagana waa igu waajib, waayo keligii laguma soo duulin ee golaha wakiilada ayaa lagu soo duulay, sida imikaba loogu duulay waaxdii garsoorka. Dad badan oo shalay I amaanayay ayaa maanta I maagaya, dar ka badan oo shalay I maagayayna maanta ayay I amaanaan, sharaf bay ii tahay taasina, waayo waxaan isu arkaa nin xaqa ku eedaama oo aan maskaxdiisu cid gaar ah u xidhnayn.”

Isagoo ugu dambayn la talinaya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu yidhi “Waxaan xukuumadda kula talinayaa inay iska ilaaliso inay ku dhaqanto wixii aanu shalay ka qaylin jirnay, talada nasteexa ahna ay qaadato.”