Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo 31 May U Cayimay Shirka Golaha Dhexe Ee Garabka Hoggaanka

0
565

Picture5Hargeysa(Geeska)- Garabka taageersan guddomiyaha  Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa iyaguna ku dhawaaqay in ay shirkoodii Golaha Dhexe ay qabanayaan 31-May ee bishan aynu ku jirno. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ku hadlaayey afka garabka uu hogaaminaayo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo Shalay   shir-jaraa’id qabtay waxaa u ku dhawaaqay in ay iclaaminayaan in iyaguna ay Shirkoodii Golaha Dhexe qabsanayaan 31-ka May,isaga oo sida oo kalena tibaaxay in ilaa Bari (Maanta) ay sii daynayaan liisaskii Golaha Dhexe sidaasina ay ku qabsanayaan Shirka Golaha Dhexe. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxaa uu sida oo kale uu ka waramay halka uu khilaafka Xisbiga KULMIYE uu salka ku hayo,isaga oo sheegay ilaa maalintii Muuse Biixi Xilka lagu wareejiyey in ay jireen dad doonayey in aan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) Xilka Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE aanu ku wareejin Muuse Biixi oo uu Siillaanyo isku ahaado Guddoomiyaha Xisbiga iyo Murashaxa Madaxtinimada danbe,waxaana Isaga oo ugu horayn arimahaasi ka hadlaya uu yidhi “Waad ogtihiin Maanta xaalada uu Xisbigu maraayo,waad ogtihiin in duulaan lagu soo qaaday Xaruntii Xisbiga iyo Madaxdii Xisbiga oo inqilaab ka socdo Qaranka Maanta ama dee gaar ahaan Xisbigan waad ogtihiin,waad ogtihiin in Huteelada lagu shiro oo Madaxtooyadii ku soo duushay Xisbiga waad ogtihiin,waxaan haddaba doonayaa in aan halkan uga jawaabo Raggii Shalay (Doraad), hadlaayey ee ku hadlaayey Afka Xukuumadda ilayn kumay hadlayn Afka Xisbiga ee waxa weeye arintani may bilaabmin imika ee Afar Sannadood ka hor ayaa ay bilaabantay oo markii uu doorashada Xisbiga kulmiye helay waxaa Distoorka noogu taalay in muddo Sodan Cisho  Gudahooda ah uu Gudoomiyenimada Xisbiga ku wareejiyo Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Xisbiga haddii uu ku guulaysto Doorashada, Madaxweynuhu waa uu fuliyey qodabkaa  oo waa taad ogaydeen in Maansoor lagu qabtay Xil wareejintii,haddaba arintani ilaa Maalintaas ayaa ay socotay oo dadbaa aan raaliba ka ahayn in Odayga laga wareejiyo Guddoomiye-nimada oo uu Odaygu guddoomiye ahaado,Murashax uu ahaado intaas oo dhana waxaa nalagu lahaa Guddoomiye-nimadaa  lagu wareejiyey Muuse Biixina waa ku meel gaadh”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo hadalkisii Sii wata waxa uu yidhi “Horta Golihii Dhaxe waa uu baxayaa Maanta iyada oo uu Xisbigu uu isticmaalayo awoodiisii Sharciyeed,Golihii Dhaxe waa la sii daynayaa shirkiisa ugu horeeyana 31-May ayaa la qabanayaa anaga ayaa cadaynayna taa, Golihii Dhexanaa waa sii daynaynaa oo waanu sii daynaynaa liisaskoodii oo Baritana (Maanta), waa ay naga wada bixayaan waana la wada arki doonaa taa, waxaana aanu icilaaminaynaa in aan anaguna 31-ka may aanu  qabanayno shirkayagii”

Dhinaca kale Garabka kale ee ka soo horjeeda Garabka Muuse Biixi ayaa iyana dhankooda u iclaamiyey in Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye uu furmi doono kowda bisha Lixaad, waxaanay labada shir kala horeeyaan hal maalin, waloow ay socdaan dedaalo xal raadineed oo xoog badani.